Araweelo News Network.

Dardaarankii Iyo Canaantii Guddoomiye Khaliif Ee Xildhibaanada Fadhiga Kasoo Xaadiray

Hargeysa(ANN)- Gollaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aan ka gaadhaya saddex xubnood oo ka mid ahaa toddoba xubnood oo Madaxweyne Biixi usoo gudbiyay, kuwaas oo hore u waayay kalsoonida gollaha, kaddib markii la horgeeyay 22 Jun 2022.

Laxidhiidha: Gollaha Wakiillada Oo La Hadhay Saddex Xubnood Oo Laba Ka Mid Ah Madaxweynuhu Soo Magcaabay Guddida Doorashooyinka Qaranka

 Afar xubnood  oo ka mid ah toddobada xubnood ee Kommishanka doorashooyinku ka kooban yahay, balse guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif oo maanta furay kal-fadhigii Afraad ee gollaha, ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in maalinta beri la horkeenayo gollaha saddexda xubnood ee guddida doorashooyinka ka dhinaa, kuwaas oo sida uus heegay loo bahanyahay in ay waajibkooda ka gutaan.

Fadhigaa oo ay kasoo xaadireen 58 mudane, sida uu sheegay guddoomihu, waxa cod loo weydiiyay xildhibaanada ajandaha gollaha oo ay ogolaadeen 51 mudane in ajandaha sidaa lagu ansixiyo,  laba xildhibaan ayaa diiday, waxanaa ka aamsuay Afar mudane, guddoomiyihuna ma codayn.

Waxa kale oo Guddoomiye Khaliif sheegay in golluhu maalinta Salaasada ee beri 6 September 2022,  dhegaysanayo warbixinta gollaha iyo in ay waajibkooda ka gutaan saddexda xubnood ee guddida doorashooyinka si ay ugu gudbaan golluhu hawlaha kale ee u yaal.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, ayaa sheegay in gollaha ay hawlo baddan u yaaliin, isla markaana kal-fadhigani yahay kii hawlaha ugu baddan la horkeeno, sidaa awgeed loo baahanayahay in shaqada Maalmaha gollaha ee Sabtida, Axadda, Isniinta iyo Salaasada xildhibaanadu ilaaliyaan, maadaama golluhu shaqeeyaan Afartaa maalmood, halka labada maalmood ee kalena loo daayo shaqada guddiyada gollaha.

 “Masuuliyad addag ayaa ina saaran, dalkuna wuxuu ku jiraa duruufo adag, waxa ina horyaal ajandihii ugu badnaa, ugu yaraan tobban qodob ayuu ka kooban yahay, marka lagu daro xeerarkana noqonaya ilaa 19 qodob oo kala duwan, ugu yaraan waa inay tobban xeer inaga baxaan marka lagu daro miisaaniyada iyo xisaab-xidhka” ayuu yidhi, Guddoomiye Khaliif, wuxuuna ku dardaaray xildhibaanada in ay yareeyaan dalabka ay ku doonayaan fasaxa oo ay ilaaliyaan maalmaha shaqada iyo saacadda gollaha la doonayo in aannu ka danbayn mudanuhu.

Gollaha wakiillada ayaa Isniintii 22 Jun 2022, la horgeeyay toddobada xubnood ee Guddida doorashooyinka cusub, kuwaas saddex ka mid ah uu soo magcaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, halka laba xubnoood ay soo gudbiyeen gollaha guurtida, laba xubnoodna ay soo magcaabeen labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Hase yeeshee saddexda xubnood ee waayay kalsoonida gollaha, ayaa  laba ka mid ah ay yihiin saddexdii Madaxweynuhu soo magcaabay, halka xubinta ee weyday codka kalsoonida ay ahayd mid ahaan labada xubnood ee gollaha guurtidu soo magcaabay, waxaana saddexdaa xubnood dib loogu celiyay Madaxweynaha oo sharcigu awood u siinayo inuu mar kale kusoo celiyo gollaha haddii aannay Madaxweynaha iyo guurtidu soo bedelin xubnahaa, wallow xildhibaanada qaarkood doodaha ka dhashay xubnahaa ku sheegayeen in aannu Madaxweynuhu mar kale kusoo celin karin xubnaha waayay kalsoonida gollaha.

Saddexda xubnood ee gollaha Madaxweynuhu usoo gudbiyay oo go’aankooda laga sugayo, ayaa ah xubnihii ay hore u doodeen ansoxontooda, kuwaas oo mar kale Madaxweyne dib ugu soo celiyay gollaha wakiillada, isla markaana la filayo in ay maalinta Salaasada ee beri go’aan ka gaadhaan, balse waxa muuqata inay xildhibaanadu siinayaan codka kalsoonada markan oo aannay diidayn saddexdaa xubnood ee ka dhiman xubnaha guddida doorashooyinka qaranka.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com