Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa  sheegay inuu xilkii ay hayeen ka bedelay guddoomiyihii maxkamadda gobalka Maroodi-Jeex Axmed Dalmar iyo guddoomiyihii maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel.

Sidaana waxa  lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Maxamadda Sare ee Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa masuulyiintan uu xilka ka qaaday bedelkoodii magacaabay, wuxuuna  guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex  u magcaabay Cabdi Qawdhan Cabdi, halka Guddoomiyaha Maxmakadda Degmadda Hargeysa loo magacabay Yaxye Xuseen Yuusuf.

guddoomiyihii maxkamadda gobalka Maroodi-Jeex Axmed Dalmar, ayaa loo bedelay garsoore maxkamadda rafcaanka ee gobolka Maroodi-jeex, halka   guddoomiyihii maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel loo bedelay  garsoore maxmadada degmada Hargeysa,  balse Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa warbaahinta u sheegay inuu iska casilay xilkii gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex

Garsoore  Axmed Dalmar Ismaaciil oo ahaa guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa diiday Xilka loo Magacaabay ee ah inuu ka mid noqdo Garsooreyaasha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex , isagoo yidhi, “Anigu shaqadii Garsoore-nimo ee aan Garsoorka u hayey waan iskaga tagay oo anigaa iskay uga tagay..” ayuu yidhi, Gar-yaqaan Dalmar oo Hargeysa kula hadlayey Warbaahinta.