Araweelo News Network.

New York(ANN)-Fadeexad uu soo bandhigay Wargeyska caanka ah ee The New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa lagu shaaciyay in dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan khadka telefoonka kula xidhiidhay ra’iisal wasaarihii Israel Benjamin Netanyahu.ee lagaga adkaaday doorashooyinkii March 2021.

Maxamed bin Salmaan oo lagu tilmaamo ninka ugu awoodda baddan dalka Sacuudiga, ayaa xilligaas Netanyahu oo ahaa ra’iisal wasaaraha Israel ka codsaday inuu u fudedeeyo dalabkiisa sida uu shaaciyay New York Times.

Sacuudiga ayaa sanadkii 2019 laga joojiyay isticmaalka barnaamijka wax basaasa ee ay samayso shirkadda NSO Group ee laga leeyahay Israel ee loo yaqaan Pegasus.

Saudi Arabia’s Crown Prince Mohammed bin Salman (L) and Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, Image file Araweelo News Network.

Baadhitaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Barnaamijka Pegasus ay dowladdaha caalamka intooda baddan u isticmaalaan dabagalka shakhsiyaadka ay doonayaan inay ogaadaan xogtooda ee dhaliila siyaasadaha dalalkooda.

Dalabka Maxamed Bin Salmaan, ayaa yimi, kaddib markii dhacdadii dilkii foosha xumaa ee lagu fuliyay weriyihii caanka ahaa ee Jamal Khashoggi oo lagu eeddeeyay in uu ahaa maskaxdii ka danbaysay Maxamed Bin Salamaan

Hase yeehsee shirkadda NSO Group ayaa la sheegay inay diidday cusboonaysiinta ruqsadda isticmaalka barnaamijka Pegasus ee Sacuudi Carabiya, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kaaliyayaasha dhaxal sugaha ay la hadleen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Israel iyo sirdoonka Mossad, balse ay ku guuldaraysteen inay soo celiyaan ruqsadda.

Balse Maxamed bin Salmaan ayaa markaa kaddib si toos ah telefoonka ugula hadlay ra’iisal wasaarihii Israel ee xilligaas, Benjamin Netanyahu, isagoo ka codsaday inuu soo farageliyo xaaladda si loogu cusboonaysiiyo Barnaamijka dabagalka shakhsiyaadka ee ay hore uga iibsadeen.

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu markiiba amray in ruqsadda Pegasus loo cusbooneysiiyo Sacuudiga, sida laga soo xigtay qof xog ogaal u ah arrinkaas.

Wadahadalkaas dhexmaray bin Salman iyo Netanyahu ayuu wargeysku sheegay inuu dhacay ka hor heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay dalalka Carabta qaarkood, gaar ahaan kuwa Khaliijka la galeen Israel, isla markaan loogu magac daray Abraham Accords.

Qeyb muhiim ah oo kamid ahayd heshiiska ay isla gaareen Netanyahu iyo bin Salman ayaa la sheegay inay ahayd in duulimaadyada rakaabka ah ee Israel ay dul mari karaan Sacuudiga, taas oo ahayd markii u horraysay ee diyaaraddaha Israel dul maraan hawadda Sacuudiga.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu sannadkii 2017, barnaamijka Pegasus ku iibsaday lacag dhan 55 milyan oo dollar, si toos ahayd mid Barnaamijka si toos ah u hoos geynaysay xafiiska dhaxal sugaha Maxamed bin Salmaan.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Xukuumadda Israel ayaa wargeyska u sheegay in shakhsiyaad kooban oo ka amar qaata Netanyahu ay ogaayeen heshiiska Sacuudiga lagaga iibiyay barnaamijka, “arrintaas oo ahayd sir si weyn loo ilaaliyay.” Ayuu yidhi.

“Inuu farxad geliyo Sacuudiga ayaa wax weyn u ahayd Netanyahu, oo xidhiidh hoose la lahaa dalal dhowr ah oo Carbeed, isla markaana doonayay in heshiis dhexmara dowladdiisa iyo dalalkaas uu ka dhigi doono halyay aan la hilmaanin,” sida lagu sheegay warbixinta The New York Times.

Hase yeeshee Xafiiska Netanyahu oo ka falceliyay warbixinta uu daabacay Wargeyska, ayaa ku tilmaamay mid been ah.

Dalalka Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Morocco iyo Sudan ayaa heshiis taariikhi ah la galay Israel, sannadihii 2019 ilaa 2020,  waxaana ay la yeesheen markii u horaysay si badheedha ah xidhiidh diblomaasi, iyadoo Imaaraadku u diray Isreal Safiir, isla markaana ay ka furteen Safaarad Tel Aviv horaantii March 2021,

Abraham Accords, ayaa ahaa mashruuc weyn oo dunida Islaamka looga arkay in lagu duudsiyo dhulka reer Falastiin iyo xaqooda, isla markaana meesha ka saaraya lahaanshaha Qudus ee islaamka, waxaana kasoo shaqeeyay oo gacan weyn ku lahaa Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, kaas oo u wakiishay inuu fuliyo wiilka uu sodoga u ahaa Jared Kushner, oo ahaa ergayga khaaska ah ee arrimaha Bariga dhexe, balse qorshayaasha qaarkood waxa neesha ka saaray guuldaradii doorashada Maraykanaka ee Trump lagaga adkaaday iyo sidoo kale ra’iisal wasaarihii Israel Benjamin Netanyahu.ee lagaga adkaaday doorashooyinkii March 2021.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com