“Doorashadii taagnayd ayaa layska indha tirayaa, doorashadii fogaydna waa lagu cararayaa” Madaxweyne Biixi

Araweelo News Network.

Ceergaabo(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo habeenkiii labaad ku sugan Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya mucaardka iyo xukuumaddiisa.

Madaxweyne Bixii oo la hadlayay qaar ka mid ah Bulshada oo kulan uu kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Ceergaabo, wuxuu sheegay in mucaaradku shaki ka qabaan, isla markaana ay ku doodayaan inuu doonayo inuu kursiga kusii fadhiyo oo muddada loo kordhiyo, balse waxa uu sheegay in aannay taasi ahayn mid u qorshaysan, “waxay leeyihiin kursiguu sii dheeraysanaaya oo kordhin buu doonayaa annigu awoodda kordhinta  ma leeyahay shacabkoo ogol mooyaane.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Hase yeeshee Madaxweyne Bixii, wuxuu sheegay in ay naanays ku noqoto waa loo kordhiyay, isagoo yidhi, “Ma doonayso naanays in ay igu noqoto “waa loo kordhiyay” markii hore hadh-cad ayaanu tartanay qoladaa  mucaaradka iminkana kuwa soo bixidoona hadh-cad ayaan la tartamayaa .”

Madaxweyne  Biixi, ayaa tilmaamay dariiqa loo marayo doorashada, isagoo yidhi, “Wadadii doorashada loo marayay waa laba marxaladood, waxaana waajibiyay sharciyad, marka hore waa in ay xisbiyo soo baxaan tobbankii sannadoodba mar, oo dadkii tobbanka sanno ka xidhnaa soo galaan, haddii inta ka horaysa  aannu dedaalo oo ay soo dedejiyaaan waxaaba laga yaabaa November, August, October ijn aynu ku dhammayno xisbiyada,  haddii xisbiyada la dhammeeyina tii kale “doorashada Madaxtooyada” way taagan tahay. Qaylada iyo Buuqa ayaa sii daahinaya, doorashadii taagnayd ayaa layska indha tirayaa, doorashadii fogaydna waa lagu cararayaa” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo si cad u sheegay in doorashada Ururradu ay ka horayso doorashada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Mar uu soo qaaday Madaxweyne canbaaraynta mucaaradka ee ay ku suntan inuu yahay digtaytar, wuxuu sheegay in aannu marnaba wixii uu  diiday ee ka dagaalamay aannu ula imanayn dadka, balse wuxuu sheegay in ragga kursiga kusoo ordaya uu soo dhowaynayo oo isaga saarkiisii kasoo degey, wuxuuse hadalkiisa ku xusay in aannay hadhaw ka yaacin marka ay arkaan dhibtiisa.

Madaxweyne Biixi, wuxuu ka dareen celiyay dhawaaqyadii dadweynaha Ceergaabo qaarkood u muujiyeen ee ay ku muujinayeen dareenka diidmada ah, isagoo yidhi, “Waxaynu ku faanaynaa dimuqraadiyad, mudaharaad,  xisbiyo isbedela iyo mucaarad kulul sharaf ayay noo tahay, magaalo kasta oo aan tago haddaan Madaxeeynihii ahay uma diyaar ihi in sacab laywada tumo oo laysoo wada dhoweeyo. Ninka iga soo horjeeda eel eh waxaad wadaa waa khalad, laakiin miyirqab haygu yidhaahdo ana miyirqab ayaan ugu jawaabayaa, tuur- tuuryada  iyo ceebta ayuun baan necebahay.” Ayii yidhi, Madaxweyne Biixi oo ka dareen celiyay dadweynaha booqashadiisa Ceergaabo u muujiyay dareenkooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com