Araweelo News Network.

Ambassador Barkhad Kaariye

Goblantooy adduunyooy,

Guryo ba’ay ma waydide,

Saakana ma geeraa!

Garashiyo sokeeyiyo,

Ruux laga gabbada iyo,

Birma-geydo ma lahoo,

Waa goor xun socotee,

Caawana ma gudaysaa,

Sidii gaade amma tuug!

Kollay lama gafaayoo,

Godka lama huraayee,

Ma kalkeedii baa galay,

Mise tiradu waa gedan,

Gefna haygu noqotoo,

Guulle hayga dhaafee,

Garowshiyo adakaa! – Ibrahim Jaamac Reyte, 18 May, 2020.

Xukunka Eebbe iyadoon la dhaafayn, haddana geeryuhu kala damaq badan! Siciid Jaamac Xuseen Xirsi meeqaamkiisa maaha qoraal kooban iyo sadaro si gole-ka-fuul ah looga qoraa, hase ahaatee, xus aan ku qancinayo qalbiga damqanaya iyo xusuusaha iscidhiidhsanaya maankayga weeye. Odhaahda ciwaanka ahi waa mid ka mid ah xikmadihii u dambeeyay ee aan ka gunto cilmi iyo qoraal uu nala wadaagay.

Laxidhiidha: Boqorkii ‘Sheekooyinka Gaagaaban’ Ee Soomaalida Oo Geeriyooday

Qofba meel buu ugu jiray, qof walibana goor iyo goob gaar ah ayay kulmeen oo ku kulmeen! Dad badan oo ehel, asxaab, aqraab iyo is-taqaan ay ahaayeen ba, geeridu way damaqday, hase ahaatee, qoyska reer Barkhad iyo in badan oo kaleba, wuxuu u ahaa wax ka dhaw wax kasta oo ay isu ahaayeen bulshada inteeda kale! Waalid, tilmaame, toosiye, tababare iyo tiir-dhexaad ba wuu noo ahaa! Ma jirin tallaabo horumar iyo higsi khusaysa oo aannu talo amma tusaale ku lahayn! Baaxadda aqooneed iyo kayd ee uu ka tegay ma aha kuwo qof iyo qofaf soo saari karaan ammaba soo koobi karaan!

Laxidhiidha: Geeridu Tudhaale Ma Leh

Awowgii Xuseen Xirsi (Xuseen-Faras) wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii xoolaha nool ee gobolka Sanaag. Hase ahaatee, wuxuu duruufo jiray awgeed u guuray Magaalada Cadan ee Yemen. Siciid Jaamac wuxuu sannadkii 1942 ayuu dhashay. Wuxuu ahaa ilmihii saddexaad ee u dhasha qoyskooda. Siciid Jaamac AUN hooyadii waxay ahayd Indha-deeq Faarax. Ayaydii Aabbo Cawo Faarax Odowaa ayaa Siciid Jaamac oo saddex sanno jira u kaxaysay dhinaca Cadan, halkaas oo uu ku barbaaray, ku-hano-qaaday, isla markaana wax ku bartay. Magaalada Cadan waxay qoyskoodu ku leeyihiin taariikh iyo raadad waarayba.

Laxidhiidha:Siciid Jaamac Xuseen: Magac iyo Meeqaan

 Shirkadda diyaaradaha ee Cadan (Aden Airways) ayaa ka hawlgalay ilaa sannadkii 1967, markaas oo uu dib ugu soo noqday Jamhuuriyaddii Soomaalida. Halkaas ayay ka bilaabmaysaa taariikh gun dheer iyo halgan loo aayay ilaa maanta oo uu qaarkoodna aasaasay, qaarkoodna qayb ka ahaa. Waa taariikhda intiinna badan laga yaabo inaad ku maqasheen amma ku barateen ee SJX! Waa halka dhitada aqooneed iyo khibradeed ee gun dheer ee in badani afkiisa ka maqashay amma buugaagtiisa ka dheehatay, ay ku qotonto. Waa qormo kooban oo aan u soo garoocay si hal-haleel ah, kana soo dheegay taariikh iyo sooyaal isaga aannu ka reebnay.

Laxidhiidha: Qoraagii Weynaa Siciid Jaamac Oo Geeriyooday

Laxidhidiha: Said Jama Hussein was a well-known Somali scholar

Laxidhiidha: Rashiid Gadhweyne, Maxamuud Sh. Dalmar iyo Jaamac Muuse Jaamac Oo Tilmaamo Ka Bixiyay Qoraa Siciid jaamac Xuseen Iyo Astaamihii Uu Lahaa

Laxidhidiha: Maxay Ka Yidhaahdeen Geerida Qoraa Siciid Jaamac Qaar Ka Mid Haldoorka Bulshadu

Laxidhiidha: A leading scholar and true enlightenment thinker passed away – Said Jama Hussein (1942 – 2022) Nabadgelyo Macallin.

Laxidhiidha: Said Jama Hussein Cause Of Death

This post is about a famous person who have passed away, to know more about this individual please click on the Read More button. Said Jama Hussein Cause Of Death Posted by osei donald journalist,music critic and netizen.

Imisa Arday buu tilmaamay oo tababaray! Imisaa ka hirqatay darka murtida, maadda iyo cilmiga ee haldoorkii reer Xuseen-Faras! Taariikhdiisu waa bad, qof waliba meel darka iska taagayo markuu wax ka qorayo’e, intee qalinka iyo khadka diyaarsatay oo wax ka odhanaysa!

Ma uu dhiman Af Soomaaligii, waa magowyahaye

Dhaaxuu Mardaadiga xarago, miiqay weeraha eh

Oo uu sarbeebaha maldahan, Soohay midabayne

Oo murtida weel u tolay, sheeko maangada eh

Madhaxuu ka tegey baa habboon, inaan milganaaye! – Macallin Siciid Axmed, 2021.

Qof kasta oo uu waxtarkiisu si uun u gaadhay, shaqo badan baa inoo taalla dhammaanteen. Dhaxal waara iyo dhiganayaal badan ayaynu ku weelayn doonnaa waxtarkiisii idanka Ilaahay. #SJX

W/Q. Ambassador Barkhad Kaariye