Araweelo News Network

gadhigabaskaee-la-bedelayunbalaskaRiyadh(ANN)Nin u dhashay dalka Sucuudiga, ayaa baabuur bas ah u beddelay dhoolli (ambulance) xawaarihiisu dheereeyo oo bukaanka si degdeg ah loogu geyn karo cusbitaalka.
Mr. Osama Al-Fallali ayaa sheegay inuu bilaabay inuu dhoolligan aan noociisa hore loo arag ah sameeyo, kadib markii saddex sanno uu goob-joog u ahaa shil gaadhi oo sababay dhaawaca shan qof.
“Dhoolliyaal dhawr ah ayaa goobta la keenay, maxaa yeelay tirada dadka ee dhibbanayaasha ayaa aad u badan. Waxa ay soo gaadhaan xilli dambe, kadibna sababaan buuq waddada ah. Dhoolliyaashu uma qalabaysna hab saamixi kara in bukaanka lagu dhex daweeyo,” ayuu yidhi al-Fallali oo in badan goob-joog ka ahaa dhibaatooyinka shilalka.
Kadib markii uu shaqada ay qabtaan dhoolliyaasha jira saluug ka muujiyey, waxa uu isku hawlay inuu iskii u sameeyo bas xawaarihiisu dheereeyo, qofka muddo lagu dhex hayn karo, daawadiisuna u dhammaystiran tahay oo sida ambalaaska u samaysan.
“Waa in ay jiraan xalal degdeg ah oo lagaga baxayo ku filaasho la’aanta dhoolliyada. Bukaanku waa inuu daawo ku dhex helaa dhoolliga haddii timaad dhib amma cidhiidhi waddada ah si inta uu sii socdo xaaladiisu aanay u xumaan,” ayuu yidhi Al Fallali.
Waxa uu intaa ku daray, markaas kadib inuu bilaabay in uu ka fikiro dhoolli tiknoolajiyadda hadda la shaqaynaya oo adeeg caafimaad oo fiican laga heli karo, cilmi-baadhis dheer oo uu sameeyeyna ku eegay dhoolliyaal badan oo caalamka ka shaqeeya wuxuu aakhirkii soo saaray mid uu isagu ikhtiraacay.
“Basku waxa uu markaliya qaadi karaa lix bukaan. Waxa uu ku qalabaysan yahay qalabka caafimaad oo tiknoolajiyadda ugu dambaysay ah. Waxa aan awood u helay inaan ruqsad u helo, waxana intii xajka baska isticmaalaysay Hay’adda Bisha Cas (Red Crescent),” ayuu yidhi al Fallali.
Wasiirka Caafimaadka Sucuudiga Dr. Towfiq Al-Rabiah, ayaa muwaaddinkan ku ammaanay hal-abuurnimada iyo maskax-wanaagga uu muujiyey ee uu dalkiisa ku soo kordhiyey dhoolligan casriga ah oo dhinaca adeegag caafimaad wax badan uga taray waddanka.