#Araweelo_News_Network.

 

Djibouti(ANN)-Xukuumadda Dalka Djibouti, ayaa ku tilmaantay marin habaabin iyo eeddayn aannay wax lug ah ku lahayn oo la been abuuray in Djibouti ay lug ku leedahay waxa ka dhacaya Magaalada Laascaanood ee guddaha Somaliland.

Xukuumadda Dalka Djibouti oo ka jawaabaysa warar aan sal iyo raad lahayn oo baraha bulshada la wareejinayay maalmihii u danbeeyay, kuwaas oo lagu sheegayay in xukuumadda Somaliland ka dalbattay in ay dhexdjhexaadiso Garaadadda gobolka Sool, ayaa si cad u benisay warkaa, waxayna sheegtay in aannu jirin codsi, amma dalab uga yidhi xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha arrinta Laascaanood.

Sidaana waxa Bariisa Twitter ku beeniyay Wasiirka Arrimaha dibadda  dalka Djibouti Maxamuud Yuusuf Cali , isagoo qoraal kooban oo uu arrintaa kaga hadlay in aannay gebi ahaanba jirin wax codsi ah oo Somaliland kaga codsatay dawladda Djibouti dhexdhexaadinta xaaladda Laascaanood.

Sidoo kale, Maxamuud Yuusuf Cali wuxuu sheegay inDjibouti ay kusii adkaysan doonto siyaasaddeeda derisnimo iyo doorkeeda ku aadan dhexdhexaadnimada arrimaha gobolka, sidaa awgeed aannay waxba ka jirin arrintaa.

“waxa baraha bulshada dhex socday maalmihii u danbeeyay marinhabaabin ballaadhan, oo dalkayga Djibouti lagu eedaynayay inuu ka qayb qaatay waxa Laascaanood ka socda. Waxaas oo dhami waa been la buunbuuniyey, si Djibouti loogu diro waddamada la jaarka ah”ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti, Maxamed Yuusuf Cali.

Dhinaca kale, dhowaan ayay ahayd markii Urur goboleedka IGAD, shegeen in arrinta xukuumadda Somaliland iyo Garaaddada Sool ay u wakiisheen Madaxweynaha Djibouti si aannay xaaladdu isugu beddelin dagaal, taas oo aan la ogayn halka ay ku danbaysay.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com