Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta salaadii Ciida Udxa kula tukaday shacbiga Magaaladda Hargeysa, ayaa ka hadlay qaabka ay dawladda Sacuudigu u maamushay sannadkan gudashada wa!jibaadka xajka.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland xaq u leeyihiin sida shucuubta kale.ee islaamka oo ay helaan saamiga ay xaqa u leeyihiin ee ay ka helaan Afarta milyan ee ku nool Somaliland.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in aannay helin shacbiga Somaliland helin saamiga xajka ay ka heli lahaayeen, sidaa awgeed wuxuu dawladda Sacuudiga ugu baaqay in aannay siyaasadayn arrimaha cibaadada ee gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo wuxuu usoo jeediyay Madaxweynaha Somaliland in dawladda Sacuudigu aannay ku milmin siyaasada ka ddhaxaysa Somalilad iyo dawladda Somaaliya ee Miqdisho.

muuqaalk hoose ka daawo

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com