TelesomDahabshiil
Published On: Mon, May 23rd, 2022

SOLJA Oo Canbaaraysay Suxufiyiin La Xukumay

“Xukunku waa mid si weyn wax ugu dhimmaya xorriyatul qawlka oo abuuraya jawi ay suxufiyiintu kaga baqaan tabinta dhacdooyinka iyo wararka ay Bulshadu ka sugayso. ” Guddoomiyaha SOLJA.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xukun ku riday saddex suxufiyiinta Somaliland ah oo xidhnaa ilaa badhatamihii April iyo weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xidhnaa tan iyo August 2021.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xukunka Maxkamadda ee saddexda Weriye ee la xidhay April iyo sidoo kale Cabdimaalik, waxayna qoraal kasoo baxay xafiiska SOLJA, oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Ururka Sakariye Axmed Muxumed lagu canbaareeyay xukunka oo guddoomiyuhu ku macneeyay mid aan waafaqsanayn nidaamka iyo shuruucda Somaliland, isla markaana abuuraya jawi saxafiyiinta kaga cabsan karaan in ay six or ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Qoraalka Ururka SOLJA, ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex maanta xukun ku riday laba wariye oo u xidhnaa dhacdadii 13-kii April 2022 ka dhacday xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa kuwaasi oo kala ah wariye Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ahaa Guddoomiyaha Telefishanka MM Somali Tv iyo Cabdijabaar Maxamed Xuseen, Madaxdii wararka Telefishanka HCTV,  kuwaasi oo lagu xukumay midkiiba xabsi dhan Hal sano iyo Afar Bilood, halka Maxkamaddu siidaysay Wariye Cabdiraxmaan Cali Khaliif oo ay sheegtay in lagu waayay eeddihii loo haystay.

Dhanka kale, waxa war-saxaafeedka SOLJA, lagu sheegay in Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi Jeex maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageed ah ku riday Cabdimaalik Muuse Coldoon. oo lagu xukumay xabsi dhan laba sano oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan Saddex Milyan oo shilinka Somaliland ah.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu aad uga xun yahay xukunnadan ku dhacay saddexdan Suxufi ee la xukumay maanta oo muddoba Ururka SOLJA, gacanta ku hayay hawshooda il gaar ahna ku eegayay, waxaan u aragnaa in uu yahay xukunku mid si weyn wax ugu dhimmaya xorriyatul qawlka, isla markaana abuuraya jawi ay suxufiyiintu kaga baqaan tabinta dhacdooyinka iyo wararka ay Bulshadu ka sugayso.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa xadhiga soo noqnoqday ee muddooyinkii ugu dambeeyey ay la kulmayeen Suxufiyiinta Somaliland, xadhigaa oo ka hor imanaya qodobbada dastuuriga ah iyo xeerarka kale ee dalka ee dammaanad qaaday Xorriyadda Saxaafadda, oo u oggolaanaya in ay Saxafiyiintu ku shaqeeyaan deegaan u saamaxaya gudashada xirfaddooda oo ah mid ay dhammaan shuruucda dalku u damaanad qaadeen, sida lagu xusay qoraalka.

“SOLJA oo kaashanaysa qareennadeeda kala hawlgala dacwaddaha ka dhanka ah suxufiyiinta iyo guud ahaan saxaafadda Somaliland waxa ay qaadi doonaan tab kasta oo sharcigu u ogol yahay in ay ku difaacaan xuquuqda saddexdan Suxufi.”ayaa lagu yidhi, qoraalka uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SOLJA, Sakariye Axmed Maxamed.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>