Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xorriyadooda u celisay saraakiisha u xidhnaa siyaasada iyo suxufiyiin muddo 25 maalmood ah ku jiray Xabsiga Mandheera oo qiyaastii 90 KM ka xigga dhanka Bari Magaalada Caasimadda Hargeysa.

Kooxda lasoo daayay Salaasadii maanta, ayaa qayb ka ahaa ilaa inta la ogyahay dad gaadhaya konton qof oo 14 ka mid ah ay ahaayeen siyaasiyiin labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI, iyadoo qaarkood ka xilal sare ka hayeen oo ay ka mid ahaayeen hoggaanka sare.

Dhammaan dadkaa, ayaa loo  xidhay mudaharaad ka dhacay Magaaladda Hargeysa 9 Jun 2022, kaas oo ay taageerayaasha labada xisbi oo ay horkacayaan madaxda labada xisbi ee WADDANI iyo UCID ku dalbanayeen in la in xukuumadda Madaxweyne Biixi qabato doorashooda Madaxtooyadda oo ku beegan 13 November 2022, iyadoo doonayay in ay xukuumadda caddaadis ku saaraan qabashada doorashada.

Laxidhiidha: Somaliland: Kommishanka Xuquuqda Aadamaha Oo Sheegay Tacadi Iyo Jidh-dil Loo Geystay Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta

Hase yeeshee mudaharaadka oo gilgilay xaaladda amniga ee Magaaladda Hargeysa, waxa ka dhashay khasaare dhaawacyo soo gaadhay xildhibaano dad kale oo ka mid ah taageerayaasha labada xisbi, waxayna xabsiga u taxaabtay dad baddan oo ay ku jiraan kooxda xirrriyadooda dib u helay Salaasadii maanta 5 July 2022, kuwaas oo aan sii deynta laga simin dhammaan dadkii loo xidhay mudahaaradka, balse lasoo daayay 14 xubnood, iyadoo aan la ogayn 34 qof oo kale oo iyagana loo xidhay mudahaaradka 9 jun 2022 meesha at ku danbeeyeen.

Masuuliyiinta lasoo daayay, ayaa xidhnaa muddo 25 bmaalmood ah, iyadoo aannu ku dhicin xukun, waxayna qaarkood ahaayeen hoggaanka sare ee xisbiyada, iyo xubno kale oo xillal ilaa heer wasiir iyo mansabyo kaleba kasoo qabatay xukuumaddihii u kala danbeeyay Somaliland.

Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wuxuu ka mid ahaa masuuliyiinta la xidhay, isagoo xilal ilaa heer wasiir xiliyo kala duwan kasoo qabtay dalka, sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarje oo isaguna xil hore uga soo qabtay xukuumadda, xilligana ah guddoomiye ku xigeenka WADDANI, ayaa ka mid ahaa maxaabiista u xidhnaa siyaasada ee xorriyadooda loo celiyay, iyadoo aannay jirin maxkamad la horgeeyay muddadaa ay xidhnaayeen oo qaaday dacwad la xidhiidha waxyaabaha lagu eeddaynayo.

Guddida dhexdhexaadinta ee doonayay in ay xaliyaan khilaafka oo guddoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan horkacayo, isla markaana ay weheliyaan Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, guddoomiyaha maxkaamdda sarre iyo xubnaha Ergada iskoo isu xilqaamay xalinta khilaafkaa usoo xuleen six al loogu helo murranka iyo khilaafka ayaa ku guulaystay in lasoo daayo siyaasiyiinta xidhan iyo suxufiyiinta, isla markaana loo gudbo wadahadalada, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi aqbalay.

Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarji, ayaa markaa loo celiyay xorriyadooda waxay ka dareen celiyeen qaabkii loo dhaqamay muddadii ay xabsiga Mandheera ku jireen, waxayna ka mahad sheegteen ciidanka Asluubta ee Ilaalada Xabsiga, balse muddadii ay xidhnaayeen ka hor intii aan loo gudbin xabsiga Mandheera iyo markii la doonayay in la qabqabto waxay hore ugu sheegeen hay’addaha xuquuqda Aadamaha in loo geystay tacadiyo, isla markaana loo diiday in ay la kulmaan eheladooda iyo asxaabtooda, waxaana tugu yaraan muddadaa laba jeer ka keenay maxakamadda iyadoo aan wax denbi ah lagu soo ooggin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com