Araweelo News Network

silanyolast

Hargeysa (ANN)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka digtay saamaynta uu yeelan karo mudahaaraad la sheegay in dad u dhashay dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya iyo xubno tiro yar oo muddaaniniin reer Somaliland ah doonayaan inay hordhigaan safaaradda dawladda Imaaraadku ku leedahay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska maalinta Khamiista, kaasoo ka dhan ah heshiiska saldhigga millatari ee Imaaraadka laga siiyey Berbera.
Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa sheegay inay wadaan mudaharaadkaasi shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo aaminsan fikirka Soomaali-weyn iyo safaaradda Soomaaliya ku leedahay London, waxaannu meesha ka saaray in isu-soo-baxaasi haba yaraatee wax ka beddeli doono heshiiska dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta.
“Mudaharaad waa laga dhigi karaa Somaliland iyo dalal kale ee ku dhaqma dimoqraadiyadda, laakiin haddii uu yahay mudaharaadku mid siyaasadeed oo ay dabada ka riixayaan xoogag ka soo horjeeda Somaliland oo neceb qarannimada, jiritaanka, horumarka iyo dimoqraadiyadda Somaliland oo ay ugu horreyso dawladda Soomaaliya iyo safaaradeeda London ayaa wada mudaharaadkaas.
Dad shaqsiyaad ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo aannu u garanayno hebel iyo hebel oo aan calaamad xisbi iyo mid qarannimo midna haysan, balse dhuuni-raac ah, isla markaana u ololeeya fikirkii hore ee dhintay ee Soomaali-weyn ayaa waxay food-saare ka dhiganayaan saldhigga Imaaraadka ee Berbera, waxaanay qabanqaabinayaan in 2-da bisha March ay mudaharaad ka dhigaan safaaradda dawladda Imaaraadku ku leedahay dalka Ingiriiska. Haddii taasi dhacdo waa markii u horreysay ee calanka Somaliland iyo calanka Soomaaliya inta la isku nabo mudaharaad lagu wada sameeyo. Waa ceeb. Waa wax qaranimadeenna, ummadnimadeenna iyo halgankii dalkan loo soo galay ka soo horjeedda in shaqsiyaad Somaliland sheeganayaan ay la mudaharaadaan oo ay calankii buluugga ahaa gacanta ku qaataan,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo waraysi kooban siiyey telefishan la yidhaa RTN .
Mr. Dayr waxa uu tilmaamay in mudaharaadkaasi wax saamayn ah ku yeelan karo heshiiska saldhigga millatariga Imaaraadka ee Somaliland ka siisay madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaannu yidhi, “Haddii xataa la dhigo mudaharaadkaasi waxaan halkan ka caddaynayaa in siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, diblamaasiyad ahaan iyo nabadgalyo ahaanba wax allaale iyo wuxuu ka beddelayo aragtida horumarka ku aaddan ee Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay iyo heshiiysada ay la gashay Imaaraadka habayaraatee aannu jirin.”
Waxa kaloo uu farriin baaq ah u diray qurba-joogga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo guud ahaan adduunkaba, waxaannu xasuusiyey inay yihiin wakiillo u maqan dal iyo dad dhibaato badan soo maray oo xaqoodii ka waayey beesha caalamka, isla markaana waxa mideeya oo ah qaranimadu ka wayn tahay xafiilkan hoose ee ku salaysan tartanka xisbiyada siyaasaddu ugu ordayaan xukunka, isagoo u soo jeediyey inay sameeyaan tallaabooyin ay kaga soo horjeedaan qorshaha cadowga dalkoodu wado, waxaannu yidhi, “Dadweynaha qiimaha leh ee reer Somaliland ee ku nool carriga Ingiriiska waxaan xasuusinayaa inay iska jiraan in iyaga la iska horkeenno, inay iska jiraan wax kastoo burburinaya dalkooda iyo horumarka ummadda Somaliland ku tallaabsatay.
Haddii mudaharaadkaasi dhaco waxaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan UK kula talinayaa in iyaguna mudaharaad salmi ah oo taageero ah ka hordhigaan safaaradda Imaaraadka ee London iyagoo u muujinaya in dawladda Imaaraadku tahay dawladdii u horreysay ee ku dhiirrata mashaariic waawayn oo intaa le’eg oo ay ka mid tahay DB World iyo saldhigga Berbera ay ka hirgeliso Somaliland iyadoo aan ku xidhin ma la idin aqoonsan yahay.
Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxtooyada waxa uu meesha ka saaray in xaalad caafimaad la soo daristay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo hadda fasax ku jooga dalka Ingiriiska, waxaannu faafinta wararkasi ku eedeeyey siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka, “Beryahanba waxa warbaahinta ku jiray hadallo buunbuunin iyo been abuur ah oo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradku dabada ka riixayaan oo ah in Madaxweynihii qalliin lagaga samaynayo madaxa, in qoyskiisu isku haysto in la qalo iyo in aan la qalin, arrimahaasi waa warar aan sal iyo raad lahayn, Madaxweynuhu wuxuu u baxay fasax nasasho uu ku soo qaadanayo gurigiisa magaalada London sida madaxweynayaasha caalamkuba xaq ugu leeyihiin inay fasax tagaan ayuu u maqan yahay Madaxweynuhu ee xaalad caafimaad iyo xaalad degdeg ah oo isaga iyo qoyskiisa midna la soo deristay ma jirto, markaa anigoo ku hadlaya afkiisa waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuu caafimaad qabaa, wax qalliin ah oo uu galayaana habayaraatee ma jiro, cudurka iyo caafimaadkana Ilaahay baa haya, marka uu fasaxiisa soo dhammaystana dhowaan dalka ayuu ku soo noqon doonaa haddii Alle idmo,” ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Aadan Cige.