Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Hay’adda magaceedu yahay  dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization), ayaa daah-furtay Matxafka foogaan -araga ee dhijitalka, kaas ujeeddadiisu tahay uruurinta iyo ilaalinta Aasaarta qadiimiga ah ee  dhaqanka, Xirfaddaha, kal-tiriska, iyo Tignoolajiyadda ay soo hindiseen umadda Geeska Afrika oo muddo qarniyo  soo taxnaa.

The First Somaliland Girl Who Wins the European the best scholar Book Award2021

Daah-furka Matxafkan casriga ah ayaa ah Xarun lagu kaydiyo hidaha iyo dhaxalka dhaqanka Gees-ka Africa ee gobolka, gaar ahaan (Somaliland, Ethiopia, Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti).

Alt: Araweelo News Network
Dr Sada Mire

Raed: Dr Sada Mire became the first African Scholar To win SAFA Book Prize for Her Book Divine Fertility

Mawduuca 3D ee dhijitalk, waxa  goobaha ka soo qaaday khuburro isugu jira reer Somaliland iyo khuburro caalami ah.

Dr. Sacda Mire oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Horn Heritage, ayaa sheegtay in ay tabbabartay khuburro deeganka ah, iyadoo xustay in matxafka ay iska kaashadeen dhisidiisa khubaro u dhashay Somaliland.

Alt: Araweelo News Network
Dhagxaanta taariikhiga ah ee Laasgeel, Image Araweelo News Network 11 December 2021.

Horn Heritage  Organization, waxa u suurto-gashay inuu noqdo ururkii ugu horeeyay ee Laas-Geel ka dhiga dhijjitaal sannadkii 2013,  sida ay sheegtay Dr. Sacda, iyadoo xustay in ururkani uu noqdo kii ugu horeeyey ee Somaliland ka dhisa matxafka foogaan-araga ee dhijitalka ee Somaliland iyo Geeska Afrika.

Halkan Booqo

https://www.hornheritage.org/3d-scanning-of-somaliland-rock-art/

Matxafka www.hornheritage.org , waxa jira waxyaabo laga baran karo oo la xidhiidha koorasyada dhijital-ka ah ee dhaxal-dhaqameedka iyo bad-baadinta goobbaha qadiimiga ah ee Geeska Africa, gaar ahaan deegaanadda Soomaalidda oo dhan.

Waxay sheegtay in muhiimadu tahay in la fahmo taariikhda Islaamka ee dhulkan iyo dhaqamadii hore ee jiri-jiray.

Xirfaddaha iyo Tignoolojiyadda ay soo hindiseen umadda Soomaaliyeed muddo qarniyo taxan, ayaa la arkay.

Matxafku dhigital, wuxuu ku tusayaa nidaam digniin ah, kaas oo uu bilaabay, isla markaana bulshada usoo dhigi-karto dhaxal dhaqan iyo khatarta ku sugan ummada ee lagu burburinayo.

Halkan Ka Daallaco Aasaarta Qaadimaga Ah.

Dr. Sacda Mire oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Horn Heritage, ayaa sheegtay in ay Somaliland ka dhistay Iskuulka Aasaarta qadiimiga ah ee Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeisa, iyadoo lagu baran doono International MOOC  ‘Massive Open Online Course ‘Heritage under Threat’, sida dhijitalka Tignoloijiyadda dhaxalka dhaqanka loogu is-ticmaalo bad-baadintiisa, ilaalintiisa iyo sawiridiisa, iyo koorasyo kale oo la xidhiidha Aasaarta qadiimiga ah.

“Iskuulku wuxuu labeeyaa Matxafka dhijitalka ah, waxaa lagu baranayaa koorasyo caalamiya oo dhijital ah. Xirfad dhaqameedka Geeska Africa iyo farshaxan, dhalaalida Birta, Sameynta Dhoobada iyo qaab-dhismeedka hoy-dhaqameedka. Sidaa darteed, dhijitalku wuxuu soo bandhigayaa iyagoo galaya qol-qol ama kor duulaya sida Tirii (3D Virtual Tour), waxayna ka daawanayaan Telefoonka.

 Wacyi-gelinta iyo bad-baadintana halkaa ayey ka qayb-qaadanayaan”.sidaa waxa tidhi Guddoomiyaha Hay’adda Horn Heritage, Dr. Sada Mire.

Mar ay ka hadlaysay doorka shaqaallaha, waxay tidhi, “Cilmiga matxafka fogaan-araga, ayaa lagu baranayaa iskuulka Aasaarta. Somaliland madxafkeeda qaranka ayaa u baahan shaqaale hab cilmiyeysan wax loo baro, si ay u hagaan dal-xiisayaasha. Hay’adda dhaxalka Geesku (Horn Heritage) waa hay’adii ugu horeysay ee tababarta shaqaalaha ka shaqeeya dal-xiisayaasha”

Xeerka Somaliland ee Dhaxalka Dhaqanka iyo Aasaarta Qadiimiga:

Hay’adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization) oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland ayaa sameysay diyaarinta iyo dhameystirka xeerka Somaliland ee dhaxalka dhaqanka iyo Aasaarta Qadiimiga.

Madaxa hay’adda dhaxalka Geeska, (Horn Heritage Organisation) Dr. Sada Mire, ayaa sheegtay inay Somaliland leedahay Xeerka dunidda ugu casriyaysan ee Aasaarta Qadiimiga,“Xeerkani waa xeerkii ugu horeeyay ee dhaxalka dhaqanka ee Aasaarta qaadimiga Somaliland loo sameeyo. Ingiriisku (British) xitaa muu sameyn xeer arrimahan khuseeya. Jamuuriyadda Soomaaliya weligeed xeerka dhaxalka dhaqanka iyo Aasaarta iyo Matxafka midna weligeed may yeelan. Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland,  iyadoo kaashanaysa ayay hay’adda dhaxalka Geeska (Horn Heritage) waxay Xeerkan u samaysay Somaliland, waana xeerka xeerarka dunidda ugu casriyaysan”

Gorfaynta Xeerka Halkan Ka Daawo

Xeerkan, ayaa ilaalinaya dhaxalka Somaliland, wuxuuna ka kooban-yahay toddoba cutub oo kala ah;

1). Qodobbo hor-dhac ah.

2). Ilaalinta Guud

3). Taallooyin iyo Goobo

4). Farshaxan iyo Walxaha

5). Qodista iyo Daah-furka

6). Hawlo iyo ganaaxyo mamnuuc ah

7). Maamulka sharciga iyo Qodobbada ugu dambeeya. oo ka tarjumaysaa hal-beegyada muhiimka ah ee heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya, gaar ahaan heshiiskii 1954 ee Hague iyo hab-maamuuska labaad iyo sidoo kale 1970-kii Axdiga Macnaha mamnuucidda iyo ka hortagga soo-dejinta sharci-darrada ah, dhoofinta iyo wareejinta lahaanshaha Hantida dhaqanka. Xeerkan waxa lagu lafo-guray oo aqoon-is-weydaarsi lagu qabtay bishii August 2021 Magaalada Hargeysa oo ay ka qayb galeen qaybaha cida ay khusayso  oo ay ugu horeyso Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland, Golaha Baarlamaanka Somaliland (Wakiilada iyo Guurtida), Ciidamada Booliska, Kastamyada, Jaamacadaha,Aqoon-yahanka,Saxaafadda, Dhaqanka, Mac-hadyada,iyo marti-sharaf kale.

Madaxa Hay’ada dhaxalka Geeska (Horn Heritage) Dr. Sada Mire oo ah aqoonyahanad ku takhasustay cilmiga Aasaarta qadiimiga  Somaliland ka shaqaynaysay ilaalintiisa dhaxalka dhaqan ilaa 2007-kii, waxayna iyadoo ka hadashay kulankaa ka sharaxday qiimaha uu Somaliland ugu fadhiyo xeerka Somaliland ee dhaxalka dhaqanka iyo Aasaarta Qadiimiga iyo sida loogu baahan yahay in la dhaqan-geliyo.

 Shirkan waxa ka qayb-qaatay oo xeerka qoridiisa kaalin weyn ka qaatay Mr Pascal Bongaard oo ka socda hay’adda Geneva Call iyo Dr Simon Makuzava oo ka socda hay’adda African World Heritage.

“Somaliland Aasaarteeda dad-baa iska qota oo way dayacan tahay, berri iyo xeebba. Markaa xeerkani waa ka hortaga dhibaatadaa iyo wax ka baddan ayuu xukuumadda ka caawinayaa”.Ayey tidhi Dr. Sada Mire

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dalku qani ku yahay Aasaarta Qadiimiga ah balse aan wali sidii ku haboonayn looga faa’idaysan, waxaanu wasiirku ku baaqay in la sameeyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo caalamka loogu iib-geeyo.

“Waan uga mahad-celinayaa Sada Mire hawsha ay waddo. Asaarta hoddan baynu ku nahay, laakiin ma maalno. Waxaynu u baahannahay inaan iibgeyno,” sidaas waxa yidhi Wasiir Sacad Cali Shire oo bishii May ee sannadkan hadal ka jeediyey munaasibad lagu daah-furay Horn Heritage Digital Museum oo ay aasaastay Drs Sacda Mire oo ah khabiir ku takhasusay aataarta Qadiimiga ah isla markaana qofkii u horreeyey ee caalamka u soo bandhigay Ataarta Qadiimiga ah ee Somaliland qaniga ku tahay.

Dr. Sacad Cali Oo Ka Hadlay Aasaarta Daawo

Munaasibadda lagu daah-furay Horn Heritage Digital Museum oo ah Matxaf Online ah oo lagu keydinayo Aataarta qadiimiga ah ee Somaliland, kaas oo hal-ku-dheggiisu yahay Badbaadinta Aataarta Qadiimiga ah ee Somaliland.

Waxa kale oo dhankooda shirka ka hadlay masuuliyiin ka socday  xukumadda JSL iyo hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, oo ku dheeraaday muhiimada xeerkani u leeyahay qaranka iyo ilaalinta Aasaarta Qadiimiga ahi ee ku duugan dhulkeena.

Agaasimihii hore  ee Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirahman Maxamed Maxamuud (Eng. Abdeeq), Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsanaa Gollihii hore ee Wakiillada Somaliland iyo Wasiirkii hore wasaaradda horumarinta maal-gashiga Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), ayaa ka qaybgalay kulankaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and H