Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha Guurtida oo ay weheliyaan Guddoomiyha Maxkamadda Sarre, Guddoomiyha Gollaha Wakiillada Somaliland iyo koox ka mid ah Odayaasha Ergada ee xalka u raadinaysa khilaafka siyaasadeed, ayaa kulan ay jilbaha is dhigeen Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin kale oo xukuumaddiisa ah ku ajburay in la furo albaabka wadahadalka si loo xaliyo khiaafka doorashooyinka.

Kulankaa oo Salaasadii Maanta qasriga Madaxtooyadda ku dhexmaray Madaxweyuaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu go’aamiyay in lasoo daayo maxaabiista u xidhan siyaasada iyo xuxufiyiinta xabsiga mandheera ku jiray ee loo qabtay mudahaaradkii 9 Jun 2022.

Sidoo kale, waxa kulankaa labada dhinac kasoo saareen go’aamo fududaynaya in Madaxweynaha iyo hoggaamiyayaasha mucaaradku isa soo hor fadhiistaan si loo helo xal lagaga gudbo khilaafka doorashooyinka ee xilligan hadheeyay saaxadda siyaasada Somaliland.

Madaxtooyadda Somaliland, ayaa markii kulanku dhmmaaday waxay soo saartay War-saxaafadeedka ay kaga hadlay waxyaabaha kasoo baxay kulanka iyo qoddobo ay sheegtay in labada dhinac ee Ergada uu hoggaaminayo guddoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo xukuumadda Madaxweyne Biixi isla qaateen.

Qoraal saxaafadeedka iyo qoddobada ku lamaan ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergeda is xilqaantay soo dhaweeyey, waxana uu muujiyey in masuuliyadda qaran ee uu hayo iyo damiirkiisuba farayaan inuu danta qaranka ka shaqeeyo, kuna dheggenaado xeerarka iyo shuruucda dalka, maaddaama oo uu yahay ilaaliyaha Dastuurka Dalka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu dhinaciisa xadhigga debciyo oo uu muhiimad siiyo wax kasta oo dhinacyada siyaasadda isku hayaa isugu soo dhawaan karaan.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Qaranka ka codsaday inuu sii daayo xubnihii mucaaridka ahaa ee lagu xidhxidhay rabshadihii mudaharaadkii dhawaan Hargeysa ka dhacay, taas oo uu madaxweynuhu si masuuliyad leh u aqbalay.

Dood iyo wada-hadal dheer oo saacado socday kaddib, waxa la isla qaatay labadan qodob oo ibo-fur u ah in is faham buuxa la gaadho, lana abuuro jawi isu soo dhawaansho iyo heshiis horseedi kara, kuwaas oo kala ah:

In lasii daayo dhammaanba xubnihii mucaaridka ahaa ee xidhnaa, sii dayntoodana loo maro nidaamka sharci ee dalka u dejisan, taas oo ah inay xeer ilaalinta iyo Boolisku ka laabtaan eeddii xubnahaas loo haystay, si ay maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex xorriyaddoodii ugu celiso, kol haddii ay eeddii la noqdeen hay’adihii ku shaqada lahaa, taas oo isla maantaba bilaabantay, lana sii daayey.

In guddoomiyaha golaha guurtidu oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ahi ay maalinta berri ah isu keenaan madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo hoggaanka madaxda labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, si wada-hadalkii rasmiga ahaa ee gogosheeda madaxweynuhu fidiyey  u bilaabmaan.

Ugu dambayn markii shirkaasi soo dhamaaday waxa  Afka ergeda ku hadlay, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida  milgaha leh  ee uu u qaabilay maalintii labaad iyo sida xilkasnimada leh ee uu u aqbalay soo jeedimihii dhinacooda ka yimi, isagoo soo bogaadiyey qodobada ka soo baxay shirkaa maanta.”ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedkaa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com