Muxuu Ka yidhi Safarkii Uu Kaga Soo Laabtay Maraykanka?

Araweelo News Network.

Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtay safarka Guinea oo bqolaal shacbiga Hargeysa kusoo dhoweeyeen Caasi

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayay oo safar toddobaadyo qaatay kaga soo laabtay maanta dalka Maraykanka, ayaa sharaxaad ka siiyay shacbiga waxyaabaha ay kala soo gurya noqdeen isaga iyo wefdigiisu.

Laxidhiidha: Washington: Madaxweyne Biixi Oo Kulamo Xaasaasi Ah Iyo Dooddo Loo Qorsheeyay

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweeyay Madaarka Egal International ee Magalaada Hargeysa, iyadoo markaa kaddib loo gelbiyay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Soo dhowaynta wefdiga Madaxweynaha waxa ka qayb qaatay boqolaal shacab ah, xildhibaano labada golle ee guurtida iyo wakiillada ah iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Madaxweyne Biixi oo sharaxaad ka bixinayay safarka toddobaadyada qaatay ee Washington iyo waxyaabaha ay kala kulmeen, kaddib kulamo ay la yeesheen saraakiisha Maraykanka ee xukuumadda Madaxweyne Biden xildhibaano, Hay”addo dawladda Maraykanka ah iyo madaxda qaramada midoobay ee New York, ayaa shacbiga ugu bushaareeyay in wada hadalo iyo heshiisyo ay u bilaabmeen Somaliland iyo Maraykanka, 8sagoo u mahad celiyay Madaxweyne Joe Biden iyo xukuumaddiisa oo sida uu sheegay ay gaadhsiiyeen gartooda.

Related: Somaliland President Muse Bihi Holds Important Meetings With Joe Biden Government Officials

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa u mahad celiyay xildhibaanada Maraykanka oo waday qorshe mooshin sharciyeed lagu caddaadinayo in dawladda Maraykanku ku dhiirato heshiisyo iyo wada shqayn dhab ah.

Madaxweyne Biixi, ayaa tilmaamay in guulaha safarkiisa sababeen dedaalka qurba’jooga Somaliland ee UK, Canada iyo Maraykanka, isagoo sidoo kale Ambassador Bashir God oo ah wakiilka Somaliland u jooga Washington door weyn ku lahaa guulaha safarkiisa.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya natiijada safarkiisa halkan ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com