Araweelo News Network.

#Somaliland: Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda ee dalka #Zambia, #Given Lubinda Maxay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda ee dalka Zambia, Given lubinda oo safar ku yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa shalay,

Wediga Zanbia, waxa  Madaarka Caalamiga ah ee Egal Internatiuon ee Hargeysa kusoo dhoweeyay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Kaulanka Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga dalka Zanbia, ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay oo aannay saxaafadu goog joog ka ahayn, iyadoo aannay cadayn arrimaha lagaga wada hadlay iyo ujeedada booqashada xilligan ee wefdiga Zanbia ee uu hoggaaminayo Mr. Given iyo saraakiisha la socotaa ku yimaadeen iyo mudada ay joogayaan, amma waxyaabaha u qorshaysan booqashadooda Somaliland.

 

Balse kulanka kadib qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland warbixin ka siiyay wefdiga xaaladda guud ee dalka Somaliland, marxaladihii uu soo maray ee nidaamka geedi-socodka dimuqraadiyada iyo meesha uu maanta marayo.

 

Madaxweyne Biixi, ayaa u sheegay wefdiga Zanbia in horumarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku yimi iskaashiga shacbiga iyo dawladda ka dhexeeya, Sida lagu Sheegay qoraalka.

 

Madaxweynuha, ayaa u sheegay wasiirka taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland, inay tahay dal 1960-kii xornimadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, kadibna si xoriyad ah ula midoobay Jamhuuriyaddii la isku odhan jiray Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray, si loo abuuro Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin shucuubta Soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika,ayaa lagu yidhi, qoraalka.

 

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi u sheegay wefdiga ka yimi Zanbia in midawgii Somaliland iyo Somalia uu socon waayey, kadib markii ay Somaliland kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba lahaa.

 

Midawgii la doonayay in shantii Soomaaliyeed lagu mideeyo markii uu fashilmay, Somaliland ay dib ula soo laabatay xornimadeedii iyo qarannimadeedii 1991-kii, taas macneheedu maaha in ay Somaliland tahay gobol ka go’ Soomalaiya, balse ay Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo la kala noqday midawgii 1 July 1960, sida lagu xusay qoraalka Madaxtooyadda Somaliland ayuu Madaxweyne Biixi u sheegay wefdiga Zanbia.

 

Sida lagu xusay qoraalka, waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Zambia, taariikhda ay labada dal wadaagaan ee kasoo bilaabantay xilligii gumaysiga, iyadoo taariikhda xidhiidhka dheer ee labada dal ay muuinayso in dad kasoo jeeda asal ahaan Somaliland ay ilaa maanta degganyihiin oo ay ku dhaqan yihiin dalka Zanbia.

 

Sidaa awgeed aannu xidhiidhka labada ahayn mid cusbayn, iyadoo Madaxweynihii hore ee dalka Zambia, Kenneth Kaunda oo ka mid ah Odayaasha Midawga Afiica booqashooyin ku yimi Somaliland, taas oo qayb ka ahayd xidhiidhka wanaagsan ee saaxiibtinimo ka dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Zanbia. Sidaa awgeed waxa lagu xisay qoraalka in kulanka lagaga hadlay xidhiidh cusub oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia, kaas oo salkana ku haya ganacsi iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan labada dal, wallaw aan la xusin nooca gacasiga, maadaama ay Somaliland iyo Zanbia aannay wadaagin xuduud.

 

Intii kulanku socday waxa si toos ah khadka taleefanka ku wada hadlay labada madaxweyne ee labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Zambia, Edgar Chagwa Lungu, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne xidhiidhka iyo danaha labada dal.’ Ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, iyadoo lagu xusay in kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayay Wasiirka Caddaaladda ee dalka Zambia, Given Lubinda kusoo dhamamaday guul, wallaw aan saxaafada loo soo bandhigin waxyaabo muuqda oo labada dhinac isla qaateen oo wada jir ugu soo bandhigeen Saxaafadda.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com