Araweelo News Network

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland

Hargeysa (ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Guddoomiyaasha saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa xarrunta Komishanka ku kala saxeexday Xeerka Hab-dhaqanka Doorashada Madaxtooyada ee 2017, isla markaana waxa lagu shaaciyay murrashixiinta buuxiyay shuruudaha murrashaxa iyada oo loo eegayo Qodobka 82aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadan oo uu daadihinayay La-taliyaha Arrimaha Sharciga ee Komishanka Doorashooyinka Garyaqaan Xasan Faarax Maxamed, waxa uu xusay in munaasibadu tahay laba arrimood oo is barkan, oo ta hore tahay saxeexa Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyadda iyo tan labaad oo ah in la guddoonsiiyo murrashixiinta doorashada Madaxtooyada caddaynta murrashaxnimo.

Ugu horayn, waxa munaasibada furay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo si kooban uga warbixiyay ujeedada Xeerka Hab-dhaqanka cidda lagu maamulayo iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay Xeerarkii hore ee Hab-dhaqan, isagoo xusay in xeerkan loogu talogalay inuu hago hab-dhaqanka xisbiyada, murrashixiinta, masuuliyiinta xisbiyada, hoggaankooda iyo taageerayaashoodu, si ay u qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah, oo bilaa xanaf ah, hufan oo daah-furan, isla markaana ku dhisan sharciga iyo ixtiraamka sharciga.

Waxa kaloo uu sheegay in Xeerka ay adkeeyeen, kuna dareen tallaabooyin adag oo laga qaadayo cid kasta oo ku xad-gudubta amma jabisa, oo ay ka mid yihiin;
• Ganaax gaadhaya ilaa 200,000,000 (laba boqol oo milyan oo Somaliland shillin ah),
• In xisbiga jabiya maalmaha ay leedahay ololaha laga joojin karo
• In xisbiga jabiya laga joojiyo adeegsiga saxaafadda, cidda nabadgalyada waxyeelaysa ama amni-darro kicisa in xadhig lala tiigsan karo.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, ayaa sidoo kale sheegay waxyaabaha ka reeban axsaabta qaranka muddada doorashada oo ay ka mid yihiin: ololayaasha ku dhisan qabiilka, caytanka, shakhsi weerarka, fidno-abuurka, hantida qaranka oo olole xisbi loo adeegsado iyo shaqaalaha dawladda oo olole xisbi gala.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu ku booriyay axsaabtu in ay ixtiraamaan, kuna dhaqantaan, taageerayaashooda, hawl-wadeenadooda iyo hoggaankoodana ku wacyigelisaan oo ay baraan, kuna dhaqmaan qodobada Xeerkan Hab-dhaqanka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ahna murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku bogaadiyay Komishanka Doorashooyinka dedaalka ay ku jiraan, isagoo xusay in ay tahay Doorashadii saddexaad ee uu galayo tartan, isla markaana waayo-aragnimo dheeraad ah u leeyahay doorashooyinka oo aanay ku cusbayn, waxaannu ku baaqay in si nabadgelyo ah loo galo doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isna munaasibadaas hadal ka jeediyey, ayaa caddeeyey inay aqbalayaan, kuna dhaqmayaan xeerka Anshaxa ee axsaabta qaranka, isla markaana diyaar u yihiin in dhaqangelintiisa, waxa kaloo uu xusay in beesha caalamku ay Somaliland kala masuugtay xuquuqdii ay lahaayeen oo ah in ay ka mid noqdaan bulshada caalamka, iyaga oo maalin walba ka hadla xuquqda aadamaha, taasi oo uu ku tilmaamay mid aan is-qabanayn.

Waxa kaloo uu murrashaxa KULMIYE kula dardaarmay murrashixiinta xisbiyada qaranka iyo dadweynahaba in ay nabadgelyada ilaashadaan, isla markaana ku talo-galaan in laba murrashax oo kali ahi ku guulaysan doonaan kursiga Madaxtooyada, sidaa darteed loo baahan yahay in murrashuxu ku talo-galo in uu guulaysto iyo in laga guulaystaba.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna murrashaxa Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ballanqaaday in ay aqbalayaan natiijo kasta oo sharci ah oo ka soo baxda Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ay xisbi ahaan dhawrayaan oo aan looga werwerayn nabadgalyadda iyo amniga guud ee qaranka Somaliland.