Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa gollaha wakiillada u gudbiyay xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka qaranka oo ka koobban toddobada xubnood oo ay soo kala magcaabeen Saddex xubnood oo Madaxweynaha ah, lababa xubnood oo labada xisbi ee mucaaradku soo magcaabeen iyo laba xubnood oo gollaha guurtidu soo magcaabeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka duulaya dhaqaajinta iyo hirgelinta arrimaha doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa uu maanta Golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyey wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-875/062022, kuna taariikhaysan 11/06/2022 oo ah Xubnaha Loo Soo Xulay Inay Noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Cusub. ayaa lagu yidhi, qoraal Madaxtooyadda kasoo baxay oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Ujeeddo: Soo-gudbinta Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee Cusub

Sida aad la socoto, waxa is-wada casilay Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee cusub, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqraddiisa 4aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, xubnahaasi oo buuxiyey shuruudaha xubinnimada Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku qeexan Qodobka 14aad ee Xeer Lr. 91/2020.

Sida ku cad Qodobka 13aad, Faqraddiisa 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, waxa soo xulaya Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland (3 Xubnood), Golaha Guurtida (2 Xubnood), Axsaabta Siyaasadda ee diiwaan-gashan – Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga UCID (2 Xubnood).

Haddaba, waxaan halkan kugu soo gudbinayaa xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin ee loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee cusub:

No.MagacaWaxa soo kala-xulay
1.Muuse Xasan YuusufMadaxweynaha JSL
2.Axmed Cismaan XasanMadaxweynaha JSL
3.Xuseen Cabdi CaliMadaxweynaha JSL
4.Axmed Yuusuf MaxamedGolaha Guurtida
5.Faadumo Ismaaciil CabdiGolaha Guurtida
6.Cabdicasiis Xirsi WarsameXisbiga WADDANI
7.Ibraahim Aadan CaliXisbiga UCID

Waxaan rajaynayaa in aad ka gudan doontaan waajibaadkiina dastuuriga ah, ayuu faray Madaxweyne Biixi qoraalka uu raaciyay xubnaha guddida doorashooyinka ee gollaha wakiillada Madaxweynuhu u gudbiyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com