#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa ka hadlay arrimo muhiim u ah bulshada Somaliland iyo dadyowya kale ee xiisaynaya inay ku noolaadaan Caasimadda Hargeysa.

Maayar Cabdikariim, wuxuu si gaar ah farriin ugu diray dadka kasoo jeeda deegaanka Gobolka Sool, isagoo farriintiisu daba socoto kaddib markii ay soo baxeen warar Baraha lagu faafiyay oo ahaa dacaayado iyo been abuur la doonayay in Bulshada laysu bahala geliyo, iyadoo laga dhigayo in dadka reer Laascaanood lagu hadiday Hargeysa.

Hase yeeshee Maayar Cabdikariim Mooge, wuxuu arrimahaa ku tilmaamay dacaayado been abuur ah oo aan suurtagal ahayn, isagoo si cad u sheegay in aannay waxba ka jirin wararka beenta ah ee la xidhiidha cabsi gelinta dadka kasoo jeeda Laascaanood.

“Ma jirto cid reer Laascaanood ah oo Hargeysa lagu haddiday,amma dhibaato loogu geystay, waxaase jira borobagaando lagu cabsigelinayo dadka, sidaa awgeed waxaan u sheegaynaa dadka reer Sool iyo qof walba oo Somaliland ah, ama dadyowga kale in Hargeysa ay tahay Caasimaddii Somaliland oo ka dhaxaysa bulshada, mana jirto cid ka sheegan karta dadka gobolada kale ka yimi.”

Maayar Mooge, wuxuu ugu baaqay dadka reer Sool ee degan Caasimadda iyo kuwa danaynaya inay soo degaan in ay soo dhowaynayaan, isagoo xusay in haddiiba uu jiro qof reer Sool ah oo dareen shaki oo la xidhiidha amaankiisa inuu lasoo xidhiidho xafiiska dawladda Hoose ee Hargeysa iyo hay’addaha amniga si wax looga qabto arrinta uu ka shakiyay, amma cabsida gelisay haddiiba ay jirto.

“Hargeysa, waa magaalada ugu nabdoon Somaliland, waana Caasimadii Somaliland, waxaan soo dhowaynaynaa dadka gobolada kale haddii ay danaynayaan inay soo degaan, waxaana balan qaadanaynaa amaankooda, ama Laascaanood ha ka yimaadeen, amma hore haw joogeene.” Ayuu yidhi, Maayar Cabdikariim Mooge.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com