Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay xubnaha noqonaya guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo axsaabta qaranka.

Wareegto kasoo baxday maanta Xafiiska Madaxweynaha oo ku taariikhaysan 29 Jan 2022, ayaa lagu shaaciyay xubnaha guddida oo ka kooban toddoba xubnood.

Nuqul ka mid ah wareegtada oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu shaaciyay magacyada xubnaha guddida oo ay ka muuqdaan xubno hore uga tirsanaa gollihii hore ee Wakiillada iyo kii ka horeeyay.

Qoraalka wareegtadda oo dhamamaystiran ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/012022, ku magacaabay Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”sidaa ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

“Wareegto Madaxweyne. UJEEDDO: MAGACAABID MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011; Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022;

  Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu yidhi, wargeegtada.

Magacyada Guddida.

1. Maxamuud Axmed Obsiiye Xubin. 2. Siciid Maxamed Cilmi Xubin. 3. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim Xubin. 4. Aadan Geedi Qayaad Xubin. 5. Cabdalle Ibraahim Maxamed Xubin.  6. Mukhtaar Cabdi Jaamac Xubin.  7. Maxamed Xasan Cabdi Badde Xubin. 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com