#Araweelo_News_Network.

Laascaanood(ANN)-Xabad joojinta lagu dhawaaqay ee Xukuumadda Somaliland iyo dhinacyada kasoo horjeeda ee Magaalada Laascaanood, ayaa wiiqantay, kaddib markii maanta barqadii sida ay warar ka imanaya xarunta gobolka Sool sheegayaan uu dagaalku dib u  bilaabmay.

Saaka barqadii ayaa laga maqlay mar kale dayaanka rasaasta,iyadoo dagaalka maantii Lixaad dhacay uu sababay khasaare dhimmasho iyo dhaawac,  balse xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aannay waxba iska bedelin xabad joojinta aan shuruuda lahayn ee ay hore ugu dhawaaqday, wallow ay ku eeddaysay dhinaca kale inay jebiyeen.

Dhankooda Garaadada Gobolka Sool iyo Odayaasha ayaa soo dhoweeyay xabad joojinta, balse waxa muuqata in aannay xabad joojintu ahayn mid cagpo adag ku taagan, iyadoo xukuumadda Somaliland war ay maanta oo Sabti ah soo saartay ku sheegtay in aann mawqifkeeda xabad joojinta waxba iska bedelin.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku eeddaysay Garaaddada ku sugan magaalada Laascaanood iyo maleeshiyada deegaanka oo ay sheegeen inay weheliyaan kooxo kale oo dibadda kaga yimi inay buriyeen kana baxeen xabbad joojita ay labada dhinacba shaaciyeen xalay, iyadoo dhankeeda xukuumadda Somaliland sheegtay subaxnimadii saaka weerar ay kusoo qaadeen malayshiyadu fadhiisimada Ciidamada Qaranka, sida xukuumaddu ku sheegtay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii  ahaa xabad joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska beddelin.”

“Xukuumadda JSL wax ay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn  ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii. Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaar u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL.”ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeedka.

 

Garaadada, ayaa dhankooda sheegay in lagu soo garaacay Madaafiic oo ay ku dhinteen ugu yaraan Nin Dhakhtar ah, oo Magaciisu ahaa Dr. Cabdisalaan Muuse Siciid, kaas oo ku sugnaa Cusbitaalka Gargaar, sida uu sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali, “Xabad joojintu haddii aannay ahayn siyaasad waanu soo dhowaynaynaa, annaguna waxaanu nahay dad xakamayn kara oo fulin kara xabad joojin, waana in aa ka bixisaan raali gelin Argagixisada aad nagu sheegteen” ayuu yidhi, “waana in Ciidankiina aad ka fogaysnaa ciidankiina ayuu raaciyay.

 

Hase yeeshee Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood aannu ahayn tabasho ay tirsanayaan bulshada ku dhaqan gobolka Sool, waxayna taas bedelkeeda sheegtay inuu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin cadowga Somaliland oo ay ugu horreeyaan Kooxaha Argagixisada, iyagoo dhinaca kale ka digay ciidamo ay maamulka Puntland soo dhoobbeen xadka Tukaraq ee duleedka Garoowe.

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,  waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u cadaynaysaa bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagani tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Soomaaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ah” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka.

 

Hase yeeshee Xukuumadda  Somaliland, waxa ay  sheegtay in ay u cadaynaynayso mar kale bulshada Soomaaliland iyo caalamka sida  ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta Xabad joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay ay  ku dhawaaqday,  kana go’antahay dhaqangalinta Xabad joojintaasi.”  ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com