Qaabkee Loo samaynayaa maamul daadejin, marka laga hadlayo xeer L/R 23, waa maxay mushkiladu, qaabkee u shaqeeyaa, dhammaan su’aalahaa iyo kuwo kale, wuxuu kaga jawaaabayaa daraasadda.

Araweelo News Network.

Hareysa)ANN)-Cabdiwahaab Garaad oo culuunta dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Hargeisa ayaa sharaxaad ka bixinayay daraasad laga sameeyey caqabadaha maamul-daadejinta dhaqaalaha dalka ee (fiscal decentralization), wuxuuna si qota dheer u sharaxay xeerka midaynta cashuuraha ee Xeer L/23 iyo sida looga bixi karo caqabaddaha jira.

Cabdiwahaab Garaad oo daba socday cilmi-baadhis ay sameeyeen sannadkii 2020, oo ay ku oggaadeen dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira ee dhanka dhaqaalaha dawladda dhexe iyo degmooyinka jira, ayaa tusaale usoo qaatay 23 degmo doorasho oo ka jira Somaliland, isagoo dhinaca kalena  xusay in ay jireen 19 degmo, kuwaas oo ahaa derejada (D), isla markaana hoos yimaada 23 degmo doorasho.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Madaxweynayaashii u kala danbeeyay Jamhuuriyadda Somaliland oo ka lahaa ujeedooyin siyaasadeed, ama dana kale ay magcaabeen degmooyin baddan, taas oo gaadhsiiyay in Somaliland oo ah dal yar ay degmooyinku gaadhaan 101, taas oo uu sheegey in tahay arrin ku culus Somaliland.

“Wallow ay jiraan 101, haddana degmooyinka doorasho ee la aqoonsanayahay, waxay noqonayaan 23 degmo, waxa muuqata in degmooyinkaa la magcaabayna aynaan sharci ka wada dhigin, kuwa hore keliyana kuma dhaqano, markaa dhana umaynu guurin” ayuu yidhi, wuxuuna tusaale usoo qaatay degmooyinka qaar oo marka laga soo doorto dad, balse haddana loo magcaabayo Maayar, taas oo sida uu sheegay muujinaysa in ay yihiin laba degmo oo is dulyaal.

Cabdiwahaab Garaad oo Culuunta dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan caqabado kale oo dhanka sharciga ah marka laga hadlayo degmooyinka,  maadaama meelo baddan muran ka jiro oo aannay kala soocnayn, ama aannay xad kala lahayn cashuurihii dawladda dhexe iyo dawladda hoose.

“Xilligii dawladdii Maxamed Ibraahin Cigaal waxa jiray caqabado waaweyn, meel walba waxa yaa;ay kaantarool, waxaana la sameeyay daraasado, si markaa looga baxo mushkiladaa waxa la qaatay in dawladda dhexe cashuurraha urruriso, markaa wasaaradda maaliyadda haw celiso dawladdaha hoose saamigooda. Laakiin ma cadda saamiga ay dawladda hoose ka helayso lacagtaa marka ay wasaaradda maaliyadu cashuurtaa urruriso, sidaa awgeed waa in dib loo eego dhammaan siyaasasadaha iyo xeerarka jira oo dhan. “ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in lays weydiiyo dalku imisa degmo ayuu u baahanyahay, kaddibna la qaybsado shaqada, isagoo tusaale usoo qaatay dawladdaha hoose in lays weydiiyo maxay ka qabanayaana adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha, markaa kaddib sida uu xusay loo gudbo lacagta, isla markaana loo qoondeeyo lacagta ay qaadayaan dawladdaha hoose ee cashuurta ah, meelaha ay ka qaadanaayan iyo in dawladda dhexe usoo shubto wixii ay u qoondaysay, marka laga reebo wixii ay cashuur urrursadeen, balse wuxuu xusay in aannay Somaliland halkaa gaadhsiisnayn, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in lays weydiiyo degmooyinka 101, sidii xal loogu heli lahaa, “Waa in aynu is weydiino imisa degmo ayuu dalku u baahanyahay, maxay isku bixinay degmadu, 101, degmo miyuu dalku qaadi karaa.” Ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay degmooyinka iyo sida dadka loogu jaah=wareerriyay, wuxuu tusaale usoo qaatay Degmada Burco oo sida uu xusay aannay dawladda Hoose wada bixin adeegyadda, “Burco adeegyadda Caafimaadka, Waxbarashadda, Biyaha iyo amniga maaha kuwo ay bixiso dawladda Hoose, dhammaan waxa bixiya dawladda dhexe, macne inooma samaynayso in aynu lacagtaa ogaano, laakiin waxa muhiim ah in haddii adeegayadaa lagu wareejiyo dawladda Hoose laga doonayo in dalwdda dhexe ku wareejiso lacagta inta ay urrursato maahee inta kale.”

 Cabdiwahaab Garaad, wuxuu sharaxaad ka bixiyay meelaha ay degmooyinku ka helaan dakhliga, isagoo xusay in ay saddex meelood ka helaan, sida Kastamka, dakhli ay ka helaan dawladda dhexe iyo cashuur ay urrursadaan.

“Kastamka waxay ka helaan 10%, maaha inta ay ka helaan, laakiin waa qiimaha lagu garaaco cashuuraha soo mara, waxaana dib loogu celiyaa isla bishaa, waxa kale oo jirta lacag 12.5%, oo ah qiimaha ay wasaaradda maaliyaddu ku garaacdo madaxyada cashuuraha, markaa waxa xalka u baahan waa cashuurta laga urruriyay degmooyinka, waana lacagta 12.5%, ma waxa loo aqoonsayaa cashuur laga urruruyay degmadaa, mise waxa loo aqoonsanayaa cashuur qaran oo kab ah, side loo qaybinayaa, maxaa loo raacayaa qaybtinteeda, waana waxyaabo u baahan in daraasad lagu sameeyo oo cid walba oo bulshada ka mid ah ay qayb ka noqoto.”

Sidoo kale, wuxuu tusaale usoo qaatay Magaaladda hargeysa, isagoo xusay in qiyaastii 60-70%, marka laga hadlayo nidaamkan dhaqaalihii dalka inta baddan dib ugu laabanayo Magaaladda Hargeysa, sidaa awgeed aannay degmiiyinkii kale wax macne ah u samaynayn oo aannay dani ugu jirin, sidaa awgeed loo baahanyay in arrimahan si fiican loo derso.

Dhinaca dakhliga Degmooyinka ayuu sheegay in aan markii hore dakhligooda si dhab ah loo ogayn, balse xilligan si toos ah looga warhayo, isagoo xusay in lacagta 10 % ee kastamka ay ka helaan markii hore laga yaabee in siyaasad loo isticmaali jiray, balse ay hadda ku jirto miisaaniyada gollaha deegaanku ansixiyay oo lagu qabanayo adeegyadii loo baahnaa. Sidaa ageed wuxuu xusay in lacagta miisaaniyadda qaranku u badanayn degmooyinkii aan lahayn iyagu miisaaniyadda.

Cabdiwahaab Garaad oo ka hadlayay xeerka L/R 23, ee gollaha wakiillada la horgeeyay, kaas oo ka hadla midayanta cashuuraha, si kaabis iyo wax-ka-bedel loogu sameeyo xeerkaa, balse wuxuu xusay in xeerkaa sida looga falceliyay marka la eego sida looga hadlay iyo sida loo turjumayo ay u  muuqato in wax la kala riixanayo, taasina maaha mid loo baahanyahay, sababtoo ah gollaha wakiilladu waa golle qaran, maaha golle deegaa, sidaa awgeed waxa laga sugayaa in ay xaliyaan mushkilada oo aannay degmo iyo meel gaar ah u eegin xildhibaandu oo ay si cilmiyan ah arrintan u waajahaan, iyagoo aan degmo gaar ah iyo mreel gaar ah u doodayn oo ay si xildhibaano qaran ah u waajahaan arrintan, ayuu yidhi, Cabdiwahaab Garaad oo macalin culuunta dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Hargeysa.

Muuqaalka halkan Ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com