Araweelo News Network.

Ceergaabo(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hoggaamnaya wefdi culus oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif iyo masuuliyiin kale oo isugu jira wasiiro saraakiil kale, ayaa ka degey Magaalada Ceergaabo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa safar dhinaca hawadda ah ku gaadhay Magaaladda Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag, iyagoo diyaarad ka raaacay saaka Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa (Egal International Airport), waxaana halkaa kusoo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa masuulyiinta gobolka , Badhasabka Gobolka Axmed ICabdi Muuse (Axmed Isdeber), maayarka Ceergaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Odayaal, waxgarad, Haween iyo dhalinyaro.

Waxa xusid muddan in ay Madaxweynaha kaga sii horeeyeen Magaalada Ceergaabo ilaalada Maadxtooyadda iyo saraakiil Madaxtooyadda ka tirsan oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo xukuumadda ka mid ah, kuwaas oo usii gogol xaadhayay safarka Madaxweynaha.

Madaxweyne Biixi, wuxuu safarkiisu noqonayaa kii labaad ee uu gobolka Sanaag ee ugu baaxada weyn dalka ku tago muddo Afar sannadood iyo dheeraad ah, tan iyo markii uu xilka la wareegay dabayaaqadii 2017, wuxuuna safarkiisu kusoo beegamayaa xilligan, iyadoo uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo ka taagan doorashada Madaxtooyadda oo ku beegan 13 November 2022, wuxuuna khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Biixi iyo labada xisbi mucaaard ee WADDANI iyo UCID, sababay in qayb ka mid ah Bulshada Magaalada Ceergaabo dareen diidmo ah u muujiyaan Madaxweynaha, kuwaas oo afuufayay Siidhi, isla markaana ku dhwaaqayay “waxaanu doonaynaa doorasho.”

Hase yeeshee ciidamada Booliska iyo maamulka gobolka ayaa si debecsan ula tacaamilay dadkaa wadooyinka taagnaa ee dareenkooda diidmada muujinayay, mana jirin wax rabshado ah oo isu soo baxa dadkaasi sababay, kuwaas oo markii Madaxweynaha iyo wefdigiisu dhaafeen iska kala hoyday.

Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi, oo xadhiga ka jaray dhismaha  Madaxtooyadda laga dhisay Magaalada Ceergaabo, ayaa la hadlay Odayaasha , waxgaardka iyo dadweynaha Ceergaabo qaarkood, wuxuu uga mahadceliyay soo dhowaynta loo sameeyay, mana soo hadal qaadin dareenka ay muujiyeen dadka saaka wadooyinka tubnaa iyo weedhihii ay ku dhawaaqayeen, balse wuxuu sheegay in xukuumad ahaan ay ugu yimaadeen sidii gobolka Sanaag oo ka baddan balac ahaan iyo bed ahaan dhulka Somaliland saddex meelood oo meel, isla markaana caan ku ah Xoollaha, Beeraha, Kaluunka, Uduga iyo khayraadka kale ee Bad iyo beriba, Taariikh fac weyna leh ay xukuumad ahaan soo booqdeen.

Lama sheegin inta uu qaadanayo safarka Madaxweynuhu, balse Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed ICabdi Muuse (Axmed Isdeber), oo hadal ka jeediyay munaasibada soo dhowaynta Madaxweynaha, ayaa sheegay in muddada uu joogo Madaxweynuhu xadhiga ka jari doono mashaariic waaweyn oo gobolka ay xukuumaddu ka hirgelisay, wuxuuna uga mahadceliyay sida ay Odayaasha, waxgaardka iyo dadweynaha kaleba usoo dhoweeyeen Madaxweynaha iyo wefdigiisa, isagoo xusay Badhasaabka Sanaag iyo Madaxweynuhu muddada uu joogo kulamo iyo shirar la yeelanayo maamulka gobolka, Odayaasha  iyo Madaxdhaqameedka.

Sidoo kale, Maayarka Ceergaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisa uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Magaalada Ceergaabo iyo dadweynaha iyo madaxdhaqameedka Ceergabo ee soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur, wuxuu sheegay in kulamada Madaxweynaha iyo wefdigiisa ay danbayn doonaan, balse maanta ay tahay soo dhowayn oo keliya.

Muuqaalkan Ka Daawo

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com