Araweelo News Network.

Haddii aan degdeg loo soo deyn saraakiisha ka xidhan labada Xisbi iyo suxufiyiinta Gobollada Dalka Oo Dhan Mudaharaad Ayaanu Ku Qabanaynaa” Afhayeen u Hadlay Mucaaradka

Hargeysa(ANN)-Afhayeen u hadlay axsaabta mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ayaa sheegay in aannay wax wadahadal ah la yeelayan xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo, isagoo sabab uga dhigay in aannay muuqan wax natiijo ah oo kasoo baxaya, maadaama hore ay u fashilmeen wadahadaladii u danbeeyay ee ay axsaabta mucaaradku la yeesheen Madaxweynaha.

“Xukuumaddu waxay wadaa keliya waa waqti lumis iyo murran iyo ila meerayso lagu dhammeeyo waqtigii la qaban lahaa doorashada Madaxtooyadda ee ku astaysan 13 November 2022, sidaa awgeed diyaar uma nihin mana hor fadhiisnayo xukuumadda.” Sidaa waxa yidhi, Maxamuud Jaamac Galaal oo ka mid ah saraakiisha xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, balse sheegay inuu ku hadlayo kalsoonida labada xisbi ee WADDANI iyo UCID.

Mr. Galaal oo maanta ka hadlay mawqifkooda xilligan, wuxuu sheegay in saraakiisha  labada xisbi laga xidhay ee loo xidhay mudahaaradkii ay sameeyeen 9 Jun 2022, ay weli ku jiraan xabsiga, isla markaana wuxuu xusay in ay hakiyeen mudahaaradkii, iyadoo ay jireen Ergooyin dhawr iyo soddon ah oo hawsha khilaafka soo dhexgalay, kuwaas oo sida uu sheegay aan weli wax natiijo ah keenin, wuxuuna ugu baaqay Ergooyinka kale oo danaynayay in ay arrinta dhexdhexaad ka noqdaan in Ergooyin is dhinac yaaca aannay wax macne ah soo kordhinayn.

Dinaca akle, wuxuu sheegay in wax lala yaabo ay ahayd wasr-saxaafadeed ay wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland soo saartay oo ay ku sheegtay in wadahadal u furmay xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka, wuxuuna arrintaa ku tilmaama mid ceeb ku ah wasaaradda in ay dhexgasho khilaafka siyaasiga ah ee axsaabta iyo xukuumadda.

“Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ay ku jireen waxyaabo aan waxba ka jirin, tsaale ahaan in xukuumaddu la xidhiidhay axsaabta mucaaradka oo kala hadashay mudaharaadkii 9 jun 2022, waxaanse caddaynaaya annigoo ku hadlaya afka axsaabta mucaaradka in arrimahaasi waxba kama jiraan, waxayna ahaayeen keliya kuwo lagu majara habaabinayo beesha caalamka, waxaan filayaa in qoraalkaa aannu ahayn mid wasiirku wax ka oggaa ee ay cid kale dhexmarsatay wasaaradda.” Ayuu yidhi, isagoo ku celiyay in ay canbaaraynaayan qaabka ay dawladdu ugu adeegsatay rasaasta shacbiga xaqa u lahaa mudaharaadka.

“Annagu diyaar umma nihin in aannu xukuumadda la yeelano wadahadal toos ah, sababtoo ah wadahadaladii Madaxweynaha lala yeeshay ayaa lagu kala kacay, waxaana ay taasi noo caddaysay in xukuumadu  doonayso oo keliya waqti lumis si doorashadu dib ugu dhacdo.”

Mr. Galaal, wuxuu sheegay in aan la fulin balanqaadkii Ergooyinka ee ahaa in lasoo daayo dadkii la xidhay, wuxuuna ku hanjabay in haddii aan deg deg loo soo deyn in ay mudaharaadyadii ay hakiyeen si dhab ah uga bilaabayaan gobollada dalka oo dhan.

Afhayeenka, u hadlay labada xisbi, ayaa usoo jeediyay Madaxweyne Biixi inuu ka laabto dariiqa  uu marayo ee dalka geliyay ee Xeer L/R 14, isla markaana dalka kusoo dabaalo xaalad deganaansho ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com