Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa amar ku bixiyey in Maxkamadda la horgeeyo masuuliyiinta Wershadda magaceedu yahay U-fresh Interperise oo ku taal caasimadda Hargeysa, kadib markii la caddeeyey in maadooyin sun ah(contamination) laga helay qaar ka mid ah badeecadaha ay soo saarto oo isugujira cabbitaanka iyo cuntooyinka fudud, kuwaas caruurtu isticmaalaan.

 Sidaana waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaga dhawaaqay khudbad uu ka jeediyey carwadda ganacsiga Somaliland ee laga furay magaalada Hargeysa maalintii Axadda ee toddobaadkan, isagoo sheegay in shaybaadh dalka dibaddiisa ah lagu soo baadhay badeecadaha ay wershaddaasi soo saarto, iyadoo natiijada ka soo baxdayna ay noqotay wax aad looga argagaxo.

Muuqaalka Dhismaha Wershadda U-fresh Interperise ee Somaliland laga mamnuucay.
Muuqaalka Dhismaha Wershadda U-fresh Interperise ee Somaliland laga mamnuucay.

“Waxa jira Wershad dalka laga sameeyey oo sameeya cunto iyo cabbitaan oo markii(badeecadaha wax-soo-saarkooda) loo qaaday shaybaadh caalamka ah (laboratory)ee aannu soo baadhnay, aad argagaxayso oo liisan ayuu ka soo qaatay(Wasaaradda) Ganacsiga, waxaannu soo maray Rugta Ganacsiga oo waxay yidhaahdeen; “Wershad ayaannu samaynaynaa oo sidaas ayaan samaynayaa.” Waanan ku aaminnay, markii uu wixiisii (wax-soo-saarkii Wershadu) soo baxay ee la soo baadhayna, waad argagaxaysaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

 Wuxuuna intaas ku daray; “Waxa aan amar ku siiyey Hay’adda Hubinta Tayada (Qualitycontrol) iyo Booliskaba in ay dhammaanba warshadaas soo xidhaan, qalabkoodanalaga soo ururiyo suuqyada, welibana la geeyo Maxkamadda, waayo (masuuliyiintawarshaddu) aqoonteeda ayey u lahaayeen inay waxaas oo kale ku soo daayaan waxaay dadku cunayaan iyo waxa ay cabbayaanba.”

sharaabka ay soo saarto Wershadda U-fresh Interperise ee Somaliland laga mamnuucay.
sharaabka ay soo saarto Wershadda U-fresh Interperise ee Somaliland laga mamnuucay

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay waajibka u tahay in bulshada laga iibiyo badeecado tayo leh oo u qalma caafimaadka iyo bad-qabka dadka rayidka ah, waxaannu yidhi; “Waxa loo baahan yahay wax kasta oo gaadhaya qofka caadiga ah (shicibka) ee laga iibinayo in ay tayadiisu tahay wixii uu ku qoray boodhkiisa (avertisement board) ee lagu xayeysiiyey oo haddii uu yahay cusbitaal oo uu soo xayeysiiyey inuu wadnaha qalayo in ay sax tahay waxaas uu qalayo oo uu aqoonteeda u leeyahay, taasina waa masuuliyad ina wada saaran. Haddii uu dab (laydh) u gelinayo waa in uu dabku (korontadu) tahay mid badaado ah oo aannu gurigiisu ku guban oo dariiqa uu laydhku marayo yahay aamin, tayadiisuna fiican tahay oo aannu ahayn laydh (koronto) daciif ah, qiimana uu qaadi karo, waana taas arrinta aynu doonayno, waana masuuliyadda lagu aaminay ganacsadatiina ee la idiinka dambeeyo, la idinkuna ixtiraamayo.”

Waxa kaloo uu Madaxweynaha Somaliland sheegay in dowladda uu xil weyn ka saaran yahay sidii loo ilaalin lahaa, isla markaana loo hubin lahaa tayada badeecadaha loogu talogalay in laga iibiyo bulshada.

“Dowladda xil ayaa saaran oo (marka ay noqoto dhinacyada) caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo laydhka, in ay dadku helaan wax tayo leh oo waxa soo gaadha oo ah waxa ay cunayaan, waxa ay huwanayaan iyo waxa ay ku shaqaysanayaan waa inuu noqdo tayo caafimaad qabta oo dadka soo gaadha, masuuliyadda hubinta (control) arrintaasna waxa leh dowladda, idinka ayaa u dhiibtay oo u doortay dowladda inay ilaaliso dadka dantooda, laakiin waxa aannu ku kalsoonnahay oo aannu qabnaa in ganacsatadu ay cid walba uga lexejeclo badan yihiin oo ay tayadaas wanaajin doonaan, waanan ka wadahadli doonaa haddii ay wax soo baxaan.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo saxaafadda la hadlay, ayaa sidoo kale caddeeyey in badeecado ka mid ah wax-soo-saarka Warshadda U-fresh Interperise laga helay waxyaabo aan u fiicnayn caafimaadka dadka oo waxyeelo u gaysan kara cidda isticmaasha ama cunta.

“Waxaaannu soo xaqiijinay in wax la yidhaahdo; CONTAMINATION.’(summaysan ama wasakhaysan) oo wasakh oo kale ah oo waxyeeli karacaafimaadka bulshada, waxaanan go’aansanay in alaabta ay warshaddu soo saartayee suuqa ku jirta la joojiyo (oo aan la isticmaalin), lana hakiyo hawlaha shaqoee warshadda, iyaguna (mulkiilayaasha Warshadu) markii aannu warbixinta u gaynayway aqbaleen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadu.

Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey asbaabaha ay u cuskadeen in la xidho Warshadda U-fresh Interperise, waxaannu yidhi; “Hay’adda Dhawrista Tayadu, iyadoo gudanaysa waajibkeeda ka saaran ilaalinta tayada agabka iyo anfaca, sida uu dhigayo xeerka Hay’adda Dhawrista Tayadu, waxa ay baadhitaan ku samaysay Warshadda U-fresh Interperise oo ku taal magaalada Hargeysa, kadib cabashooyin badan ay ka yimaadeen, si loo hubiyo, loona xaqiijiyo tayada iyo fayoobaanta agabka ay soo saarto warshaddaasi, Guddida Dhawrista Tayadu markay arkeen qodobka 7-aad, farqaddihiisa 9-aad,10-aad, 11-aad ee Xeer Lr. 68 (Xeerka Hay’adda Dhawristab Tayada). Markay arkeen qodobka 11-aad, farqaddiisa 1-aad, 2-aad ee Xeer Lr.68, markay arkeen qodobka 39-aad, farqaddiisa 12-aad ee xeerkaas, weliba xarfihiisa B iyo T ee xeerkaas. Markay arkeen, kuna qanceen natiijada uu soo saaray shaybaadh caalami ah oo ku yaal dalka dibaddiisa markii ay allaabtan baadheen ee ay arkeen dhibaatada caafimaad ee uu keeni karo agabka ay soo saarto Warshadda U-Fresh Interperise. Markii ay wada-tashi ballaadhan sameeyeen, waxa ay ku qanceen in laga bilaabo maanta oo ah Axad, ay taariikhdu tahay 09 December 2018, la joojiyo in la isticmaalo, la iibiyo, la dhoofiyo, lana qaybiyo badeecadaha ay hore u soo saartay Warshaddu oo laga saaro, loogana soo ururiyo suuqyada, taas ayaannu go’aansannay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland.