Araweelo News Network

Nairobi(ANN)- Dawladda Kenya, ayaa ka digtay weerarro cusub oo dagaalyahannada Al-shabaab la beegsadaan magaalada Mandheera iyo degaannada dhaca Gobolka Woqooyi-bari ee dalkeeda.

War ka soo baxay xukuumadda Nairobi,  ayaa lagu sheegtay inay jirto cabsi la xidhiidha weerarro ka dhaca magaalo-xeebeedyada dalkeeda, halkaas oo ay ku badan yihiin dadka ajnebiga ah iyo weliba sidoo kale degmada Mandheera oo xuduud la leh magaalada Baledxaawo ee dalka Soomaaliya oo xoogagga Al-shabaab weerareerro ka fuliyeen marar kala duwan.

Magaalada xeebta ku taal ee Lamu,ayaa la sheegay in ay ka baxeen dhammaan dadka shisheeyaha ah sababo la Xidhiidha  xaaladda ammaankooda.

Dawladda Kenya, ayaa sidoo kale sheegtay inay heegankii ugu sareeyey gelisay dhammaan ciidammadeeda ku sugan magaalo-xeebeedyada dalka.

Sarkaal sare oo u hadlay dawladda Kenya, ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka feejigan yihiin weerarro ka yimaad xoogagga Al-shabaab oo inta badan weerarro iyo qaraxyo kala duwan ka fuliya gudaha dalka Kenya.

Sarkaalku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale aad loo adkeeyey amniga degmada Mandheera ee xarunta Gobolka Woqooyi-bari tan iyo markii Al-shabaab weerareen magaalada Baled-Xaawo oo ku taal xuduudka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya laba toddobaad ka hor.