#Araweelo_News_Network.

Hargyesa(ANN)-Collaada ka alloosan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa gashay maalintii saddexaad wixii ka danbeeyay markii ay wiiqantay xabad joojinta shuruud la’aanta ah ee xukuumadda Somaliland ku dalbatay in lagu joojiyo Dagaalka.

Dhinaca Garaaddada deegaanka Sool, ayaa dhankooda soo dhoweeyay  dhawaaqa xukuumadda Somaliland ee xabad joojinta saddex maalmood ka hor, balse baaqa xabad joojinta ayaa noqday hal baxaad lagu lisay, kaddib markii dagaalku dib u bilaabmay, iyadoo uu socday saddexdii maalmood ee u danbeeyay, isla markaana sida ay wararka ay shebekaddaha Araweelo News Network ka heshay halkaa sheegayaan inuu dagaalku maanta halkii kasii socday, iyadoo habeenimadii caawa laga soo sheegayo dagaal ka socda Magaalada Laascaanood, wallow aannay labada dhinac midkoodna ka hadlin, balse waxa la xaqiijiyay inuu jiro khasaare dhimmasho iyo dhaawac.

Laxidhiidha: Xukuumadda Iyo Ururrada Siyaasadda Oo Ku Heshiiyay Xoojinta Baaqa Xabad Joojinta, Gurmadka Dadka Sool Iyo Qodobo La Xidhiidha Doorashada

Hase yeeshee dhinaca kale, waxa isa soo taraya dhawaaqyo nabadeed oo lagu boorinayo xukuumadda Somaliland iyo dhinaca kale ee Malayshiyada kasoo horjeeda in la joojiyo dagaalka, isla markaana nabad lagu soo dabaalo xiisadda collaada.

Culimada Somaliland oo Isniintii Maanta ka hadlay Magaalada Hargyesa, ayaa si adag uga booriyay labada dhinac ee xukuumadda Somaliland iyo Malayshiyada deegaanka ee kula jira dagaalka in la joojiyo xabada.

Laxidhiidha: Laascaanood: Xabad Joojinta Wiiqantay Jawaabta Xukuumadda Somaliland Iyo Garaadada

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre oo ka mid ah Culimada Somaliland ee aad looga yaqaan dhulka Soomaalida, ayaa warbaahinta ka akhiray Bayaanka ay soo saareen ayuu sheegay inuu ku waajahanyahay Xukuumadda Somaliland, Garaaddada iyo Isimada gobolka Sool, Bulshada Soomaaliyeed, Qurbajooga, Warbaahinta iyo Baraha Bulsjada.

Qodobada Bayaanka Culimada, ayaa lagu xusay in labada dhinac sida ugu dhaqsaha baddan u joojiyaan dagaalka, isla markaana la hirgeliyo xabad joojinta.

“Waxa lagu jiraa Bishii rajab oo ka mid ah Bilaha xurmada leh ee Nebigeeni Maxamed CSW, inoo sheegay, waa in la joojiyaa dhiiga daadanaya. waa in la hirgeliyaa tallaabo kasta oo dhiirigelinaysa xabad joojinta.”

Culimada, ayaa sidoo kale, ku sheegay Bayaankooda in ay ugu Baaqayaan labada dhinac in wixii khilaaf ah ee jira lagu dhammeeyo wadahadal iyo wada-xaajood ku salaysan shareecada Islaamka, iyagoo xusuusiyay Bulshada Soomalida in dagaaladii mudada dheer ka socday  Soomaalida dhexdeeda  aan laga faa’idin waxaan khasaare ahayn, sidaa awgeed waxay Bulshada Soomaalida, qurbajooga  iyo weliba dadka isticmaala Baraha Bulshada ugu baaqeen inay Allah ka cabsadaan oo ka qayb qaataan daminta collaada iyo taakulaynta dadka ka qaxay collaada oo ay sheegeen in ay doorkooda ka qaadanayaan culimadu si loo joojiyo collaada.

Sidoo kale, Baaqyo nabadeed oo lagu dalbanayo in la joojiyo collaada, ayaa kasoo baxaya qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland iyo qaybaha kale ee Bulshada, kuwaas oo dhammaantood ku booriyay xukuumadda Somaliland iyo Garaaddada gobolka Sool.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com