Araweelo News Network.

Sarkaal Soo Bandhigay Macluumaad La Xidhiidha Mawduucaa

Hargeysa(ANN)-Somaliland ayaa laga digay Mashruuc lid ku ah jiritaanka iyo qaranimadeeda oo ku kacaya ku dhowaad labaatan Milyan oo lacagta Maraykanka ah, kaas oo si khiyaamo ah u saxeexay Wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka oo Madaxweyne Biixi dhowaan xilka ka xatuubiyay.

Mashruucaa oo wasiirkii uu xilka kala wareegay ee qorshaynta Xasan Cali Gaafaadhi uu diiday ka hor intii aan laga beddelin wasaaradda ee loo wareejin wasaaradda Caafimaadka dabayaaqadii 2021.

Hase yeeshee waxa mashruuca oo ay wadatay dawladda Federaalka ee Soomaaliya fursad ka helay markii Madaxweyne Biixi wasiirGaafaadhi ka beddelay wasaaradda, iyadoo wasiirkii xilka kala wareegay aqbalay mashruuca oo lid ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxbanaanideeda, wuxuuna xilligan si toos ah uga socdaa magaalooyinka Somaliland sida uu kusoo bandhigay xoggo la xidhiidha sarkaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

Mashruuca Urrurinta xogta guryaha (Somali integrated household budget survey), oo uu ku lamaanyahay mashruuc weyn oo ah (Somali integrated statics and economic capacity Belding), wuxuuna ka kooban yahay tayaynta iyo horumarinta xogta hay’addaha Soomaaliya.

Mashruuca waxa meelgelinaya Bangiga Aduunka (World Bank), wuxuuna qayb ka yahay mashaariic ay kala saxeexdeen Baanka Aduunka iyo dawladda Federaala ee Soomaaliya, oo ay fulinayso hay’adda xog-urrurnta Somalia (Somali National Bureau of statistics) , iyadoo soo dhexmaraysa si loogu kaydiyo waaxda maamulka Xogta Kaydka Qaranka ee wasaaradda qorshaynta Somalia (National Archive Data Administration) ee loo soo gaabiyo MDA.

Sidoo kale mashruuca waxa ku baxaya aduun dhan $ 18.3milyan, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya hay’adda xog-urrurinta Soomaaliya ee dawladda Federaalku si toos ah u maamulayso, waxaana la daaf-furay Oct, 2021, iyadoo uu mashruuca daaf-furay Agaasimaha Hay’adda xog-urrurinta Soomaaliya, waxaana munaasibada lagu daaf-furay goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda qorshaynta ee dawlad goboleedyada Soomaaliya, wakiilo ka socday Bangiga Aduunka iyo kooxaha la shaqaynaya mashruuca, waxayna ujeeddadiisu tahay in lagu urruriyo xogta guryaha Soomaalida, iyadoo si gaar ah ahmiyad loo siinayo xogta la doonayo in lagu oggaado ilaha dhaqaalaha qoyska, halka uu kasoo galo, qaabka ay u isticmaalaan dhaqaalaha, tirada dadka ku nool guryaha.

Sidoo kale, waxa la doonayaa in lagu oggaado caqabadaha ka haysta qoysaska caafmaadka, Biyaha, waxbarashada iyo arrimaha muhiimka ah ee la xidhiidha nolosha, waxaana laga fulinayaa dhammaan 18-kii gobol ee dawladdii Jamhuuriyadii Dimuqraadiga ee Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, iyadoo laga dhigayo in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Xog-urrurinta mashruucan waxa ka shaqaynaya shaqaale laga qoray dhammaan gobollada  Soomaaliya, kuwaas oo xogta si toos ah ugu shubaya xafiiska Hay’adda Xog-urrurinta ee Soomaaliya oo qayb ka ah wasaaradda qorshaynta Soomaaliya ee dawladda Federaalka.

Dhinaca kale, masuulka u hadlay xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in mashruucan oo wasiirkii hore ee qorshaynta Somaliland, Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa diiday inuu saxeexo markii uu xilka wasaaradda hayay, balse nasiibadaro Cumar Cali Cabdullaahi Bade oo ahaa wasiirkii xilka wasaaradda qorshaynta la wareegay  September 2021, oo laga beddelay wasaaradda Caafimaadka,  ayaa qalinka ku duugay mashruucaa si looga fuliyo gobollada jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibad lagu daaf-furay mashruucaa ayaa lagu  qabtay  magaalada Hargeysa, 22 May, 2021, taas oo ay goob joog ka ahayd hay’adda fulinaysa ee Horn Africa Consultants Firm (HACOF) , oo sheegata in ay  ka diiwaangashan tahay dalka Kenya, balse xafiisyo ku leh Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Kismaayo, Dhuusamareeb iyo Hareysa.

Wasiirkii wasaaradda Qorshaynta Cumar Cali Cabdullaahi Bade, iyo wasiir ku xigeenkiisii , Maxamed Xasan Nuur , wuxuu Madaxweynuhu xilalkii ay hayeen ka qaaday 27 Jun 2022, iyadoo labadan masuul dabayaaqadii 2021, Madaxweynuhu  geeyay wasaarada qorshaynta, isla markanaa Mr. Bede, ayaa markaa ka hor muddo dheer ahaa oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, lamina ogga in Madaxweynihu xilka uga qaaday sababo la xidhiidha mashruucaa iyo in ay jiraan arrimo kale, balse shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa ku daba jira arrimahaa iyo kuwo kale si xaqiiqda loo soo bandhigo.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan xoggaha uu soo bandhigay  Saraalka ka hadlay arrintan waxa ka hawlgelaya mashruucaa dad gaadhaya 82 qof,  waxaana muuqata in mshruucan uu khatar ku yahay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

sarkaal ka hadlay arrintaa oo xisbiga mucaaradka ee WADDANI ka tirsan, ayaa sheegay in mashruucu si toos ah uga socdo gobollada Somaliland, isla markaana tijaabadii u horaysay lagu sameeyay meelaha ay barakacayaashu degan yihiin, “waxaan soo jeedinaynaa in la joojiyo mashruucaa,  waa inuu wasiirka cusub u joojiyaa sida wasiirkii hore ee Xasan Gaafaadhi u diiday, waana in lagala xisaabtamo wasiirka ku kacay falkaa ee qorshaynta” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Sarkaalka u hadlay xisbiga WADDANI, ayaa ugu baaqay Bulshada in ay ka digtoonaadaan mashaariic uu sheegay in ay la mid yihiin mashruucaa oo gef ku ah qaranimadooda iyo jiritaankooda, isagoo ka digay in masiirka ummadda la dhaafsado mashaariic sidaa oo kale dawladda Federaalku uga fuliso Somaliland gudaheeda.

Muuqaalkan Ka Daawo Wax Dheeri ah

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com