Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa aasasayaashii Xisbiga KULMIYE, ayaa khudbad ruxday dareenka iyo shucuurta kumanaan xisbiga KULMIYE ah ka jeediyay munaasibadda lagu xusayay sannad-guuradii labaatanaad ee kasoo wareegtay markii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa siyaasi halgamaa ah yagleelay xisbigaa 22 May 2002.

Alt: Araweelo News Network.
Labaatan Guuradda Aasaaska KULMIYE, 22 May 2022, Image Araweelo News Network.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi, wuxuu muddo ka maqnaa fagaarayaasha kulamada xisbiga KULMIYE, taas oo ka dhalatay qardoofooyin iyo khilaaf isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ah guddoomiyaha Xisbiga iyo hoggaanka kale soo dhexgashay oo ugu danbayntii gaadhay in xisbiga laga saaro siyaasigaa, kaddib markii uu si weyn ugu lug yeeshay guushii axsaabta mucaaradka ee doorashooyinkii isku sidkanaa iyo doorashadii shirguddoonka wakiillada, isagoo muujiyay saamayntiisa, hibada farshaxankiisa siyaasadeed iyo kartidiisa, taas oo sabab looga dhigay in laga saaro xisbiga uu yagleelidiisa iyo guulihiisa safka hore kaga jiray muddada dheer.

Hase yeeshee horaantii sannadkan, ayaa kulamo dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo siyaasiga Maxamuud Xaashi iyo sidoo kale hoggaanka xisbiga KULMIYE, lagu xaliyay xiisadda siyaasadeed, taas oo ay taageerayaasha xisbiga KUOMIYE, si weyn ugu riyaaqeen, isla markaana xaqiijisay dhaqanka lagu bartay xisbigaa oo muddo dheer mucaarad ahaa, isla markaana dhawr iyo tobban sannadood ka baarqabaynayay hoggaanka dalka in khilaafyada siyaasadeed ee ka dhasha guddihiisa oo ay sababaan damaca siyaasiyiinta ku jira ugu danbaynta lagu dhammeeyo wadahadal iyo sulux jilbaha lays dhigo oo lagu garnaqsado, wallow aannay hore u dhicin in siyaasi laga saaray xisbiga oo si cad loo shaaciyay lagu soo celiyo xisbiga.

Maxamuud Xaashi, wuxuu munaasibadda aasaaska xisbiga KULMIYE, oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa 22 May 2022, ka jeediyay khudabad si weyn usoo jidiatay dareenka iyo shucuurta madasha, isagoo si farshaxan iyo aftahanimo ka muuqato uga hadlay sababihii khilaafka siayasadeed ee Xisbiga lagaga saaray, soo laabashadiisa, damaciisa uu ku doonayo inuu kaga midha dhaliyo hankiisa siyaasaadeed iyo asbaabaha ku ajburay inuu kusoo laabto xisbigii uu aasaaskiisa iyo guushiisa doorka weyn ku lahaa oo aannay marna tabashadiisu noqon mid sababtay inuu ka callool go’o, isla markaana laga eryay xisbiga, balse aannu isagu dhankiisa meelna ka sheegin oo afkiisa ka dhawray inuu ka baxay xisbiga.

Wuxuu si cad u sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii Cabdi ay si wanaagsan isu laab xaadhteen, isagoo ka mahad sheegtay in Madaxweynuhu u garaabay dooddii tabashadiisa, sidoo kale, wuxuu sheegay in hoggaanka xisbiga ay si fiican uga wada hadleen wixii dhacay, isagoo yidhi, “Anniga iyo xisbiga khilaaf ayaa nasoo kala dhexgalay, waxbaan tawday, waan cadhooday, anniguna ma dhaliil la’ayn, xisbiguna ma dhaliil la’ayn., anniguna wax geystay, annigana wax lay geysay,”ayuu yidhi.

Maxamuud Xaashi, waxay weedhaha uu ka jeediyay maddashu noqdeen kuwo lagaga dareen celiyo celiyo sacab iyo mashxarad oo dheggaha loo raaricinayay, wuxuuna tilmaamay in aannay siyaasadu ahayn farxad iyo qosol, isagoo yidhi, “Siyaasada waa laysku qabtaa, raggu wuu is qabtaa, siyaasadu qurux iyo qosol joogta ah malaha, waxay leedahay qaxar iyo qabyo joogta ah, waa laysku qoonsadaa, siyaasada, waa lays qabtaa, waa laysku qalacaa, meesha qoodhu ku badantahay intaasiba waa xeerarkeeda, laakiin waa laga wada xaallaa.”

Wuxuu sheegay in annay jirin ergo culus oo xisbiga KULMIYE ah oo ka daba timi, balse uu isagu shaqsiyan isa soo ladqabeeyay, wallow uu xusay in ay jireen rag ergo ah oo ka qayb qaatay xalinta khilaafka iyo inuu kusoo laabto xisbigiisa KULMIYE.

“Anniga ayaa isa soo ladqabeeyay, ma jirin ergo culus oo KULMIYE ah oo iga daba timi, wayse jireen rag ergo ah, waxaan garwaaqsaday xeradaydaa iyo xisbigaygaa “KULMIYE” wax ii dhaamaa in aannay jirin, waxaan garwaaqsaday hadaan xero cusub tago in aan korodhsanayo hebel magacii iyo hebla magaceed, laakiin xerada KULMIYE, kuma qaloonayo qoodha joogtana qof qof ayaan u aqaan, annigu taas ayaan garwaaqsaday Madaxweynuhuna wuxuu ka garaabay tabashadaydii, waana uga mahadcelinyaa.”ayuu yidhi, siyaasiga Maxamuud Xaashi.

Hase yeeshee ragga Madaxweyneha ku xeeran ayuu maahmaaho iyo hogatusaalayn usoo qaatay, isagoo tixraacaya taariikho iyo dhacdooyin, wuxuuna usoo jeediyay in haddii uu tabashadiisa iyo wixii uu tirsaday tuurta ku sito iyaguna ay wixii ay u tirinayeen tuurta ku sitaan aannay aannay jirayn meel xal iyo heshiis ka aslaaxayaa, sidaa awgeed wuxuu ku guubaabiyay in meel layska dhigo dhammaan arrimahaa oo layska ilaabo, isla markaana ay gamcaha isu qabsadaan mustaqbalka xisbiga.

Dhinaca kale, Siyaasiga Maxamuud Xaashi, wuxuu dardaaran, talooyin iyo guubaabo usoo jeediyay Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo tilmaamay baahida loo qabo in xisbiga lagu sameeyo dib u habayn ballaadhan iyo dhiig cusub, isla markaana Madaxweyne ahaan uu dhex ka ahaado loollanka hoggaaminta xisbiga ragga damacu kaga jiro ee Maxamuud ahaan uu ka midka yahay, sidaa awgeed Madaxweyne Biixi looga baahanyahay in uu xisbiga mariyo dhabihii uu Axmed Siilaanyo u jeexay si guusha xisbigu usiii socoto oo aannu noqon xisbigu mid siqiira sidii UDUB.

Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay qaabkii Axmed Siilaanyo ku aasaasay xisbiga KULMIYE, isagoo xusay in uu ahaa qofkii labaad eek u weheliyay aasaaskiisa Maxamuud ahaan, sidaa awgeed uu mar walba guusha xisbiga ka shaqaynayay, taas oo uu sheegay in markhaati laga yahay wixii uu qabtay iyo kaalintii uu ku lahaa guusha labada Madaxweyne ee iska bedelay xisbiga, wallow uu sheegay in aannay jirin guul uu keligii gaar u sheeganayaa.

Maxamuud Xaashi, ayaa sidoo kale tilmaamay waxyaabo si gaar ah xisbiga KULMIYE kaga gooni yahay axsaabta kale ee Somaliland iyo kuwa Afrikaba, isagoo tilmaamay in xisbiga KULMIYE noqonayo marka laga hadlayo axsaabta Afrika xisbigii siddeed ee muddo labaatan sannadood ah cimrigiisu gaadho.

Waxa kale oo uu tilmaamay in KULMIYE yahay xisbiga ugu baaxada weyn ee laba madaxweyne xukunka isugu bedeleen, isla markaana ugu baddan loollanka iyo khilaafka siyaasadeed, balse uu KULMIYE xariif ku yahay xalinta khilaafka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com