Araweelo News Network.

WAREEGTO MADAXWEYNE-07-07-2022.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray wareegto Madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-900/072022,

President of the Republic of Somaliland muse Bihi Abdi Image File Araweelo News Network 26 November 2020.

Wareegtada oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa ujeedadeedu tahay Cafis Guud oo Madaxweynuhu u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Madaxweynuhu wuxuu wareegtadaa ku yidhi, Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Cafis
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad;
Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka;


Markaan Arkay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddeedu tahay XIG/JSL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;


Waxaan Go’aansaday in laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.


ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com