Araweelo News Network.

Kommishanka Qaranka Ee SOLNAC Iyo Suxufiyiinta Oo kulan Isku Waajahay

Hargeysa(ANN)-Kulan lagu faaqidayay qabya qoraalka Siyaasada Qaranka ee xannuunka uu sababo fayriska sababa HIV/AIDS, ayaa lagu qabtay maanta Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Kulankaa oo uu soo qaban qaabiyay Kommishanka Qaranka ee HIV/AIDS (SOLNAC), waxa ka qaybgalay ku dhowaad konton qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland, shaqsiyaad ka socday qaybaha kale ee Bulshada.

Agaasimaha Kommishanka Qaranka Somaliland ee SOLNAC,  Kommishanka Axmed Cabdi Ismaaciil oo ka hadlay furitaanka kulanka, ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saarayo qaabka ay warbaahintu u wajahayaan warbixinaha la xidhiidha mawduucyada ku saabsan marka laga warbixinayo arrimaha la xidhiidha xanuunka uu sababo faysriska HIV/AIDS-ka.

Wuxuu tilmaamay doorka ay warbaahintu ku leedahay sidii bulshadda looga wacyigelin lahaa xannuunka iyo in ay lagama maarmaan tahay in la hubiyo ereyada mararka qaarkood ay weriyayaashu adeegsadaan marka laga warbixinayo qof la nool xannuunka, kuwaas oo aan ku haboonayn in loo adeegsado warbixinaha la xidhiidha xannuunka ee Bulshada loo gudbiyo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Kommishan ahaan ay diyaariyeen qabya qoraalka Siyaasada qaran ee wada xidhidihka, isla markaana loo baahanyahay in lagu falanqeeyo kulanka arrimahaa, isagoo tilmaamay ahmiyada ay qaranka u leedahay diyaarinta iyo meel marinta siyaasada qaran ee lagu maamulayo HIV/AIDS.

La Taliyaha Kommishanka Qaranka, Mubaarik Cabdiraxmaan Maxamed Maal, ayaa si qota dheer uga waramay doorka warbaahinta iyo wada xidhiidhka, isagoo shaxaad dheer iyo tusaalayaal ka bixiyay saamaynta ay yeelan karaan haddii aan farrimaha la doonayo in la gaadhsiiyo Bulshada si khaldan loo gudbiyo, taas oo sida uu sheegay noqon karta mid meesha ka saarta ujeeddadii laga lahaa farriinta la doonayay in la gaadhsiiyo Bulshada, sidaa awgeed wuxuu tilmaamay in maadaama ay warbaahintu tahay wadiiqooyinka war isgaadhsiinta, ama wada xidhiidhka loo baahanyahay in mar walba maanka lagu hayo waxa la gudbinayaa in ay yihiin farriinta saxda ah ee loo baahnaa si aannay u noqon mid qaabka loo gudbiyay iyo weedhaha, ama ereyada loo isticmaalay u noqon kuwo ujeeddadii laga lahaa farriinta meesha ka saara.

Sidoo kale, Mubaarik Maal, wuxuu sharaxaadiiisa ku muujiyay tusaalayaal iftiiminaya wada xidhiidhka, ama isgaadhsiinta iyo doorka ay ku leedahay aadamaha ee ay ku wada xidhiidhaan, sidaa awgeed wuxuu ku dheeraaday doorka warbaahinta iyo qaabka ugu wanaagsan ee Bulshada loogu gudbinkaro wax sax ah.

Sidoo kale, Caydaruus Barre ayaa sharaxaad ka bixiyay Qabya qoraalka Siyaasada Qaranka ee la doonayo in lagu maamulo xannuunka HIV/AIDS, oo kulanka lagaga dooday.

 Caydaruus Barre, wuxuu tilmaamay baahida loo qabo in la meel mariyo qabya qoraalka, kaas oo sida uu xusay wax baddan ka taraya dhibaatooyin ka taagan arrimaha la xidhiidha xannuunka HIV.AIDS.

 Buugga Siyaasada qaranka ee qabya qoraalka wada xidhiidhka HIV/AIDS, ayaa loo qaybiyay ka qaybgalayaasha si dooddo uga dhibtaan, iyadoo suxufiyiinta ka qaybgalay kulanka ay ka dhiibteen fekerkooda, isla markaana su’aalo la xidhiidha qabya qoraalka siyaasada ka weydiiyeen, isla markaana waxyaabo kaabis ah oo ay u arkayeen in ay wax ka tarayaan kusoo bandhigeen suxufiyiinta iyo kala qaybgalayaasha kale dooddaha.

Dooddaha ka dhashay kulanka ee lagu faalnqeeyay wada xidhiidhka Bulshada iyo qabya qoraalka siyaasada qaranka ee HIV/AIDS, ayaa muujiyay khatarta xannnuunka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in kor loo qaado doorka wacyigelinta ee ku waajahan xannuunka, iyadoo lagu soo bandhigay tusaalayaal muujinaya qaabka loola dhaqmo dadka xannuunku ku dhaco oo Bulshadu ku samayso takoor iyo faquuq.

 Kommishanka iyo suxufiyiinta ka qaybgalay kulanka ayaa garwaaqsay arrimaha caqabadaha ee jira, isla markaana dooddaha kulanka ayaa lagu soo gebagebeeyay sidii loo sixi lahaa khaladaadka ka dhasha farriimaha la xidhiidha xannuunka ee ay suxufiyiintu u gudbiyaan Bulshada.

Tusaalayaasha la soo qaatay, ayaa qaarkood ahaa kelmedaha marka la gudbiyo warbixinaha, ama farriimaha la xidhiidha wacyigelinta, ama ka warbixinta HIV/AIDS, oo qaar baddan oo ka mid ah suxufiyiintu adeegsadaan ereyga “Dillaa”, iyagoo tilmaamaya xannuunka, taas oo laysla qaatay in ay tahay kelmed aan ku haboonayn in la adeegsado iyo sidoo kale marka laysku khaldo Fayriska sababa xannuunka ee HIV, kaas oo leh ka hortag iyo daawayn sida xannuunada kale, balse kelmadaha khaldan ee loo adeegsado iyo dhaqanka wacyiga Bulshadu ay qayb ka yihiin in fekred khaldan laga qaato xannuunka, sidaa darteed loo baahanyahay in waxyaabahaa meesha laga saaro si kor loogu qaado wacyiga Bulshada ee sababay in takoor lagu sameeyo dadka uu ku dhaco xannuunku, kuwaas oo aan waxba ka duwanayn xannuunada kale ee dadka ku dhaca.

Kulanka oo maanta lasoo gebagebeeyay, ayaa qayb ka ah kulamo kale oo lagu faaqiyo qabya qoraalka siyaasada qaranka ee HIV/AIDS iyo sidoo meel marin lahaa, si loo helo xeerar ciqaab ah iyo shuruuc lagu dabakho dhibaatooyinka la dareemayo ee noqnaya kuwo laga galay dadka uu xannuunku asiibo iyo xadgudubyada ka dhasha arrimahaa oo aan xilligan loo hayn sharci lagu dabakho oo ilaalinaya xaquuqda dadka qaba xannuunka iyo kuwa kale ee goobaha caafimaadka tagga, ama shaqooyinka ay doontaan lagu khasbo in ay soo qaataan warqad caafimaad, iyadoo baadhitaanka HIV/ AIDS shuruud lagaga dhigo shaqada, isagoo aan iskii six xor ah aannay iga iman, dhammaan arrimaaha laysla qaatay in siyaasada qaranka Kommishanku soo bandhigeen ay furre u noqonay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com