Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer Soomaalida, isla markana ka mid ah hoggaanka xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka hadlay kulan uu magaalada Doha ee dalka Qatar kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Mr. Buubaa ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay  ka wada hadleen wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya iyo mustaqbalka labada dal.

Dhinaca kale Ismaaciil Hure Buubaa ayaa waxa uu ka digay fara gelin siyaasadeed oo uu sheegay in dawlada Imaaraadka Carabta ay ku hayso Somaliland gaar ahaana hanaanka doorashooyinka, isagoo isku xidhay nuxurka qodobo ay xukuumadu sheegtay inay ku heshiiyeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo war-murtiyeed ay wada jir u soo saareen Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo ku saabsanaa doorashooyinka.

Mr. Buubaa, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay Waraysi uu siiyay Telefishanka Universal

Halkan ka Daawo waraysiga oo dhamaystiran.