Araweelo News Netowrk

silanyo2Hargeysa (ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah uga jawaabtay dhawaaqii dalalka qaadhaan-bixiyeyaashu kaga soo horjeedsadeen in la kala qaado labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, kuwaasoo ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka laabto go’aankiisa, haddii kalena aanay bixin doonin wixii dhaqaale ah ee khuseeya kala reebista doorashooyinka.
Warsaxaafadeed isku mid ah oo ka soo kala baxay xarunta Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland xalay, ayaa lagu caddeeyey in go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho yahay mid ku salaysan shuruucda iyo duruufaha dhaqan ee ka jira Somaliland, kaasoo u qornaa sidan;
“Ujeedo: Jawaab-Celin ku socota Bulshada Caalamka, Arrinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silanyo go’aankii uu qaatay in uu dib u dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada, wuxuu ahaa go’aan uu si qoto dheer uga fikiray, sharci ah oo haysta taageerada bulshada, isla markaana salka ku haya Distoorka Qaranka, duruufaha siyaasadeed iyo kuwa farsamo ee haatan ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Arrinta dib-u-dhigista doorashooyinka Golaha Wakiillada, arrimaha uu ku go’aan qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa;
a. Ka dib markii uu daliishaday Qodobka 8aad farqadiisa 1aad iyo 2aad; Qodobka 22aad iyo Qodobka 90-aad ee Distoorka Qaranka Somaliland.
b. Ka dib markii uu cuskaday qaraarkii ay Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ahi ka soo saartay doorashooyinkii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, kaas oo nuxurkiisu ahaa in saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee xilligaa hal mar oo keliya doorasho lagu galo, wixii ka dambeeyana saami-qaybsiga lagu salayn doono tiro-koob guud oo dalka laga qabto,
c. Ka dib markii uu gar-waaqsaday saluuga ka soo yeedhay bulshada ku nool Gobollada Awdal, Sool, Sanaag iyo Maroodi-jeex iyo cabashada ay muujiyeen Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee la xidhiidha saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
d. Kadib markii uu tix-raacay go’aankii ay wadajirka u soo saareen Axsaabta Qaranka ee ay Madaxweynaha kalsoonida buuxda ku siiyeen in uu go’aan ka gaadho arrinta saam-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib markii ay saddexda xisbi ku adkaatay in ay talo midaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan.
e. Kadib markii uu yaqiinsaday muhimadda ay Qaranka u leeyihiin dedaalada loogu jiro nabadaynta iyo dib-u-heshiishiinta Qaran ee haatan ka socda Gobollada Sool iyo Sanaag,
f. Ka dib markii uu gar-waaqsaday baahida weyn ee loo qabo in ay dalka ka qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada Somaliland ka wada qaybgalaan,
g. Ka dib markii uu arkay in ay lagama maarmaan tahay in la helo waqti ku filan si arrimaha kor ku xusan loo dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeeladba ku dhisan,
3. Muran kama taagna in Golaha Wakiilladu uu muddo-dhaaf yahay,
4. Sidoo kale, waa arrin gar ah in ay muwaadiniintu helaan xuquuqdooda distooriga ah si ay ugu codayn karaan ciddii ay u doortaan inay iyaga u metalaan Golaha Wakiillada Somaliland
5. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah in Bulshada Caalamku ay si weyn u maal-galiyeen dhammaanba doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo aannu ka mahad-celinayno abaalna ugu hayno Beesha Caalamka,
6. Hase ahaatee, nuxurka iyo mucda arrintu maaha taa!! Arrintu waxay tahay: Ma waxaynu qabanaa doorasho muddaysan oo ay danaynayaan Bulshada Caalamku, taas oo ku qabsoonta xilligii ay u qoondeeyeen? Mise waxaynu qabanaa doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ka wada qaybgalaan oo ku habboon wadciga, waayaha iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalkeena?
7. Mugdi kuma jiro dariiqa iyo sida aynu doonayno: Waxaannu doonaynaa inaan qabano doorasho sax ah oo ku qabsoonta waqti iyo xaalad ku habboon!! Laakiin ma doonayno in aynu qabano doorasho sax ah oo la qabto xilli iyo xaalad aan ku haboonayn!!
8. Dabcan waqtiga doorashadu waa muhiim, laakiin marka loo eego qaabka iyo hannaanka ay doorshooyinku Somaliland uga qabsoomaan, waqtigu maaha ka ugu muhiimsan ee leh muhimadda koowaad.
9. Arrimaha Qaranka Somaliland mudnaanta koowaad u lihi waa nabadda iyo xasiloonida, midnimada iyo wada-jirka ummadda, kuwaas ayaa saldhig u ah inay qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iska wada dhex arkaan.
10. Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo waa Madaxweyne si xor ah ay u doorteen aqlabiyadda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Go’aan kasta oo Madaxweynuhu gaadho iyo tallaabo wal oo uu qaado (ha adkaadeen ama ha fududaadeene) waxa saldhiga u ah waa danaha Qaranka iyo maslaxadaha ummadda. Sidaa darteed, Madaxweynuhu isagoo ka duulaya sida ugu habboon ay danaha ummaddu ku aslaxayaan wuxuu go’aamiyey:
a. In aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu geli karin nidaamka saami-qaybsiga Kuraasta Gobollada ee haatan jira,
b. In Doorashada Madaxweynennimada la qabto waqtigii loogu talo galay, 28 March 2017,
c. In dib loo dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyadoo la raacayo nidaamka iyo xeerarka u dhigan. Taasoo macnaheedu tahay in ugu horraan Madaxweynuhu qoraal codsi ah u gudbiyo mudanayaasha Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan. Ansixinta kaddib, Madaxweynuhu qoraal u diri doona Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaddibna waxa loo gudbin doonaa mudanayaasha Golaha Guurtida si ay uga soo talo bixiyaan.
11. Bulshada Caalamku ha naga taageeraan ama yaanay naga taageerine, waxa naga go’an in Doorashada Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiilladuba ay ku qabsoomaan xilliga loo muddeeyo, inkasta oo aanu weli naawilayno in Bulshada Caalamku ay gacan naga siin doonaan labada doorashaba.
12. Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aannu dhaqanka u leenahay, kaasoo ah wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aannu annagu leenahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu. Sida ay awalba yeeli jireen, waxaannu ku rajo weynahay in Bulshada Caalamku ay arrimahayaga nagu tix-gelin doonaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland iyo Wasaaradda Khaarajiga xalay, kaasoo ku qornaa luqaddaha Soomaaliga iyo Ingiriisi.