Araweelo News Network.

Waxa la raaciyay soo jeedinta guddida dhaqaalaha ee Gollaha Wakiillada

Hargeysa(ANN)-Muddanayaasha gollaha wakiillada Somaliland, ayaa meel mariyay miisaaniyadda 2022, kaddib markii guddida dhaqaaluhu kusoo celiyeen saddex toddobaad markii ay soo naaqisheen, isla markaana lifaaq kaabis iyo wax-ka-bedel ah kusoo sameeyeen.

Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, ayaa ku wargeliyay in 67 xildhibaan oo madasha fadhiyay, , wuxuuna guddoomiyuhu ka dalbaday ka hor inta aan golluhu gudda gelin hawsha miisaaniyadda in guddoomiyaha guddida dhaqaaluhu ka jeediyo madasha waxyaabaha ay ka beddeleen Odoroska miisaaniyadda.

Guddoomiyaha gudddida dhaqaalaha Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Muuse (Cagaweyne), ayaa warbixintiisa ku sheegay in ay la kulmeen dhinacyada ay khusayso miisaaniyaddu, isla markaana dhegeystay cabashooyinka la xidhiidhay.

Shirguddoonka gollaha, ayaa markaa kaddib gollaha usoo jeediyay in dood kooban laga yeesho, balse xildhibaan Maxamed Abiib (Xildhibaan Ooyaaye), ayaa dooda qaatay, wuxuuna ka hadlay dhaliilo baddan oo sida uu sheegay dul hogganaya misiaaniyadda, balse waxa isagoo weli dooda wata kusoo kacay Xildhibaan Meecaad oo ay halkaa isku fara saareen, taas oo waxoogay sawaxan iyo buuq gelisay fadhiga.

Guddoomiyaha gollaha Cabdirisaaq Kahliif, ayaa markaa kaddib usoo jeediyay muddanyaasha in ay ilaaliyaan anshaxa, wuxuuna gollaha cod u weydiiyay in miisaaniyadda sidaa lagu meel mariyo, iyadoo la raacayo soo jeedinta guddida dhaqaalaha ee gollaha.

Xildhibaanada, ayaa markaa kaddib shirgudoonku cod u weydiiiyay soo jeedinta guddida ee Miisaaniyadda oo sidaa lagu ansixiyay, waxayna muddanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansxiyeen miisaaniyadda 20222.

67 muddane, ayaa fadjiyay, waxaana oggolaaday 57 muddane, 6 muddane, ayaa diiday, 3 muddane ayaa ka aamusay, halka aannu guddoomiyuhu coddayn, sidaana waxa lagu ansixiyay misaaniyadda 2022.

#somaliland : Qaabkee Ayay #Guddida Dhaqaalaha ee #Golluhu Usoo Qorshaysay #Miisaaniyadda2022/

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com