Araweelo News Network.

#Hargeysa(ANN)-Shirkii Gollaha Wasiirada #Somaliland, ayaa laga soo saaray go’aamo la xidhiidha Xaallada #Geeska #Afrika. Arrimaha Nabadgelyada Somaliland, #Doorashooyinka Iyo xannuunka #Coronavisrus.

Shirka golaha wasiirada  Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku  weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference).

Sida lagu sheegay Qoraal lagu shaaciyay go’aamada shirka, waxa ee maanta, waxa lagu lafo-guray arrimaha badan oo gobolka Iyo Guddaha Somaliland ah.

.

Qoraalka Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay in ugu horreyn goluhu wasiuradu   warbixinno ka dhegeysteen wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta. Waxayna kaga hadleen warbixinahaa arrmo la xidhiidha amniga dalka iyo dedaalka loogu jiro in nabad lagu dhammeeyo dirirtii beelaha walaalaha ah ee gobolka Sool gaar ahaan Ceel-biyoodka dhabar-dalool ee deegaanka xuddun. Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysay wasiirka horumarinta caafimaadka oo golaha xog ka siiyey xaaladda uu marayo xanuunka covid 19.

Gebagebadii shrika waxa laga soo saaray go’aamo ku waajahan arrimahaa Iyo xaaladdaha lagu faaqiday, kuwaas oo u dhignaa sidan:-

1) Goluhu isagoo ka duulaya nabad waarta oo laga gaadho dirirta ku dhexmartay beelaha walaalaha ah ceel-biyoodka Dhabar-dalool wuxuu go’aamiyey in Xukuumaddu sii xoojiso, si buuxdana uga hawl-gasho nabadaynta deegaanka gobolka Sool, gaar ahaan goobaha ay colaaddu ku dhex-martay labadaa beelood.
Iyadoo xukuumaddu xoojinaysa taageerada ay la barbartaagan tahay waxgaradka, waayeelka, odayaasha iyo haweenka nabadda jecel ee ku hawllan nabadaynta. Goluhu waxa uu Alle uga baryey naxariis iyo dembe dhaaf 19-kii qof ee ku dhintay colaadaas, waxaanay u ducaynayaan in uu caafiyo intii dhaawacyadu ka soo gaadheen dirirtaasi.

2) In xukuumadda ay ka go’an tahay inay si buuxda gacanta ugu qabato, sugidda amniga doorashada qabsoomi doonta 31 May 2021-ka, isla markaana Xukuumaddu si weyn diyaar ugu tahay cid kasta oo cadaw ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hawlan carqaladaynta qabsoomidda doorashooyinka. Waxaanu goluhu Shacbiga Somaliland ku baraarujinayaa inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan cid kasta oo ku hawlan wax-yeelaynta waddankooda, gacan buuxdana la barbar istaagan oo kala shaqeeyaan nabadgelyada ciidammada kala duwan ee dalka.

3) Goluhu wuxuu warbixin ka dhegeysay wasiirka horumarinta caafimaadka oo golaha xog ka siiyey xaalada uu marayo xanuunka covid 19, isagoo xusay in fidistii xanuunka Covid 19, aanu kor u kicin, hoosna u dhicin, balse uu halkiisi taagan yahay, dhimashadiisuna badan tahay wakhtigan, isagoo shacbiga u soo jeediyey inay si dhammaystiran u qaataan tallooyinka ka hortagga covid 19 ee bahda caafimaadka.

4) Ugu danbayn golaha wasiiradu waxay Mawjadaha Geeska Afrika ka socda, ka yeesheen dood iyo falan-qayn dheer, waxaanay u xil-saareen Guddida siyaasadda ee golaha Wasiirradu inay soo dersaan, tallo urursana ku soo celiyaan fadhiyada dambe ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland yeelan doono.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com