Araweelo News Network.

Madaxweynaha Dammac Ayaa Is Tusay, , Dammacaana Somaliland way ka tashanay. Guddoomiyaha UCID.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ganafka ku dhiftay in xilligan Madaxweyne Biixi magcaabo xubnaha guddida diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Axsaabta qaranka.

Guddoomiye Faysal, wuxuu arrintaa ku tilmaamay mid Madaxweyne Biixi ku qasayo doorashadda Madaxtooyadda ee ay naawilayeen.

Guddida ayuu sheegay in ay xubnaha guddidu u badan yihiin xisbiga KULMIYE, ee Madaxweyne Biixi Guddoomiyaha u yahay, balse waxa uu ku doodday in arrinta ay ka hadlayaan aannay ahayn xubnaha ee ay muhiimadu tahay in aannay xilligan ahayn in Madaxweynuhu magcaabo guddida Ururrada Siyaasadda.

“Annagu guddida xubnaha waqti iskaga luminmayno ee waxan ka hadlaynaa waa guddida uu magcabaay oo aannay ahayn waqtigoodii, mana aha xilligii Ururrada la furayay ee xeerkoodii ma samaysna, waxa ka horeeya doorashadii Madaxtooyadda.” ayuu yidhi, Gudodomiye Faysal oo waraysi siiyay Idaacadda BBC.

Guddoomiye, Faysal wuxuu sheegay in xilligan diiwaangelintii doorashadda Madaxtooyadda la qaban lahaa, balse Madaxweynuhu u magcaabay guddida si ay Somaliland u qasanto.

“Dalka sharci ayaa jira, doorashadii Madaxtooyadda ayaa taagan isaga (Madaxweynaha) 13 November 2022, ayay kaga dhammaanay, Ururradu way ka danbeeyaan doorashadda Madaxtooyadda, markaa damac ayaa is tusay Madaxweynaha, dammacaana Somaliland way ka tashanay.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi dalka baabiiyay oo aannay ka yeelayn ee ka tashanayaan, “Dalka maanta dhaqaalihiisa ayaa xun, afartii sannadood qabyaalad iyo eexasho ayuu bilaabay, markaa ka yeeli mayno in Muuse dalka baabiiyo labada xisbi haddaanu nahay tallo qaran ayaanu ka yeelanaynaa, Somliland wax nin yeesho maaha, shacbigana waxaan leenahay doyaar garooba, ayuu ydhi.

Guddoomiye Faysal ayaa marar hore ku hanjabay in haddii Madaxweyne Biixi doorashadda Madaxtooyadda qaban waayo ay labada Xisbi tallo qaran yeelanayaan oo aannay wixii ka danbeeya 13 November 2022, u aqoonsanayn Madaxweyne, isagoo mar kale ku celiyay maanta in ay ka tashanayaan, wallow aannu caddayn go’aanka ay qaadanayaan.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com