Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu qasriga Madaxtooyadda kula kulay wefdi ka socda dalka Maraykanka.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, balse qoraalka laguma sheegin magacyada wefdiga Madaxweynuhu la kulmay iyo inta ay ka koobanaayeen.

Sidoo kale laguma xusin cidda hoggaaminaysay wefdiga,laakiin waxa lagu xusay qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda ee Madaxweyne Biixi qaabilay ay ahaayeen wefdi ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka, kuwaas oo safar shaqo ku yimi Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Maraykanka, 14 December 2021, Image Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyay horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, ayaa lagu yidhi, qotaalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, ayaa  u sheegay wefdiga in Somaliland halkan kusoo gaadhay isku duubni iyo qori isu dhiib oo ay iska kaashadeen shacbiga iyo dawladdu kuna ilaashadeen nabadgelyada, horumarka, dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraalka.

Madaxtooyadda Somaliland, ayaa sheegtay in  arrintaasi sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan.

Kulanka, ayaa la sheegay in lagaga hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda.

Qoraal saxafadeedka, ayaa lagu xusay in wefdigu dhankooda Madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta milgaha iyo maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabilay markii ay dalka soo gaadheen.

“Waxay ka markhaati kaceen horumarka, iyo Dimuquraaddiyadda ka muuqata dalka, iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Wefdiga, ayaa sidoo kale xusay in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay, ayaa lasii raaciyay.

Qoraal saxaafadeedka oo aan faah-faahin baddan ka bixin kulankaa, waxa lagu sheegay in ay Madaxweynaha ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka iyo Agaasimaha machadka nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Maraykanka, 14 December 2021, Image Araweelo News Network.

Weftiga ka socda Maraykanka oo aannay Madaxtooyaddu xusin magacyadooda iyo tiradooda, ayaa maalintii shalay soo gaadhay Somaliland, waxayna kulamo muhiima oo gaar-gaar ah la yeesheen, xubno ka mida labada golle ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka iyo Jaamacadda Hargeysa oo habeenkii xalay weftiga u samaysay munaasibad casho ah, iyagoo kulan kalena maanta la qaatay.

Sidoo kale, waxay kulamo la qaateen maanta wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com