Geerideedu Waxay Damaqday Qalbiyada Malaayiin Xusuusteedu Aannay ka Go’ayn.

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Arraweelo News Network.

 Khadra Daahir Cige, waxay ka mid ahayd hablaha fanka Soomaalida foolaadka u ahaa ee sida weyn codkeeda iyo muuqeeda jiniyada iyo soo jiidashada lahaa u ruxaan quluubta amma qalbiyada malaayiin bulshada Soomaalida ah.

Inta baddan heesaha ay qaadi jirtay ka hor intii aannay fanka ka bixin ee aannay kusoo laaban Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa 2004, wallow ay safarkaa kaddib dib ugu laabatay qurbaha si ay uga soo tabaabulshaysato.

Hase yeeshee nollosheeda ku dhowaad 18-kii sannadood ee u danbeeyay kamay muuqan masraxyada sida weyn looga jeclaa iyo fagaarayaasha fanka, wallow kaydii fankeeda aan duugoobayn sii baahayay xilligan casriga ah, waxayna ahayd Hooyo carruuteeda iyo qoyskeeda ku kooban, isla markaana ku mashquulsan cibaadadda iyo cabsida Allle, iyadoo guddatay cibaadadda Xajka, sida ka sheegay Aaskii jinnaasadeeda 3 July 2022, weriyaha rug-cadaaga ah ee Xasan Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii ugu dhowaa sannadihii danbe ee nollosheeda ay ku qaadaray gurigeeda Magaaladda hargeysa ilaa xaqii ugu yimi laha oo laga wadacay si loogu gelbiyo gureeda rasmiga ah.

1957 ayay ku dhalatay Hargeysa, Inkasta oo ay ku biirtay fanka goor hore xilli ay da’deedu aad u yarayd 1974, iyadoo 17 jir ah, waxay lasoo kifaaxday ku dhowaad nus qarsi, waxayna marxuumaddu ka baxday masraxa fanka iyo fagaarayaasha maaweelada, iyadoo weli kalgacal weyn iyo ixtiraam loo hayo, balse waxay jiilalka xilligan iyo kuwo danbeba uga tagtay oo ka hadhay heeso kummanaan ah oo qaarkood jidhku dubaaxinayo marka ay dhegtaadu maqasho, amma aad daawato muuqaalka jiniyadadeedii, jaaheedii soo jiidashadii dareenka lahayd ee ay ka muuqatay xishoodka, akhlaaqda iyo degannaanshuhu ee dhawaaqeeda dhegguhu ku raaxaysanayaan oo qofka maqlaa hanqalka lasoo kacayo, isagoo aan is oggayn,  waana sababta aynu ugu tilmaamai karo in ay Khadra Daahir ahayd Jowharadii Masraxa Fanka Soomaalida.

Run ahaantii waxan ka mid ahay malaayiin si gaar ah u jeclaa fankeeda oo quluubtoda codkeedu si toos ah ugu furnaa, waxay fanka ku jirtay muddo dheer iyadoo sharaf iyo karaamo ku leh, waxayna ka hadhay iyadoo sharafteedii, karaamadeedii iyo xishoodkiiba huwan oo ay sii gelbiyeen geerideedii Bulshadeedii oo weli jecel, kuwo kalena aannay nasiib u helin in ay ka qaybgalaan jinaasadeeda oo jeclaayeen in ay ka qaybgalaan, balse ay uga ducaynayaan geyiga Soomaalida iyo dacalada aduunka, iyagoo Allah uga baryaya denbi-dhaaf iyo inuu naxariistiisa ugu deeqo.

Xilligan casriga ah ee aynu arkayno maanta halka uu fanku marayo iyo sida sharafta iyio karaamada looga qaaday, marka aad aragto xigmad-guurka, xishood la’aanta iyo xurmadarida in baddan oo masraxiyadii fanka ee ku dhisnayd dhaqanka bulshada, akhlaaqiyaadka iyo caqiidada u beddelay meelihii (Hollywood Movie) ee lagu jili jiray filimada aan wanaagsanayn,isla markaana lumiyay tiirarkii aasaaska u ahaa fanka iyo masraxa bulshada Soomalida, way adagtahay in ay bulshadu u baroorato marka ay macasalaamayso ajashu.

Marxuumad Khadra Daahir Cige,marka laga yimaado doorkeedii Jowharada ahaa ee Fanka iyo masraxa, waxa loo markhaati furay dadnimadeedii, dhawrsaanteedii, akhlaaqii iyo kalgacalkii Allah ku manaysatay ee soo dhowaynta iyo ixtiraamka badnayd, sidaa awgeed Khadra iyo fannaaniin kale oo rag iyo dumarba lahaa iyo abwaano aynaan ilaabi karin geeridooda kaddib oo aynu jeclayn, isla markaana innooga tegey dhaxal maguuraan ah,  waxay dhammaantood innaga muddan yihiin in aynu u ducayno, wayna innooga suntan yihiin kuwa cayn-wareejinaya dhaqanka suuban, xadaaradda iyo caqiidada Bulshada.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com