Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumaddaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Federaalka Ethiopia, ayaa ku heshiisay dhawr qodob kaddib markii wefdi ka socda dawladda Federaalka oo booqasho ku yimi caasimadda Hargeysa kulamo la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubno ka mid ah gollihiisa wasiirrada.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefdi ka socda dalka Ethiopia oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka, ee dawladda Federaalka Ethiopia, Marwo Dagmawit Moges, isagoo kulan casho sharaf ah la qaatay.

Wefdiga dalka Ethiopia, ayaa markaa kaddib yeeshay kulamo  la xidhiidhay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ay labada dal horeba isaga kaashan jireen.

Kulankaa kaddib Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd, ayaa sheegay in lagu saxeexay dhawr qodob oo ay labada xukuumadood ku heshiiyeen.

Qodobadaa oo sida uu warbaahinta u sheegay ay ugu horeeyaan in labada dhinac ee Somaliland iyo Ethiopia aqoonsadeen ahmiyada ay leedahay xidhiidhkii dheeraa ee  labada dhinac ka dhexeeyay ee soo jireenka ahaa.

Laga bibaalo 7 July 2022, in dib loogu celiyo qiimii qaadka iyo khudaarta ee hore loo dejiyay.

In la sameeyo guddi farsamo oo ka hortagta dhibaatooyinkaa oo kale, kuwaas oo samaynaya daraasaad si xal loogu helo arrimahaa oo kale.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in lasii wado heshiisyadii si loo dhammaeeyo, heshiisyadii dhianaca Baayacmushtarta, Gaadiidka isu gudbaya iyo arrinta Dekedda Berbera oo ku salaysan heshiishyo hore, ama wadahadalo hore.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu sheegtay in kulan qasriga Madaxtooyadda ka dhacay oo Madaxweynuhu ku qaabilay wefdiga lagaga wada hadlay arrimaha isu socodka ganacsiga labada dhinac.

Dhowaan ayay ahayd markii ay dawladda Federaalka ee Ethiopia sheegtay in aannay waxba kala socon saamigii ay ku lahayd maalgashiga Dekedda Berbera oo ahaa 19%, laga saaray sida ay sheegtay, iyadoo aan waxba lagala socodsiin, waxayna xilligaa caddaysay in ay baadhistaan ku samaynay sababta ay arrintaasi u dhacday.

Socdaalka wefdiga ayaa sidoo kale kusoo beegmay, iyadoo cabashooyin baddan ka muujiyeen ganacsatada jaadku cashuuro ay sheegeen in dawladda Ethiopia  kusoo rogtay, taas oo ku kaliftay in ay joojiyaan jaadka ka imanayay dalka Ethiopia, iyadoo joojinta jaadka uu dhabar-jab dhaqaale ku yahay dawladda Ethiopia, balse booqashadooda  wefdiga iyo heshiiska ay xukuumadda Somaliland ku shaacisay maanta in lagu soo afjaray cabashada, ayaa meesha ka saaraya mushkiladii ka taagnayd qaadka, wallow aan si cad loogu sheegin heshiiska halka uu ku sanbeeyay saamigii ay Ethiopia ku lahaayeen dekedda Berbera .

Dhinaca kale, kulankaa wax ka qaybgalay wasiirrada wasaarradaha Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdrisaaq Ibraahim Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Ahmed Hurre Haarriye.

Dhinaca kale, Wefdiga dalka Ethiopia oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka, Marwo Dagmawit Moges, Wasiir, La-taliyaha Amniga Qaranka, mudane Redwan Hussien, Agaasime ku xigeenka Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda, Amb. Jamaluddin Mustafa, Agaasimaha Amniga Badaha, Mudane Yehualashet Jemere iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Amb. Saeed Muhamed Jibril.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com