Vladimir Puntin Oo Hadlay xaaladda Iyo Dalalka Yurub Oo Waajahaya Masiibo

Araweelo News Network

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dalalka reer galbeedka uga digay in weerarka uu dalkiisa ku hayo Ukraine oo sida uu sheegay si dirqi ah ku bilowday ay sii kordhiyaan.

Vladamir Putin, wuxuu sidoo kale ku eedeeyay hoggaamiyayaasha reer galbeedka inay hurinayaan dagaalka uu ka wado Ukraine, isagoo xusay in ay iyagu leeyihiin masuuliyada dagaalka.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Loogu Baaqay Inuu Adeegsado Nukliyeerka

Wuxuu sheegay in ay ku dedaalayaan  dalalka reer galbeedku sidii isaga “waa dalkiisa ruushka looga adkaan lahaa dagaalka, balse wuxuu ka digay in ay taasi noqonayso mid dadaalka reer galbeedka u horseeday musiibo , isla markaana Ukraine  u keeni doonta dhibaato in dagaalku sii ballaadhto.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta la hadlayay madaxda baarlamaanka dalkiisa, isagoo farriimo u dirayay xulufadda reer galbeedka ee Maraykanku hoggaamiyo.

Hadalka Madaxweynaha Ruushka,  ayaa kusoo beegmay, iyadoo xilligan ciidamadiisu si dhab ah gacanta ugu dhigeen dhul ballaadhan oo Istiraatiiji ah oo ka tirsan dalka Ukraine ee dagaalku ka socday dhawrka bilood.

Laxidhiidha: NATO Waxay Aqbashay Finland Iyo Sweden Oo Cabsida Ruushku Joog Iyo Jiifba U Diiday

 Magaalooyinka bariga iyo koonfurta Ukraine., ayaa gacanta si toos ah ugu galay ciidaamada ruushka Dabayaaqadii bishii Juun, waxayna la wareegeen maamulka Kherson oo ka mid ah magaalooyin muhiim ah oo dagaalo lagu hoobtay kaddib si buuxda ay ula wareegeen ruushku.

Kherson, wuxuu ruushku sheegay in ay ka dhici doonto afti dadka deegaanka lagu weydiinayo codkooda in ay ku biiraan Ruushka, balse lama shaacin xilliga ay dhacay aftidaasi, wallow codaynta aan si dhab ah loo ogayn sida ay dadka deegaanku uga qayb qaadanayaan, haddana waxa jira qaar ka mid ah dadka ku sugan deegaanka oo sheegaya in ay suurtagal tahay in dadka inta baddan usoo baxaan coddaynta, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay u coddeeyaan ku biirista ruushka marka ay timaado codayntu, iyadoo sabab looga dhigay in ay jiraan dad baddan oo ku nool Kherson oo doonaya ku biirista ruushka.

Laxidhiidha: Turkiga Oo Beddelay Mawqifkii Dagaalka

Dhinaca kale, ruushka ayaa la filayaa inuu maalinta Isniinka ee 11 July  dalalka Yurub ka gooyo qaybta ugu muhiimsan ee gaaska uu siiyo,”Ruushku wuxuu damin doonaa dhuummaha Nord Stream 1 muddo 10 maalmood ah.” Ayay tidhi, xukuumadda Mascow.

Tallaabadaa oo marar baddan uu ruushku ku hanjabay, isla markaana cabsi iyo wer wer ku abuurtay dalalka reer galbeedka, ayaa cirka ku laalay rajada nollosha dadka Yurub oo nolloshooda sida weyn dagaalku u saameeyeey dhawrkii bilood ee u danbeeyay, wuxuuna ruushku sheegay inay lagama maarmaan tahay in la dayactiro dhuummaha Nord Stream 1 , balse waxa cirka isku shareeray qaylada ka dhalatay arrintaa ee kasoo baxay dalalka reer galbeedka.

Laxidhiidha: Madaxweynaha Maraykanka Oo Guuldaro Kala Hulleelay Shirka Kooxda Dalalka G7

Tallaabada ruushka, ayaa la saadaalinayay in uu ku beegayo xilligan, waxayna u muuqataa mid xaaladda cirka kusii shareeray, iyadoo ruushku xilligan uu ku jiro dagaalka Ukraine uu ciyaarayo kaadhadh khatar ku ah Yurub, kuwaas oo iyagu hore u dhimay xadiga gaasta ay ka qaataan ruushka iyo dhammaan baddeecadaha kale si ay ugu curyaayimaan dhaqaalaha ruushka, balse arrimahaa ayaan si la filayay ugu noqon dhirbaaxo weyn, waxayna si dadban ugu yeesheen saamayn weyn dalalka reer galbeedka.

Qiimaha maceeshada ee cirka iyo isku shareeray iyo qiimaha gaasta oo gaadhay halkii ugu saraysay taariikhda waxaa sabab u noqday dagaalka Ukraine, iyadoo ruushku yahay dalka labaad ee shidaalka ugu baddan aduunka, isla markaana dalalka Khaliijka oo la filayay in ay ugu yaraan biixiyaan qayb ka mid ah shidaalka ruushku soo saari jiray, isla markaana kordhiyaan shidaalka ay soo saaraan ayaa awoodi waayay in ay kordhiyaan wax-soosaarkoda, wallow ay markii hore ka dhega adaygeen dalabkaa.

Laxidhiidha: Hoggaamiyayaasha Oo Isku Mariwaayay Xalka Mushkiladaha Uu Sababay Dagaalka Ukraine

Sidoo kale, Libiya oo ka mid ah dalalka saliida qaniga ah, ayaa collaado iyo dagaalo hadheeyeen, halka Iran oo ka mid ah dalalka qaniga ku ah shidaalka cunaqabaynta Maraykanku ka xidhay suuqa saliida ee baahida weyn loo qabo, balse India iyo dalal kale ayaa xilligan si toos ah shidaalka ugu doonanaya dalka Iran, isla markaana dhegaha ka furaysanaya cunaqabataynta si ay dalalkooda iyo dadkooda u badbaadiyaan xilliga adag ee dunidu qiira qiiraha ku gashay.   

Laxidhiidha: Duulaanka Ruushka Oo Ka Ilamaysiiyay Xulufada Galbeedka Iyo Duruufaha Ku Xeeran Kulanka G7

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com