Araweelo News Network.

“Fanka iyo Bulshadaba waxay ku lahayd magac aan gaboobayn”Abwaan Xasan Ganey

Hargeysa(ANN)-Allah ha u naxarisitee Fannaanadii weyn ee Khadra Daahir Cige, oo xalay ku geeriyootay Cisbitaalka International Hospital, ayaa maanta si wey loogu Aasay Xabaalaha Haleeya ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Alt: Araweelo News Network
Aaska Marxuumad Khadra Dahir Cige, fannaanadii caanka ahayd 3 Jun 2022, Image Araweelo News Network. Hargeysa, Somaliland.

Marxuumadda, ayaa u geeriyootay xannuunka ay soomaalidu u taqaan Oof-wareenka oo kusoo booday, sida la xaqiijiyay toddobaad ka hor, waxaana loola cararay cusbitaalka International Hospital, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladeedda caafimaad ilaa ugu danbayntii ay xalay ku geeriyootay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaciil Saylici, masuuliyiin kale oo xukuumadda, gollayaasha Baarlamaanka, Gollaha deegaanka, axsaabta qaranka. Sidoo kale, waxa aaska ka qaybagalay abwaano waaweyn, fannaaniin iyo qaybaha kale ee Bulshada Somaliland.

Alt: Araweelo News Network
Aaska Marxuumad Khadra Dahir Cige, fannaanadii caanka ahayd 3 Jun 2022, Image Araweelo News Network. Hargeysa, Somaliland.

Fannaanada Khadra  Daahir Cige oo ka mid ahayd fannaaniinta caanka ah ee sida weyn loogu xushmeeyo fanka ee loogu ixtiraamo, ayaa ku dhalatay sannadkii 1957 magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, waxayna fanka kaga biirtay sannadkii 1974, xilligaa oo da’deedu ahayd 17 jir, sida ay sheegeen dadkii ay fanka kusoo wada jireen muddada dheer.

Hase yeeshee Khadra Daahir Cige, oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku noolayd gurigeeda magaalada Hargaysa, kaddib markii ay kasoo laabatay dhinaca qurbaha, ayaa laga soo weriyay in ay fankii iskaga baxday, iyadoo aan muddo dheer lagu arag masraxyada iyo fagaarayaasha fanka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo hadal kooban ka jeediyay aaska marxuumada ayaa ka sheekeeyay doorkii ay ku lahayd fanka iyo ixtiraankii loo hayay fannaanada, wuxuuna ka tacsiyay qoyskii, ehelkii, axsaabti, bahda fanka iyo dhammaan shaciga Somaliland, isagoo Allah uga barayay inuu naxariistii janna-fardawsa ugu deeqo maxruumadda.

Abwaanka weyn ee Xasan Xaaji Cabdullaahi (Xasan Ganay) oo ka mid ahaa dadkii aqoonta dheer u laaha Fannaanada, ayaa awooddi waayay inuu dareenkiisa xakameeyo, isagoo ka murrugaysan geerida fannaanada.

“Fanka iyo Bulshadaba waxay ku lahayd magac aan gaboobayn” waxaan Allah uga baryayaa naxariixtiisa iyo inuu u danbi dhaafo, ayuu yidhi, Abwaan Xasan Ganaey.

Abwaanka weyn ee Aadan Tarabi, ayaa dhankiisa ka hadlay kaalintii ay ku lahayd fanka marxuumad Khadra Daahir Cige iyo doorkii aan la ilaawi karin ee ay kasoo qaadatay Fanka Soomaalida, wuuxuna Allah uga baryay inuu naxariistiisa ugu deeqo dhamaan qoyskii ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan Bulshada ku hadasha Af-soomalaiga.

Sidoo kale, waxa ka hadlay geerida marxuumadda shaqasiyaad kale oo isugu jira, siyaasiyiin, abwaano iyo dad kale oo ka mid ah haldoorka Bulshada, kuwaas oo dhammantood qiray in ay ahayd Marxuumad khadra Daahir fannaanad bulshadu ixtiraam u haysay oo magac weyn ku lahayd fanka, isla markaana ka tagyay raad weyn iyo taariikh aan duugoobayn.

Allah ha u naxariistee Marxuumad Khadra Daahir Cide, waxay ahayd Hooyo , waxayna ifka kaga tagtay 5 carruura.

Bahda Shebekaddaha Araweelo News Network, oo ka tiirsanyaysan geerida marxuumad Khadra Daahir, waxay ka tacsiyaynaysaa geeridaa qoyskii, Ehelkii, axaabtii, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan Bulshada Soomaalida  geeridaa, waxayna Allah uga baryayaan inuu naxariistiisa ugu deeqo dhammaanteena samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com