Araweelo News Network

Labada Guddoomiye ee WADDANI Iyo UCID photo file araweelo news network

Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u aqoonsaday murrashaxiinta saddexda xisbi qaran ee u tartamaya doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay qabsoonto 13 November 2017.

Xaflad lagu qabtay xarunta guud ee Komishanka Doorashooyinka ee caasimadda Hargeysa , waxa shahaadooyin aqoonsi ah lagu guddoonsiiyey lixda murrashaxa ee u taagan jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi; “In aannu idin guddoonsiinno lixda murrashax ee saddexda xisbi qaran, shahaadooyinkii sharciyan ka dhigayey inay u taagan yihiin doorashada soo socota, iyaga oo kala ah; murrashax Madaxweyne iyo ku-xigeen, in aannu maanta laga bilaabo aad tihiin lixda xubnood ee u taagan doorashada tartanka innagu soo socda.”

Afhayeenka Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay in murrashaxiinta saddexda xisbi ay buuxiyeen shuruudaha laga doonayo, waxaannu yidhi; “In murrashaxa Faysal Cali Xuseen Cilmi uu u sharraxan yahay jagada Madaxweyne doorashada madaxtooyada ee 2017-ka oo uu soo sharraxay xisbiga UCID oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, si waafaqsan qodobka 82-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxa loo aqoonsaday inuu yahay murrashaxa rasmiga ah oo la oggolaaday maanta laga bilaabo.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu halkan ku caddeynayaa, in murrashaxa Muuse Biixi Cabdi Xildiid uu u sharraxan yahay jagada Madaxweyne doorashada madaxtooyada ee 2017-ka, isla markaana uu soo sharraxay xisbiga KULMIYE oo murrashaxu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, si waafaqsan qodobka 82-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, loo aqoonsaday inuu yahay murrashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi si rasmiga ah oo la oggolaaday maanta laga bilaabo inuu yahay murrashaxa xisbiga KULMIYE.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu halkan ku caddeynayaa, in murrashaxa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro) uu u sharraxan yahay jagada Madaxweyne doorashada madaxtooyada ee 2017-ka, oo uu soo sharraxay xisbiga WADDANI, isla markaana uu buuxiyey oo shuruudihii looga baahnaa, si waafaqsan qodobka 82-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, loo aqoonsaday inuu yahay murrashaxa rasmiga ah oo la oggolaaday maanta laga bilaabo 30/September/2017.”

 

Murrashaxa xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inuu dhinaca doorashooyinka uga waayo-aragsan yahay murrashaxiinta xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI.

“Geedi dheer baynu soo soconay in aynu maanta halkaa soo gaadhno, waad ogeydeen oo laba sanno ka hor bay ahayd inaynu halkan soo gaadhno, oo laba sanno ayeynu dib u dhacnay, waa qaddar Illaahay, maantanna haddii uu Illaahay inna gaadhsiiyey Illaahay (SWC) ayaa mahad leh. Aniguna gaar ahaan mahad kale oo dheeraad ah ayaan leeyahay, oo haddii uu Ilaahay i gaadhsiiyey cimrigayga mar saddexaad inaan shahaadada qaato,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

 

Waxaannu intaas ku daray; “Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa in badan waan u sheegay, haddana way kala caddaatoo, waxa la kala dooranayaa ma’aha xisbi iyo odayaal iyo ma’ahee lixdaa nin ee maanta la kala siinayo shahaadada, ayuun baa horta la kala dooranayaa, way iska hadhayaan nimankii yaac-yaacayey ee la soo tumayey meelahaas. Runtu waxa weeyaan uun, shacabka reer Somaliland maanta lixdayadaas qof ayaa maanta idin hor yaalla, illaahayna waxaan ka baryeyaa kaayagii dalka kheyr u leh inuu Illaahay codkiina ku toosiyo, annagana haddii aanay kheyr noo lahayn oo aakhiradayada xummaynayso, ummaddayadana kheyr u lahayn, Illaahow kumaannu weydiisan kursigaa.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo dardaaran u jeediyey murrashaxiinta iyo dadka codbixiyeyaasha ah, waxaannu yidhi; “Lixdayadan nin ee maanta halkan la siinayo aqoonsiga murrashaxnimada ee la dooranayo, waxaan leeyahay waajibka saarani waxa weeye, doorashadaas la galayo iyo ummaddaas idin kala dooranaysa in aannu ula nimaadno oo la idinka ka helo caqligii iyo xikmaddii ay doorasho nabad ah oo horumar mooyee aan dib-u-dhac inoo keenin sidii ay u suurtogeli lahayd ayaa xilkeedii inna saaran yahay, in laga dadaallaa waa kaw.”

 

“Waxa kale in laga dadaallo ah in doorashada soo wada bixi maayaan lixda nin, laba ayuun baa soo baxaaya, afarta kale ee hadhanna waxaan ku dardaarayaa inay dulqaad, samirkeeda iyo adkaysi lahaadaan oo halkan umaynaan iman lixdeenuba inay aynu guulaysanno, nin weliba waa inuu caqligiisa geliyaa inuu guuleysto iyo haddii uu saaxiibkii guulaysto in la wada guulaystay oo qaranku guulaystay oo aanay tiisu meel gaar ah uga muuqan,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxaannu intaas raaciyey; “Intaa waxaan leeyahay dadka la dooranaayo, oo weliba aynu xaq-dhawrno oo u tudhno dadka iska keen soo hor mariyey, lixdeennu dadka ugama aqoon badnin, uma farriinsanin, laakiin shacbigaas dhan baa inna karaameeyey oo inna hor mariyey, innagana waxa innagu waajib ah inaynu dadkaas dhawrno.

Codbixiyeyaasha waxaan leeyahay, maanta lixdaas qof uun baad kala dooranaysaan, waanna wada Somaliland, doorashadana xaq baad u leeyahay adiga oo aan qeylin, adiga oo aan dhibaato abuurin, adiga oo aan waxba xummaynin in aad codkaaga bixiso. Waxaan u soo jeedinayaa dadka codka bixinaaya, inay ka illaaliyaan doorashada iyo ololaheeda xanafta iyo waxyaalaha xajiimayn kara iyo wixii wax naga xummayn kara oo dhan.

Innagu ma nihin sida qolada gaalada ah ee Yurubiyaankan ah ee doorashadan dimoqraadiga ah inoo keentay, siday u dhaqmaan uma dhaqmi karno, iyagu diin malaha oo sharci diimeed ma qabanayo, dhaqankaynu leennahay malaha, dadkan makarafoonnada ka wada hadlayaa waa isu-seedi, waa isu-sodog, waa isu-adeer, waxyaabo badan oo dhaqan ahaan innagu xeerinno iyagu ma xeeriyaan. Markaa in la yidhaahdo, waa siyaasad, waa makarafoon waa dacaayad oo xadka la dhaafo, waxay ila tahay taasina waa qalad ee tartankeenu ha noqdo mid dhaqankeena iyo diinteenuba xakameeyaan.”

 

Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro)
“Waannu ku faraxsannahay shahaadooyinkii rasmiga ahaa ee murrashaxiinta komishanku bixiyo. Marka labaad, annagu xisbi ahaan doorasho xor ah oo xallaal ah natiijo ka soo baxda hor ayaannu u sheegnay in aannu aqballi doono haddii Ilaahay ka dhigo. Waxay ila tahay waa la is-yara xam-xamman jiroo, malaha qolada mujaahidiinta ah ayaa laga yara baqan jiroo ee xaggayaga malaha lagamaba baqeyn baan u malaynayaa.

Ta labaad, waan la qabaa murrashaxiintii halkan ka hadashay inaynu kalsoonidaasna bixinno, hareerahanna wada qabanno doorashada, nabadgelyadana lagu dedaallo, dhammaan taageerayaasha iyo shacabka Somalilandba inay amniga ku dedaallaan oo si amni ah innoogu dhacdo,” ayuu yidhi murrashaxa WADDANI.

“Komishankana waxa aannu ugu duceynaynaa in Ilaahay hawshaas u fududeeyo, waa hawl ballaadhan, maanta Somaliland iyaga ayey soo wada eegaysaa sida ay u dhan tahay iyo duniduba Komishanka ayey soo eegaysaa, waxaannu diyaar u nahay in aannu gacmaha la qabanno, wixii aannu la qaban karo ee ugu badan, aad baanad u mahadsan tihiin,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.