Araweelo News Network.

Somaliland: Kommishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Oo Soo Bandhigay Kiisaska Kufsiga Ee Dalka Ka Dhacay 2020

Kommishanku, waxay warbixintaa kusoo bandhigeen munaasibad ay ku shaaciyeen wixii u qabsoomay Sannadkii 2020.

Hargeysa(ANN)-Kulan ay Kommishanka Qaranka ee Xuquuqda Aadamuhu ku qabteen maanta magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadkii sannadkii 2020, waxaana sidoo kale kulankaa lagu shaaciyay caqabaddaha ka hor yimi hawshooda ee dhanka Hay’addaha dawladda.

Guddoomiyaha kommishanka xuquuqul Aadamaha ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Baaruud Cali, oo ugu horreyn u mahad-naqay daneeyayaasha xuquuqul insaanka Somaliland, ayaa maddasha ka sheegay in ay wada shaqayn wanaagsan leeyihiin, isla markaana tilmaamay muhiimadda uu kulankaasi u leeyahay bahda xuquuqul Aadamaha Somaliland.

Agaasimaha qorshaynta kommishanka xuquuqda Aadamha qaranka Somaliland oo dhankiisa kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay in daneeyayaasha xuquuqul insaanka Somaliland ay ku baraarugsanaadaan isla markaana ay xog dhab ah ka hayaan arrimaha la xidhiidha xuquuqda Aadamaha ee Somaliland

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee kommishanka xuquuqda Aadamaha Somaliland Cabdisamad Sacad, ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeeddada kulankaas oo uu sheegay inuu la xidhiidho warbixinta xaaladdaha kala duwan ee xuquuqda Aadamaha  Somaliland iyo halka uu marayo, wuxuuna intaas ku daray in komishanku uu sannadkan ku guuleystay inuu xafiisyo ka furto gobollada Awdal, Togdheer iyo Sool, isaga oo intaas raaciyay in ay qorshaha ugu jirto in gobollada Saaxil iyo Sanaag ay sannadkan ka furi doonaan xafiisyadii gobolladaa ay ku lahaan lahaayeen.

AKHRI: Burco: Haween Ka Gedooday Haweenay Dan Yar Ah Oo Dil Iyo Kufsi Laysu Raaciyay Iyo Maamulka Gobolka Oo Ka Hadlay

Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in muddadii ay wada shaqaynayeen kommishanka xuquuqda Aadmaha Somaliland ay wax badan qabteen, wuxuuna taliyuhu tilmaamay in dadka geysta dambiyadu ay intooda badan yihiin da’da labaatan jirka, isaga oo u soo jeediyay bahda xuquuqda iaadamaha in ay iska kaashadaan sidii loo yarayn lahaa fal dambiyeedyada ay had jeer geystaan dhallinyaradu.

 

Gebagebadii, waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha kommishanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq- maasuqa Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in ka kommishan ahaan ay ka eegaan hannaanka fulinta iyo waafaqsanaanta xeerarka dalka, isaga oo intaas ku daray in cabashooyinka uu wajahayaan sida ay dhigayaan xeerarku.

Kommishanka Xuquuqda Aadamaha ayaa warbixin ka soo saaray tirada Kufsiyadii Somaliland ka dhacay sannadkii tegey ee 2020.

Warbixin sannadeed ay soo saareen, ayaa lagu sheegay in tirada kufsiyadda ka dhacay guud ahaan Somaliland sannadkii 2020, ay gaadhayaan 142 (boqol iyo laba iyo afartan) kufsi. kuwaas oo noqonaya inta la diiwaan geliyay.

Warbixinta ayaa sidoo kale, lagu sheegay gobol walba iyo tiradda kufsiyadda ka dhacday, iyadoo gobollka Sool 37 kufsi, Maroodi-jeex 25 kufsi, Togdheer 25 kufsi, Saaxil 17 kufsi, Awdal 14 kufsi, Sanaag 13 kufsi, Sarraar 7 kufsi, Gabilay 4 kufsi.

Guud ahaan tirada kufsiyadda ka dhacay Somaliland ee la diiwaangeliyay sannadkii 2020, ayaa lagu sheegay 142 kufsi, kuwaas oo qaarkood yihiin Kufsi iyo dil wada socda.