Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha gollaha wakiillada, ayaa gacanta isula tegey, kaddib markii saaka la hor kenay toddobada Xubnood ee guddida diiwaangelinta iyo ansxixinta Ururrada iyo Axsaabta qaranka oo Madaxweynuhu usoo gudbiyay..

Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda, ayaa kala ahaa Maxamuud Xasan Badde,  Mukhtaar Cabdi Jaamac, Maxamuud Axmed Obsiiye, Siciid Maxamed Cilmi, Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim, Aadan Geedi Qayaad iyo Cabdalla Ibraahim Maxamed,

Guddoomiyaha Cabdirisaaq Khaliif oo guddoominayay fadhiga oo ay kasoo xaadireen 66 xildhibaan, wuxuu gollaha u weydoiiyay cod, kaddib markii mid walba la akhriyay taariikhdiisa waxbarasho iyo shaqooyinkii uu soo qabtay.

Xubnaha ayaa cod gacan-taag ah loogu weydiiyay mudanayaasha, iyadoo mid mid loogu codaynayo, isla markaana la wafajinayo in xubinta hesha kala badh tirada guud ee mudanayassha gollaha sidaa ku ansaxayo.

 Guddida codka loo weydiinayay gollaha, waxa ka gudbay shuruuda xeerku waajibiyay ee codadkii loo baahnaa Afar xubnood oo ka mid ah tooddobada xubnood, balse saddexda xubnood ee kale ayaa dib loogu celiyay Madaxweynaha, isagooa awood u leh inuu soo beddelo, ama kusoo celiyo.

Guddoomiyaha Gollaha Cabdirisaaq Khaliif, ayaa xaadiriyay sida ay codadka u kala heleen toodobadda xubnood, isagoo sheegay Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim ay oggolaadeen 43, halka 15 diideen, 8 kalena ka aamuseen, Maxamuud Xasan Badde, ayaa helay 42 cod 14 ayaa diiday, 10 baa ka aamusay, Aadan Geedi Qayaad, waxa aqbalay 42, 16 ayaa diiday, waxaana ka aamusay 9 xildhibaan iyo Cabdalle Ibraahim Maxamed oo 42 cod ka helay gollaha halka ay 14 diideen, isla markaana 10 xildhibaan ka aamuseen, waxaana sidaa ku gudbay Afartaa xubnood.

Hase yeeshee saddexda xubnMaxamuud Axmed Obsiiye 41 mudane, 21 ayaa diiday, waxaana ka aamusay 4, Siciid Maxamed Cilmi Xaaji Afweyne, ayaa helay 41 cod, 19 ayaa diiday, halka 6 mudane ka aamuseen, Mukhtaar Cabdi Jaamac ayaa helay 41 cod, waxaana diiday 12, halka14 ka aamuseen, sidaana waxa lagu celiyay saddexdaa xubnood, iyadoo sabab looga dhigay in ay ku jireen xubnahan oo xildhibaanadii gollihii hore ee wakiillada ahaa xisbiga KULMIYE.

Xildhibaanada gollaha ayaa qaarkood gacanta isa saareen maanta intii ay socotay hawsha ansixinta xubnaha guddida Ururrada iyo axsaabta qaranka, waxaana maddasha fadhiga hadheeyay buuq iyo is dhexyaac sababay in aakhirkii gollaha fadhiga la xidho.

Soo gudbinta xubnaha guddida ee saaka la horkeenay gollaha ayaa kusoo beegantay iyadoo Madaxweyne Biixi maalintii Axaddii munaasibadda dabaaldega labaatan guurada xisbigiisa KULMIYE, si cad ugu celceliyay in ay ka go’antahay in la furo ururrada siyaasada, isagoo sheegay in ay tahay mid waajib dastuuri ah oo aannu marnaba baal marayn.

Xiisad siyaasadeed iyo khilaaf sii xoogaysanaya, ayaa muddooyinkii u danbeeyay u dhexeeyay axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxayna warbaahinta isu marinayeen weedho si weyn shacbigu aannay raali ugu ahayn oo shaki ku abuuraya nabadgelyada ay ku caanamaashay Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com