Araweelo News Network

Moscow(ANN)-Dagaalka qadhaadh ee ka socda dalka Ukraine, ayaa marba marka ka danabysa yeelanyo weji kale, iyadoo xaaladda dagaalku isku beddelayso daqiiqado, sidoo kale dagaalkan ayaa si weyn saamayn dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid amni ugu yeeshay aduunka, iyadoo uu jiro wer-wer iyo cabsi maalinta maalinta ka danbaysa uu sii kordhinayo dagaalku.

Laxidhiidha: NATO Waxay Aqbashay Finland Iyo Sweden Oo Cabsida Ruushku Joog Iyo Jiifba U Diiday

“Ruushka waa in uu diyaar u yahay adeegsiga Nukliyeerka,” sidaa waxa yidhi, Madaxweynaha Belarusiya Lukashenko oo ah saaxiibka gacanta midi gee Madaxweyne Putin, wuxuuna dhawaaqa sidan ah kasoo baxy, iyadoo dhankiisa Madaxweynaha ruushka Vladamir Puntin marar baddan ku hanjabay inuu adeegsanayo hub aannay cidna haysan iyo weliba hubka khatarta ee nukliyeerka oo aannu waxba la hadhayn, isagoo hanjabaadaha noocaa ah u dirayay Maraykanka iyo xulufadda NATO, kuwaas oo soo farageliyay dagaalka, isla markaana kusoo daabulaya hub dhinaca dalka Ukraine.

Laxidhiidha: Turkiga Oo Beddelay Mawqifkii Dagaalka

Hase yeeshee dagaalka dhawrka bilood socday, ayaa dhaliyay su’aalo baddan, iyadoo xilligan uu socdo dagaal  xooggan oo lagu doonayo in lagu maamulo magaalada Lysychansk, taas oo ah magaaladii ugu dambaysay ee iska caabinta Ukraine ee gobolka Luhansk ee bariga.

Toddobaadyo dhiig baddan ku daadanayay halkaa kaddib, waxay xilligan we;li magaaladda Lysychansk nqonaysaa mawduuca ugu weyn ee sheegashooyinka, iyadoo dagaalyahannada uu Ruushku taageero sheegayaan in ay magaalada si buuxda gacanta ugu dhigeen,  balse waxa sheegashada meesha ka saaray ee beeniyay ciidanka Ukraine ee aagga hore.

Laxidhiidha: Madaxweynaha Maraykanka Oo Guuldaro Kala Hulleelay Shirka Kooxda Dalalka G7

Ma jirto cid xaqiijin kartaa guusha dagaalka Ukraine, iyadoo daqiiqado xaaladdu isku beddelay, waxa keliya oo muuqata in aannu dagaalku ahayn sidii uu ahaa bilawgii marka loo eego ku dhawaad toddobaadyadii u danbeeyay iyo shan bilood ka hor, duulaanka Ruushka ee Ukraine oo u muuqday mid aad uga duwan.

Laxidhiidha: Hoggaamiyayaasha Oo Isku Mariwaayay Xalka Mushkiladaha Uu Sababay Dagaalka Ukraine

Xilligaa Madaxweynaha ruushka Putin ayaa qaaday weerraro saddex geesood ah oo dalka oo dhan ah, wuxuuna sida roobka ugu cashariyay gantaalaha nooca loo yaqaan Cruise, madaafiic iyo weerrar wada socda.

Laxidhiidha: Duulaanka Ruushka Oo Ka Ilamaysiiyay Xulufada Galbeedka Iyo Duruufaha Ku Xeeran Kulanka G7

Weerrarada ruushka ee gantaalaha, ayaa lagu hareereeyay caasimadda, waxaana ciidamadda ruushku  qabsadeen tuulooyin yar yar iyo magaalooyin muhiim ah, wallow maalmo kaddi qaarkood iskood uga baxeen, halka ay jiraan magaalooyin dhawr jeer dib loo kala qabsaday iyo kuwo dagaalo lagu hoobtay ka socdaan oo aannay jirin cid ka madaxbanaan sheegashooyinka dhinayada, sidaa awgeed xaaladda dagaalka ayaa ah mid aan si dhab ah loo qiimayn karin xilligan, iyadoo dagaalku xataa saamayn weyn ku yeeshay dhex-dhexaadnimada warbaahinta reer galbeedka oo si dhab ula saftay dhinac, taas oo lumisay in lagu kalsoonaado warbixinaha ay soo tebeinayan ee dagaalka Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com