Araweelo News Network.

Tokyo (ANN)-Ra’iisal wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe 67 jir ahaa, ayaa u geeriyooday toogasho lala  beegsaday, xilli uu khudbad ka jeedinayay Jimcihii maanta Magaaladda Nara ee dalka Japan.

Abe, ayaa loola cararay cusbitaalka, waxaana laysku deyay in la badbaadiyo nolloshiisa, balse waxay ku guuldaraysteen dhakhaatiirtu in ay badbaadiyaan, wuxuuna ku dhintay cusbitaalka kadib markii lagu toogtay xaflad olole siyaasadeed oo nin hubaysani laba xabadood qoorta kala beegsaday.

Shinzo Abe, ayaa sidoo kale lala toogtay dareewalkiisa oo dhaawacyo soo gaadheen, wuxuuna ninka toogashada sameeyay ka hor intii aannu toogan dhulka ugu tuuray Abe qoriga weyn ee uu sitay, isagoo markaa kaddib labo jeer la toogtay xilli uu khudbad ka jeedinayay waddo ku taalla magaalada Nara saaka aroortii, isagoo u ololaynayay doorashada aqalka hoose ee la filayo in ay dalka ka dhacdo Isniinta.

Hay’addaha amaanka ee dalka Japan, oo goobta ku sugnaa  ayaa ku guulaystay in ay qabtaan ninkii hubeysnaa, waxaana hadda gacanta lagu hayaa 41 jir looga shakisan yahay.

Eeddaysanaha, oo lagu magacaabo Tetsuya Yamagami, ayaa qirtay inuu Abe ku toogtay qori guri, wuxuuna sheegay inuu ka cadhooday urur gaar ah, sida ay booliisku sheegeen.

Sidoo kale, Booliska ayaa dhowr hub oo kale oo gacan ku sameys ah oo la mid ah kuwii weerarka loo adeegsaday qabtay kaddib markii la baadhay guriga laga shakiyay, sida ay saraakiisha booliiska ku sheegeen shir jaraa’id.

Boolisku, waxa kale oo ay sheegeen in guriga laga helay walxaha qarxa waxaana boolisku u sheegeen dadka ka dhow aagga oo ay kula taliyeen in ay isakaga guuraan dhsimahaa.

Ninka la tuhmay inuu toogashada geystay ayaa saraakiisha u sheegay in uu ka cadhooday koox gaar ah oo uu aaminsan yahay in Abe uu xidhiidh la lahaa, sidaa awgeed waxay booliisku sheegeen in ay baadhayaan sababta Ra’iisul Wasaarihii hore loogu bartilmaameedsaday iyo dadka kale ee xidhiidhka la leh kooxda.

Ra’iisul wasaare Fumio Kishida ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo yidhi, “Waa fal waxashnimo iyo xaasidnimo ah, loomana dulqaadan karo.”

Weerarkan waxa uu ahaa “fal naxariis darro ah oo dhacay intii lagu guda jiray doorashooyinka – aasaaskii dimuqraadiyadeenna – waana mid aan la cafin karin,” ayuu yidhi, Mr Kishida, isagoo hadlayay ka hor inta aan la xaqiijin geerida Abe.

Abe ayaa laba xabbadood oo qoorta kaga dhacday intii uu weerarku socday, waxa kale oo uu dhaawac soo gaadhay wadnihiisa, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Waxaa la sheegay in uu miyir qabay daqiiqado kaddib weerrarka, balse xaaladda 67-jirka ayaa ka sii dartay.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in wax calaamado muhiim ah aan la helin waqtigii ra’iisal wasaarihii hore loo beddelay si loogu daweeyo. Abe waxa lagu shubay in ka badan 100 unug oo dhiig ah muddo afar saacadood ah, ka hor inta aan lagu dhawaaqin inuu dhintay 5.03pm wakhtiga maxaliga ah ee dalka Japan (0803 GMT).

Goob joogayaal ayaa arkayay nin qori weyn sita, kaas oo kusoo dhowaanayay Abe markii uu weerrarku dhacayay ka hor intii aannu khudbad uu ka  jeedinayay musharax siyaasi ah, halkaas oo  uu ku sugnaa isgooyska wadada ee koonfurta magaalada Nara.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen nin sitay wax ay ku sheegeen qori weyn oo labo jeer ah oo uu ku dhuftay ra’iisal wasaarihii hore, isagoo kaga yimi xagga danbe. Abe ayaa dhulka ku dhacay iyadoo dadkii meesha joogay ay ku qaylinayeen naxdin iyo amankaag.

Abe waxa la socday koox ammaan ah, laakiin waxa ay u muuqataa in ninka hubaysan uu weli awooddayay in uu dhawr mitir u jiro Mr Abe isaga oo aan wax hubin ah ama caqabad ah la kulmin.

Falka lagu khaarajiyay Ra’iisal wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe, ayaa si weyn loo canbaareeyay, iyadoo hoggamiyayaasha dalalka aduunku inta baddan ku tilmaameen fal nacasnimo ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com