Araweelo News Network

dhawaqakufsigaHargeysa(ANN) Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka Somaliland (Somaliland National Human Rights Commission) ‘SLNHRC’ marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur, ayaa shaacisay inay dalka ka dhacaan falal kufsi oo aan kala sooc lahayn oo loo geysto dumarka iyo carruurta yaryar.
Marwo Jaahuur oo hadal ka jeedisay kulan loo sameeyey bilowga olole socon doona muddo 16 maalmood ah oo la xidhiidha sidii bulshada looga wacyigelin lahaa tacadiyada ka dhanka ah dumarka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Hargeysa shalay, waxa ay caddaysay inay hayaan kiisas kufsi loo gaystay ilmo yar oo laba sanno jiray iyo islaan tahay 80 jir ah.
“Kufsigu ma aha mid loo geysto hablaha amma dumarka oo qudha. Annagu kiisaska aannu haynno, kufsiga lagula kaco carruurta da’yarta ah ayaa ka badan ka loo geysto hablaha. Kiisaska aannu haynno waxa ugu yar ilmo yar oo laba sanno jiray oo la kufsaday, waxana ugu weyn islaan 80 jir ah, markaa anigu waaban yaabbanahay, maadaama aannu hayno ilmo yar oo la fara-xumeeyey oo kiiskii u dambeeyey ee na soo gaadhayna uu yahay islaan 80 jir ah, waxaanad is odhanaysaa qofkaasi (cidda kufsiga geysanaysa) maba laha damiir, haddii aan la dhaafayn carruurta iyo islaamaha,” ayey tidhi marwo Fadxiya.
Waxa kaloo ay intaas ku dartay; “Kufsigu waa caado xun oo ku soo korodhay dalkeenna. Waqtiyadii aannu annagu kacaanka ahayn (yaryarayn) meelaha miyiga ah ayaa lagu sheegi jiray amma lagu arki jiray inan la kufsaday amma la xoogay, taasoo ahayd inan dhaan kaxaysay oo laba amma saddex habeen sii dhixi jirtay, laakiin imminka waxa jirta inan intay ka soo toostay gurigii hooyadeed loo diray jaamacadda amma dugsiga waxbarashada oo dhexda loo gelayo, laguna kufsanayo magaalada dhexdheeda.”
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa isaguna sheegay in aan la aqbali karin heerka falalka kufsigu dalka ka marayaan xilligan, waxaannu shaaciyey in 207 fal-dambiyeed oo kufsiga la xidhiidha ka dhaceen Somaliland sannadkan 2016, kuwaas oo uu xusay inay intooda badan ka dhaceen caasimadda Hargeysa.
“Waxaannu halkan ka iclaaminaynaa 16 maalmood oo wacyigelin ah oo la isku baraarujinayo xakamaynta tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka. Waxaan leeyahay hoyga fiican bay ka soo baxaan midhaha wanaagsan,” ayuu yidhi Wasiir Cumar-yare.
“Haddii aan soo qaadno kufsiga ka dhacay waddanka, marka aannu isku geyno waa 207 kiis oo inta ugu badan ka dhacday magaalada Hargeysa. Inamadan yaryar ee dalka lagu sii daayay ee aan waalid daba gelayn ayaa sabab u ah arrintan. Ma eegan karayno in maalin walba hablaha la kufsado oo gabdhuhu ay guryahooda ka soo bixi kari waayaan.”

Wasiirku waxa u soo jeediyey baarlamanka Somaliland inay ansixiyaan xeerka muhiimka ah ee la xidhiidha xuquul-insaanka iyo arrimaha bulshada, “Sharciyo badan baa horyaal Baarlamaanka, xeerka kufsiga oo kaliya maaha ee shuruuc badan ayaa horyaal oo dalka lagu dhaqi lahaa ama hagi lahaa. Baarlamaanku waa golihii dejin lahaa xeerarka ee dabo-geli lahaa in xeerarka la fuliyey iyo in laga baydhay. Xeerka kufsiga, xeerka gudniinka iyo xeerka siyaasadda carruurta inay Baarlamaanku haystaan maaha.”
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Md. Nuur Cismaan Guuleed oo ka hadlay madashaas, ayaa ku tilmaamay gudniinka fircooniga ah caado gabowday oo aan diinta islaamka ku abtirsan, waxaannu ku baaqay in dedaal weyn la geliyo sidii loo tirtiri lahaa dhaqankaas oo uu ku sheegay mid halistiisa leh.
Guddoomiyaha Dalladda Naafada Somaliland marwo Nuura Maxamuud Nuur, xubno ka socday ururrada bulshada, hay’adaha caalamiga ah ee hawl-wadaagta la ah Wasaaradda Shaqada iyo marti sharaf kale oo iyaguna ka hadlay kulankaas, ayaa dhammaantood farta ku fiiqay in kufsigu yahay fal ka baxsan anshaxa suubban iyo diinta islaamka, sidaa darteedna loo baahan yahay in lala yimaad dedaal xooggan oo dalka lagaga tirtiro falalkaas.