Araweelo News Network.

Caynaba(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Caynaba iyo deegaamo kale oo kulaalaya badhtamaha dhulka juquraafi ahaan ay ku fadhido Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo weli ku jira socdaalkiisa uu ku marayo gobolada iyo degmooyinka dalka, ayaa xadhiga ka jaray mashaariic ay xukuumaddu sheegtay in laga fuliyay Magaaladda Caynaba ee xarunta u ah gobolka Saraar.

Kumanaan qof oo dadweynaha deegaanka ah ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisa kusoo dhoweeyay duleedka Magaaladda Caynaba, kuwaas oo u muujiyay soo dhowayn uu Madaxweyne u riyaaqay, isagoo tilmaamay sida aannay ugu kala hadhin soo dhowaynta wefdiga waxgarad, waayeel, dhalinyaro iyo haween, wuxuuna uga mahad celiyay soo dhowanta iyo farxada ay ku qaabileen isaga iyo wefdigiisa.

Madaxweyne Biixi, ayaa markaa kaddib xadhiga ka jaray dhawr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay Caynaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ceelka caanka ay ku tahay Magaaladda Caynaba oo Biyihiisa lagu xidhay mishiin safaynaya oo u bedelaya macaan, kaas oo uu weheliyo Dhaam weyn oo biyo xidheen ah oo dhismihiisu ka socdo duleedka Magaaladda Caynaba oo Madaxweynuhu kormeeray.

Madaxweyne Biiixi ayaa xadhiga ka jaray dhismaha wasaaradda Biyaha ee laga sameeyay Caynaba iyo sidoo kale dhisme Baanka dhexe uu leeyahay, oo laga dhisay halkaa, maadaama Caynaba uu ku yaaal mid ka mid ah Kastamada ugu waaweyn dalka.

Khudbad uu ka jeediyay Madaxweyne Biixi munaasibad lagu qabtay dhismaha u xadhiga ka jaray ee laanta Baanka dhexe ku yeelanayo Caynaba, ayuu ka qiray Abaarta ka jirta deegaankaa, wuxuuna xusay in ujeedda socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa xaaladda dalka ka jirta iyo duruufaha nollosha, si qaran ahaan iyo xukuumad ahaan loogu xisaabtamo.

“Socdaalkayagu wuxuu la xidhiidha sidii aannu xaaladda dalka iyo deegaamada xog-ogaal ugu noqon lahayn, waanu aragnay abaaraha ka jira deegaamada Bariga, waxaana innagu soo socda jiilaal, markaa haddii xaaladdu sii xumaato ayaanu doonaynaa in qorshaha qaranka ugu xisaabtamo .” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baanka dhexe Eng. Cali Cabdullaahi Daahir oo ka hadlay halkaa, ayaa sheegay in shantii sannadood ee ugu danbeeyay Baanka dhexe $42, 000, 000, (laba iyo Afartan Milyan oo dollar ka maalgeliyeen mashaariicda Hay’addaha Dawladda, balse sharaxaad kama bixin Guddoomiyuhu mashaariicda lacagtaasi ku baxday iyo Hay’addaha lagu maalgeliyay kuwa ay yihiin. sidoo kale ma sheegin meelaha laga fuliyay mashaariicda kacagtaasi ku baxday.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Cali Xasan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha, isla markaana qayb weyn ku leh fulinta mashaariicda socda iyo kuwa xadhiga laga jaray, ayaa sheegay in Caynaba ilaa shan mashruuc la geliyay, marka laga hadlayo mashaaricida Biyaha, kuwaas oo sida uu sheegay ka baddan mashruuca aad loo hadal hayay ee Dhaamka Gebilay, wuxuuna xusay in Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa ka go’antahay inuu wax ka qabtio dhibaatada biyo la’aanta ee miyiga, maadaama uu sida uu sheegay Madaxweyne Biixi Geeljire ahaa oo fahmayo nollosha miyiga iyo dhibaatada.

Masuuliyiinta Caynaba iyo Odayaasha ka hadlay munaasibadda, ayaa dhankooda ugu waramay Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisa saamaynta ay deegaanka ku yeelatay abaarta daba dheeraatay, iyagoo uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa mashaariicda ay ka fulisay deegaanka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com