Ruushka Oo Burburinaya Kaydka Warshad Gaaska Dabiiciga Ah Oo Ku Taal Xadka Finland Iyo Cimilada Oo Kulayl Isu Bedeshay

Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Ruushka, ayaa ganafka ku dhuftay qorshe ay qaramada Midoobay Hay’adda u qaabilsan tamarta Nukliyeerka (The UN Atomic Energy Agency), ku doonayso in khuburo loo diro xarunta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee gacanta u gashay, taas oo walaac iyo cabsi weyn ku haysa dalalka Yurub iyo dunida kale.

Laxidhiidha: Khabiir U Dhashay Britain Oo Sheegay In Ruushku Qarniyo Baddan Sii Wadikaro Dagaalka

IAEA, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sidii koox khubaro ah loogu diri lahaa xarunta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine maalmaha soo socda. Laakin Ruushka ayaa gebi ahanba diiday qorshahaa, waxaana muuqata in aan wax heshiis ah lala gaadhin Moscow sidii goobtaas loo gaadhi lahaa.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa habeennimadii xalay ka digay in xaaladda warshadda ay wali tahay mid halis ah oo khatar ah. Xarunta Korontada ayaa si ku meel gaar ah looga saaray shabbakada todobaadkan, taasoo sababtay in ay sii korodhiso cabsida iyo walaaca iyo mad madow uu waajahayo gobolku.

Laxidhiidha: Antonio Guterres Oo Laga Dalbaday Inuu Xaqiijiyo Ammaanka Xarunta Tamarta Nukliyeerka Ee Zaporizhzhia Oo Ruushka Qabsaday

Cabsida ugu weyn ee walaaca dhalinaysa, ayaa sababtay in Khubarada nukliyeerku ka baqayaan in lagu dagaalamo agagaarka xarunta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine, kaddibna ay ka dhalato masiibo shucaac ah oo khatar weyn, isla markaana galaafata nolosha malaayiin qof, sidoo kale cabsida ayaa ah, in deegaanka waxyeelo weyn soo gaadho.

ALT: Araweelo News Network.
Xarunta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine oo Kaarayaasha Ruushku ku wareegsan yihiin, kaddib markii uu qabsaday March 2022, Image wikipedia.org, by Araweelo News Network.

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta xarunta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia horaantii bishii March ee sannadkan, waxayna marar baddan oo walaac laga muujiyay sheegen in ay iyagu si nabad ah gacanta ugu hayaan, balse la doonayo in la siyaasadeeyo.

Arrimahaa ayaa sababay in Ruushku hor istaago ku dhawaaqistii ugu dambeysay ee heshiiska Nukliyeerka ee ahaa qprshaha ay waday Qaramada Midoobay Hay’adda u qaabilsan tamarta Nukliyeerka (The UN Atomic Energy Agency), kaddib shir socday muddo bil ah oo looga hadlayay hub ka dhigista.

Weftiga Ruushka ayaa qoraalka qabyada ah ku tilmaamay inuu yahay mid siyaasadeed oo aan dheelitirnayn. Dukumeentiga waxaa ku jiray hadal walaac weyn abuuray oo ku saabsan dagaalka ka socda agagaarka goobaha Nukliyeerka ee Ukraine, iyada oo aan si gaar ah loo magacaabin Ruushka.

Dalalka reer galbeedka ee xulufada Maraykanka, ayaa si weyn uga muujiyay niyad jab qabsashada Ruushka ee xarunta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia horaantii bishii March 2022, waxayna si cad ugu eeddeeyeen Ruushka in uu wiiqayo nabadda caalamka.

Dhinaca kale, Ruushku ayaa lagu soo waramayaa in uu burburinayo kaydka gaaska dabiiciga ah, waxaana jira walaac kale oo ka dhashay warshad ku taal meel u dhow xadka Finland iyo Ruushka oo gubatay, taas oo lagu qoyaasay inay sababay khasaare 10 milyan oo Yuuro oo shidaal ah maalin kasta.

 Dadka dalka jaarka la ah Ruushka ee Finnishka ah waxay soo sheegeen inay arkeen olol weyn iyo qiiq hawada isku shareeray, iyagoo ku doodaya in ay dareemeen xaalad kulul oo si weyn cimilada u bedeshay, balse xarunta ayaa u diyaarinaysa gaasta Ruushka si loogu qaado Jarmalka, wallow Ruushku uu gebi ahaanba sheegay inuu ka jaray gaasta dalalka Yurub, isagoo doonaya inuu uga dhigo jawaabta dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday iyo cunaqabataynta la saaray markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine oo in ka baddan Lix bilood socday, isla markaana dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba dunida si weyn u wiiqay,  sidoo kalena sababay cunta yaraan soo waajahaday aduunka iyo qiimaha shidaalka iyo maceeshada oo si weyn cirka isugu shareeray.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com