Madaxweyne Biixi wuxuu ka Hadlay Khilaafkii U danbeeyay ee Siyaasiga Maxamuud Xaashi, Furista Ururrrada , Marxaladdihii iyo waayihii adkaa ee Khilaafka Kulmiye, Guulaha uu suntaday iyo wixii uu qabtay Xisbigu

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad ka jeediyay munaasibadda sannad-guuradda 20aad ee kasoo wareegtay markii uu xisbiga qaangaadhay ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaga hadlay marxaladihii iyo khilaafaadkii ugu adkaa ee xisbigu soo maray, waxyaabaha uu qabatay ee ku guukaystay iyo siduu uga soo dabaashay carqaladahaa siyaasadeed.

.

Alt: Araweelo News
Madaxweyneha Somaliland, Muuse Biixi oo khudabad ka jeedinaya Labaatan Guuradda Aasaaska KULMIYE, 22 May 2022, Image Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi oo noqday Madaxweynihii labaad ee Xisbiga KULMIYE ee tallada dalka haya, isla markaana noqday guddoomiyihii labaad ee qabta xilka hoggaaminta xisbiga maanta loo dabaaldegayay sannad-guuardii labaatanaad ee aasaaskisia, wuxuu taxay maalmo adag oo xisbiga KULMIYE soo maray iyo sidii uu marxaladdahaa adag uga soo dabaashay.

Munaasibadda oo ay ka qaybgaleen haldoorka iyo hoggaanka Xsibiga KULMIYE, xubnaha gollaha wasiirrada ee xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi, gudddia fulinta, gollaha dhexe garabyada haweenka, dhalinyarada iyo boqolaal ka mid ah xubnaha Xsibiga, wuxuu kaga hadlay Madaxweyne Biixi marxaladihii uu soo maray Xsibigu, qaabkii loo aasaasay, caqaabdihii xilligaa jiray iyo guullaha uu gaadhay Xsibigu muddadaa.

“22 May 2002, ayaa la aasaasay xisbiga, waxa muddadii ay xidhmayen Ururradu ka hadhsanayd laba maalmood, duruufihii uu ku aasaasmay xisbiga iyo ujjeedadii loo aasaasay waxa laga dheegan karaa khudbadii Hoggaamiyihii iyo aasaasihii xsibiga Kulmiye, Axmed Siilaanyo maalintaa ka jeediyay.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, wxuuuna intaa raaciyay in Axmed Siilaanyo si fiican u sharaxay duruufaha ka horeeyay Ururrada la furayay xilligaa iyo xaaladdii dalku ku jiray oo ahayd markii uu geeriyooday Allah haw naxariistee Madaxweynihii hore Maxamed Ibraahim Cigaal.  

Alt: Araweelo News Network.
Labaatan Guuradda Aasaaska KULMIYE, 22 May 2022, Image Araweelo News Network.

“Waxa naggu kalifaya in aan xisbigan aasaasno si aynu tiirarka dimuqraadiyadda iyo siyaasada fur-furan aynu mustaqbalka ugu dhigno Somaliland in ay ku dhaqanto, sidaa darteed waxaan maanta ku dhawaaqaynaa 22 May 2002, in aannu furay Xisbiga KULMIYE, oo mabda’iisu ku salaysan yahay, saddex qodob oo waaweyn (b) Jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somalialnd, (t) wadajirka iyo wax wada lahaanshaha dadka Somaliland, (J) nabadgelyada iyo horrumarinta dhaqan dhaqaale ee dadka Somaliland.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi uu xusaya khudabadii uu Aasaasihii Xisbiga KULMIYE, labaatan sannadood ka hor ka jeediyay madashii uu ku yagleelay xisbiga.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in muddadaa labaatanka sannadood ahayd xisbiga KULMIYE, fulyay mabaadiida tiir dhexaadka u ahaa xisbiyadda 50% in ka baddan, taas oo uu xusay inuu dheeryahay xisbiyadda kale.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee laba Madaxweyne isaga danbeeyeen iyo laba guddoomiye, balse xisbigii UDIB uu ka dhintay Madaxweynihii hore ee aasaasay, isagoo aan ku tartamin, sidaana uu Madaxweynihii hore ugu noqday guddoomiye.

Wuxuu sheegay in labaatankaa sannadood ay xisbiga soo mareen 12 guddoomiye ku xigeen iyo dhawr xoghaye oo in baddan oo ka mid ah ay dhinteen, wuxuuna Madaxweyne Biixi Allah uga baryay inuu naxariistisia ugu deeqo,

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Afar shirweyne iyp lix shirarka gollaha dhexe uu qabsaday muddadaa labaatanka sannadood aahyd.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in xisbiga dheeryahay xisbiyadda kale in uu xaliyo khilaafyada guddihiisa iyo kuwa qaranka, wuxuuna tusaale usoo qaatay 2003, isagoo tilmaamay in badiyaa khilaafyadu ka dhici jireen tartanka Madaxweyne ku xigeenka, “Cabdi Xasan Buuni, Cabdi Gaagaale iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Xildhibaan Gaagaale, muu gelin tartanka wuxuuna la baxay rag baddan, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Cabdi Xasan Buuni, waxa guulaystay Candiraxmaan Aw Cali, wuxuuse Buuni la goostay rag kale.” Ayuu yidhi.

 Madaxweyne Biixi, waxa ka mid ahaa tusaalayaasha khilaafaadka loolanka xisbiga kuwii ugu xaasaasiyada badnaa, isagoo xusay in xataa isaga markii doonayay murrashaxnimada iyo markii uu guddoomiyaha u tartamayba ay jireen khilaafyo ka dhashay tartamadaa oo mararka qaar dadka qaar ka cabsi qabeen in xisbigu burburo, balse dhammaan arrimaha iyo kuwo kale oo maalmo adag ahaa waxa uu kaga soo dabaashay xirfada iyo khibrada xalinta khilaafaadka ee soo maray.

Dhinaca kale, wuxuu xusay Madaxweyne Biixi in aannay maanta jirin khilaaf xisbiga ka jiraa, isla markaana xilligii guddoomiyaha uu ka degi lahaa uu gebagebo yahay, sidaa awgeed si nabad ah oo aan khilaaf ku jirin ay u dhammaysanayaan KULMIYE.

Wuxuu ku xisay khudabadiisa in Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga uu cadhooday, isagoo wax ka tirsanaya isga “Madaxweyne ahaan” annigana waanu is laab xaadhanay, waxa hadhayna innagoo nabad ah ayaynu dhammaysanaynaa, waana dhaqankii KULMIYE.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, wuxuuna uga mahadceliyay siyaasiga Maxamuud Xaashi inuu aqbalay inuu kusoo noqdo xisbigiisa oo ay raggii kalena is laab xaadhteen, isagoo Madaxweyne ku faannay in ay tahay dabeecaddaha uu caanka ku yahay KULMIYE.

Mar uu ka hadlayay axsaabta mucaaradka, wuxuu Madaxweyne Biixi sheegay in aan arimaah qaranka iyo shuruucda iyo dastuurka dalka wixii ay ku waajibiyeen fulinteeda xukuumadda cidna loogu habranayn, isagoo si cad u sheegay in Uruurrada siyaasda iyo tartanka Axsaabti yahay mid sharci ah oo ay waajib tahay in xukuumaddu fuliso, taas oo sida uu sheegay haddi kale sababi karta in Madaxweynaha lagu ooggo khiyaamo qaran, sidaa awgeed ay xkuumadda ahaan ka go’antahay fulinta shuruucda dalka, isagoo dhinaca kale ka digay inmunaaibaddaha qaranka astaamaha axsaabta loo adeegsado.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com