https://pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js
TelesomDahabshiil
Published On: Sat, Jun 11th, 2022

Boqorkii ‘Sheekooyinka gaagaaban’ ee Soomaalida oo geeriyooday

Maktabad weyn ayaa duntay, waadi cilmi sida ayaa gudhay, oo Saciid Jaamac Xuseen ayaa geeridiisa laga soo sheegay London.

Cabdiwahaab Axmed Qoraa madaxbannaan BBC News Somali

Deegaanka Yufle ee gobolka Sanaag ayuu ku dhashay mar ku beegan billowgii afartameeyadii. Waa ilmaha saddexaad ee ay iska dhaleen Aabbe Aw Jaamac Xuseen-Faras iyo hooyo Indha-deeq Faarax.

Awoowgii Xuseen Xirsi (Xuseen-Faras) waxaa uu ahaa ganacsade xoollaha nool ka baayac mushtara oo gobolka Sanaag iyo agagaarkiisana aad looga yaqaano.

Waxbarashadiisii!

Saciid isaga oo aad u yar ayay qoyskiisa u kaxeeyeen magaalada Cadn ee dalka Yemen oo Awoowgii Xuseen Xirsi (Xuseen-faras) deganaa Waa meesha qaabeyn doonta nolosha iyo shakhsiyadda Saciid.

Durba mid ka mid ah ahdaaftii waaweyneed ee laga lahaa keeniddiisii Yemen ayay qoyskiisa hirgeliyeen oo waxaa ay kasoo qoreen iskuulka Saint Joseph oo Soomaali badan oo reer Cadmeed ahaa ay kasoo aflaxeen.

Laxidhiidha: Siciid Jaamac Xuseen: Magac iyo Meeqaan

Marka laga tago aqoonta iskuulka lagu dhigo, Saciid wuxuu yeeshay dhaqan akhris oo loo aayo. Waa tan ka caawisay in uu ka il-dheeraado oo ka ayaan-roonaado ardaydii ay isku filka ahaayeen.

Saameyn xargo-goosatay ayuu ku dhex yeeshay bulshadii Soomaaliyeed ee ku nooleyd Yemen. Wuxuu noqday xoghayaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cadan, waxaana uu xilkaas sutida u hayay ilaa Yemen looga soo qaxay dagaalladii ahliga ahaa ee ka dhacay dalkaas billowgii lixdameeyadii qarnigii tegay.

Soo gurya-noqoshadiisii

Markii ay dagaalladu faafeen oo ay halistu badatay, jaaliyadda Soomaalida ee Yemen waxay dhawaaq dheer u direen dowladdoodii Soomaaliyeed. Saciid Jaamac wuxuu ahaa buundadii isku xireysay jaaliyadda iyo dowladda mar haddii uu ahaa xoghayaha jaaliyadda.

Waxay la hadleen madaxweynihii Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo raysul-wasaarihii xilligaas Maxamed Ibraahim Cigaal, kuwaas oo si isku mid ah u ballanqaaday dib-u-dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen kasoo noqday.

Laxidhiidha: Qoraagii Weynaa Siciid Jaamac Oo Geeriyooday

Beryahaas dadkii soo noqday waxaa ku dhagday halheyska ah “Xabbadi-keentay”. Dadkaas xabbadi-keentada ahaa ee Saciid Axmed la socday waagaas waxaa ugu magac-dheeraa Abwaan Maxamed Ibraahim (Hadraawi), Axmed Ismaaciil Xudeydi, xiddigii kubbada cagta ee Saciid Ducaale iyo rag kale oo qiima ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Ilbaxnimadii uu kala soo noqday Yemen waxay ka caawisay in uu durba la qabsado dalka oo uu door muhiim ah ka qaato howlihii socday.

Doorkiisii Siyaasadda

Markii uu curtay kacaankii 1969, iyadoo laga faa’iideysanayo kartida iyo adduun-aragga weyn ee Saciid, dowladdii Kacaanka ahayd waxay u wakiilatay in uu kala shaqeeyo xafiiska xiriirka dadweynaha oo markii dambe loo beddelay Xafiiska Siyaasadda ee GoLlaha Sare ee Kacaanka.

Xafiiskaas uu ka shaqeynayay oo aanan ka fogeyn aagga Tiyaatarka Saciid waxay u sahashay in uu barto rag qiimo leh oo qalinka iyo qoraalka ku suntan. Intii uu xafiiskaas joogay dadkii ay isbarteen waxaa ka mid ahaa Rashiid Sheekh Cabdullaahi (Rashiid Garweyne) oo wixii markaas ka dambeeyay ay ahaayeen jaal uu wadka uun kala waday.

Dhowr sanadood markii uu la shaqeeyay xafiiska siyaasadda ee Golaha Sare ee Kacaanka, Saciid waxaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Markii uu muddo kooban joogay, waxaa loo beddelay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka sii watay howlihiisa maamul.

Wuxuu ku hungoobay sida uu Kacaanku wax u waday, kaddib 1976-kii ayuu dalka ka dhoofay, isagoo muddo dibad-meer ahaa.

Laxidhiidha: Geeridu Tudhaale Ma Leh

Markii uu fashilmay iskudaygii afgambi ee April 1978-kii, saraakiil uu hoggaaminayay Alle ha u naxariistee Cabdullahi Yuusuf ayaa aasaasay jabhaddii SSDF. Saciid Jaamac wuxuu u arkayay jabhadda in ay tahay fursadda keliya ee lagu sixi karo khaladaadkii Kacaanka, taas oo keentay in ay micno u sii yeesho xajmiga jabhadda, maaddaama rag uu Saciid ka mid ahaa oo rayid ahaa ay ku biireen.

Waqtiga waxaa uu gaarsiiyay in Saciid Jaamac laga dhigo guddoomiye ku-xigeenkii jabhaddii SSDF oo ahayd xilligaas jabhadda keliya ee la dagaalameysay nidaamkii Maxamed Siyaad Barre.

Markii uu muddo kooban joogay, waxaa loo beddelay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka sii watay howlihiisa maamul.

Wuxuu ku hungoobay sida uu Kacaanku wax u waday, kaddib 1976-kii ayuu dalka ka dhoofay, isagoo muddo dibad-meer ahaa.

Laxidhidiha: Said Jama Hussein was a well-known Somali scholar

Markii uu fashilmay iskudaygii afgambi ee April 1978-kii, saraakiil uu hoggaaminayay Alle ha u naxariistee Cabdullahi Yuusuf ayaa aasaasay jabhaddii SSDF. Saciid Jaamac wuxuu u arkayay jabhadda in ay tahay fursadda keliya ee lagu sixi karo khaladaadkii Kacaanka, taas oo keentay in ay micno u sii yeesho xajmiga jabhadda, maaddaama rag uu Saciid ka mid ahaa oo rayid ahaa ay ku biireen SSDF, Siciid Jaamac waxa uu horseed u ahaa midowgii uu ururkiisu la galay jabhaddii SSF ee lagu asaasay Magaalada Addis Ababa, Etoobiya (midowga dabadii waxa lagu magaacabay SSDF).

Waqtiga waxaa uu gaarsiiyay in Saciid Jaamac laga dhigo guddoomiye ku-xigeenkii jabhaddii SSDF oo ahayd xilligaas jabhadda keliya ee la dagaalameysay nidaamkii Maxamed Siyaad Barre.

Laxidhiidha: Rashiid Gadhweyne, Maxamuud Sh. Dalmar iyo Jaamac Muuse Jaamac Oo Tilmaamo Ka Bixiyay Qoraa Siciid jaamac Xuseen Iyo Astaamihii Uu Lahaa

Dabeecadaha Saciid laga sheego waxaa ka mid ah go’aan-adkida iyo mabda’a markii uu muddo ka ku jiray jabhaddii SSDF, wuxuu goostay in uu isaga tago oo uu raadiyo nolol kale.

Dib ugu soo noqoshadiisii Yemen

Ku dhowaad labaatan sano oo uu ka maqnaa Yemen, Saciid Jaamac ayaa ku noqday Cadan. Haa, Cadan aan Cadantii uu kasoo tagay 1967-kii ahayn. Waa Cadan kasoo doogsaneysa dakharradii dagaalladii ahliga ahaa.

Dib ayuu ula midoobay dad iyo deegaan uu waqtigu kala kexeeyay dhowr iyo toban sano horteed. Halkaas ayuu haddana mar kale ka furtay cutub cusub oo noloshiisa ah.

Yemen ayuu joogay ilaa Oktoobar 1995-kii, markaas oo uu u carro-geddistay dhankaas iyo dalka Ingiriiska.

Shaqooyinkii Saciid Jaamac Xuseen

Saciid wuxuu Alle ku manneystay hibo qoraal iyo aqoon baaxad weyn oo uu ku kasbaday akhriska iyo baariddii uu dabciga ka dhigtay tan iyo yaraantiisa.

Dadka qaar, Saciid waxay u yaqaannaan boqorka ‘Sheekada gaaban’, maaddaama ay qoraalladiisu u badnaayeen sheekooyin gaagaaban.

Shaqooyinka hirgalay ee uu qoraa Saciid Jaamac qabtay waxaa ka mid ah buugga Shufbeel. Waa sheeko gaaban oo billowgeedii kusoo baxday xilliilaha Hal-abuur sanadkii 1993 ka hor inta aan buug loo rogin sanadkii 2011.

Sheekooyinka buugga Shufbeel uu soo bandhigaayo waxaa ay iskugu jiraan waaya aragnimada qoraaga, xusuusta caruurnimadiisa, deegaankii uu ku dhashay, dadkii uu kusoo ag bar-baarray, marxaladihii lasoo maray, kaddib burburkii dalka ka dhacay iyo mowdduucyo kale oo aad u xiisa badan.

Laxidhidiha: Maxay Ka Yidhaahdeen Geerida Qoraa Siciid Jaamac Qaar Ka Mid Haldoorka Bulshadu

Buugaagta kale ee hirgalay ee uu qoray Saciid Jaamac waxaa ka mid ah ‘Safar aan jiho lahayn’ (2013), Ma innaguun baa? (2018).

Saciid wuxuu wax ku qori jiray afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska, halka luuqadda Jarmalkana uu isticmaali jiray sida uu Rashiid Garweyne sheegay mar uu ka sheekeynayay shakhsiyadda Saciid.

Muddooyinkii dambe wuxuu Saciid si joogto ah uga shaqeynayay horumarinta af-Soomaaliga isagoo dhallinyarada siin jiray tababarro hagaya isticmaalka tolmoon ee af-Soomaaliga

Habeennimadii khamiista ahayd, sagaalkii Juun 2022 ayuu London ugu geeriyooday cudurka kansarka oo uu in muddo ahba la xanuunsanayay.

Saciid waa maktbad Soomaaliyeed oo duntay, marka loo eego aqoonta iyo ilbaxnimada uu la dhintay ee aysan badi Soomaalidu ku baraarugsanayn.

Cabdiwahaab Axmed: Qoraa madaxbannaan

Xiggasho: BBC News Somali

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. […] Laxidhiidha: Boqorkii ‘Sheekooyinka Gaagaaban’ Ee Soomaalida Oo Geeriyooday […]

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>